Boob Qaran Wuxuu Dhalaa Burbur Qaran

 

Xukumada Maanta Jirta Waxaa u Dardaaran ah.'Ka Badso Inta Aad  Hays ato Maanta,Ha Ogaado Qof Waliba In Aad Naftaada U Dhigatay Dhigaal, In Aad Haysato Awood Ka Badan Ta Aad Hada Isticmaalayso, Hadii Meesha Aad Boobtaa Kugu Yarato,Ama Waxaad Boobaysaa, Ogsonow In Aad Wali Waxba Ahayn,Boob Inta Xilku Guud Kaga Saaran Yahay.'

Waxa maamulka Gabiley ku hawlan yihiin sidii ay saddex cagafcagaf oo  mid kood tahay noocaa waaweyn ee Baldawsarta loo yaqaano uga xaraashi  la haayeen Kililka 5aad ee dawlada Itoobiya, Sida waxa qortay  Jamhuuriya.info

Somaliland waxay joogtaa meel aad uga maqaam lida ta maalmihii ay hoos joogtay xukunkii Military, marka ay noqoto Boobka hantida Qaranka oo  Bo obka hantida Qaranka oo maraysa meeshii ugu saraysay tan iyo intii la  unk ay qarankan aan wali cagaha badan ku taagnay,waxaa waliba hanaqa iyo halbawlaha la jarayaa meelihii ugu mihiim sanaa ee Qaran ka taabo qaadi  la haa,iyadoo si indho la'aana loogu dhiiranayo in la xarasho hanti lama  taabt an ku ah umada , siiba wax soo saarka oo dalka u ah laf dhabarta dhaqaale ee ku socdo.

Dalkan marka laga xaraasho waxkasta oo astaan u ahaa Qaran, wax kasta oo umadani wada lahayd qofnaa aanu sheegan karin,mar hadii gacanta loo wada galiyey shisheye iyo sokeye ganacsatayaal ah, Somaliland ma si  noq on kartaa qaran kol hadii kabiyadii wadanka mid dhaqaale iyo mid mujtamac looga adeegaba ay si sahala maalinkasta horteena loogu xaraashayo. Waa wax ay adag tahay in la daawayn karo iyadoo u baahan in looga digo kuwa ku dhiiranya in ay iibsadaan balse ka sii iibinta Ethiopia Cagacafyadii  dawla du lahayd deegankuna aad ugu baahi qabay waxay tilmaamaysaa qayrul masuulnimada aan xilkasta ahayd ee ay ku dhaqaaqeen kuwa ku hawlan hawsha.


Xisbiyada Qaranku waa in ay qoraan qoraal ciqaabyeedyo siiba golaha  Bar lamanku lagu ladhayo dastuurka in cidii iibisa hanti qaran ama iibsata aanay xalaal ahayn ilaa la soo mariyo wado sharciya, Waxay noqonayso iyo in  gu di loo saaro diwaan galisaa dhamaan wixii hanti ah ee dawladu iibisay halka ay maraan iyagoo gudidaasi noqoto mid ay ku soo biirayaan dadka aqoon iyo muctarifkaba ka ah dalkan si loogu qaylyo markasta oo ay xukumadu  is ku daydo in ay fadhataysato Hantida Qaranka.


Iibintii Gaastii warshadii Sibidhka ee Berbera taalay oo laga iibiyey Shirkad Dubia lana ogayn lacagteedii

Iibiintii Enginadii waa weynaa ee Warshada Laydhka Hargiesa oo Wakhtigii Ingriska la keenay dalka iyana laga iibiyey Shirkad Dubia lana hayn meel ay ku dhacday lacagtaasi, iyadoo baahi weyn ay u qabto Hargiesa laydhka.


Iibiintii Tiyaatarka Hargiesa

Iibintii Xeradii Turba taariyada

Ibiintii Guryaha Dawlada


Boobida Golaha Wasiirada iyo Madexa u dhadhow Riyale hantida ma  guurt ada ah ee ay ka mid tahay dhulaal.


Bixnta dhul dan guud ah oo si hoose looga iibiyey ganacsato.


IYO QAAR KALOO BADAN IYO QAAR KALOO BADAN IYO QAAR KALOO BADAN



Qofkasta oo reer Somaliland oo damqasho ka hayso siiba Saxafada   Somalil and ha furaan bogag laga dooda arintaas qoraalana ha laga sameeyo wixii Somaliland ka maqan ee hanti qaran ah iyo in bayaano iyo cabasho laga soo jeediyo Iibsiga hantida qaranka. In ay Culumada Somaliland ka soo saarto Fatwo ku sahabsan in Iibsiga hantiga qaranku yahay xaaran haidi aan loo soo marin sifo sharci ah. Waa in dalkan laga badbaadiya in aanu ku burburin horteena,noqono meel cid waliba buqcad dawladeed sheegato oo wax  daw ladi leedahayba la waayo iyadoo taasi dhacdana waxay ka dhigan tahay in aan dawladkasta oo timaada dalku ayna shaqayn karin noqotana mid  dafii ca oo ku tiirsan kolba dadka dhulka ay sheegato dagan in ay u yeedhiyaan waxay qabanayso iyagoo dantooda mar walba doonaya in loo kor mariyo.




Daauud Giliingil