BOGGA HAMBALYADA EE MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

 

 

 

 

 

 

 Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Hambalyo u d i ray Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

 


Hargeysa (TNN) Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka mid ah Salaadiinta Somalila nd ayaa  Hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici , guusha ay ku  guulaysteen Doorashadii Madaxtinimada ee 26 kii bishii June 2010  ka dhacday Somaliland .

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,  waxa uu masuuliyiinta la doortay  ilaahay uga ba ryay in hawashaa  loo igmaday  u fududeeyo,kuna asturo.

Waxa kale oo uu  Hambalyo iyo bogaadin u diray
shacbiga Somaliland, Komishanka Doorash ooyinka iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ,  sidii wadaninimada  lahayd ee ay u sugeen nab adgelyada, doorashadana u guteen.

 

 


Timacade News Network (TNN)
Hargeysa Somaliland
 

 


 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga Eng.Maxamed Cali Muse,ka dhammaan Bahda Timacade New s Network TNN , ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxaanu hambalyo u diraynaa Mud ane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland.

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa,  inuu xilkaa ummaddu u igmatay u fududeeyo,kuna astur o, Aamiin,Aamin,Aamiin.

Waxaan kale oo aan hambalyo u diraynaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin, go,aankii geesini mda iyo wadaninimada lahaa ee uu ka soo saaray hadaladii Xisbiga UDUB ka soo yeedhay iyo  ballan qaadkii uu ku dhawaaqay inuu ku qancayo wixii go'aan ah ee   Komishanka Door ashooyinku soo saaraan.

 

 


Engineer Mohamed Ali Muse

Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist
Editor in Chief & Webmaster
Timacade News Network (TNN)
www.TimacadeNews.com

 

 


 

 


Waxaan hambalyo iyo salaan kal iyo laab ah u dirayaa Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),oo ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday  Somaliland. Waxa an ilaahay uga baryayaa inuu masuuliyadda loo doortay u fududeeyo,dalka iyo ummadana horumar gaadhsiiyo,Aamiin.
 

Waxaan kale oo aan hambalyo u dirayaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin , go,aankii geesini mda iyo wadaninimada lahaa ee uu ka soo saaray hadaladii Xisbiga UDUB ka soo yeedhay iyo  ballan qaadkii uu ku dhawaaqay inuu ku qancayo wixii go'aan ah ee   Komishanka Door ashooyinku soo saaraan.

 


Cabdirisaaq Cali Muse
(Shiine)
Birmingham  UK

 

 


 

 

Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dadweynaha Reer Soomaaliland oo aan ugu  hamba yeynaayo, sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaakii doorashda dalka ka dacday . waxaa kale oo aan hambalyo taasi la mid ah u dirayaa, Madaxweynaha cusub ee Jamuhuur iyada Soomaaliland. Mr. Axmed Siilaanyo, oo aan leeyahay ilahay ha kugu garab galo xiska asi laguu doortay.

Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa
Maxadaxweynihii hore ee Soomaaliland, mudane Da ahir Riyaale go,aanka geesinimada leh ee uu qatay,kuna sheegay inuu si buuxda ugu  kalso on-yahay go,aanka ka soo baxa gudiga doorashooyinka. Arrintaasi oo runtii muujisay inuu yahay nin wadani ah, dadaka iyo dalkana laxejeclo ka qaba.
 


Maxamed Yuusuf Buux.

 


 


Hambalyo iyo Bogaadin

Waxaan hambalyo diiran u dirayaa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka la  door tay
Mudane Axmed Siilanyo iyo Mudane saylici. Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ku  garab galo xilka culus ee loo doortay una rajaynayaa inay si weyn ugu guulaystaan arrimaha  nab adgelyada, midnimada, cadaaladda, aqoonsiga, iyo horumarka dalka.

Waxaan kale oo hambalyo u dirayaa dhammaan Shacabka Somaliland ee sida nabadgelyada leh ku codeeyay una quusgooyay cadowga Somaliland. Sidaas oo kale waxaan bogaadin u dirayaa Guddiga Doorashada Qaranka, Ciidamada Qalabka Sida iyo Hawlwadeenadii  Gooba ha Doorashada sida ay iskaga xilsaareen in doorashadu ku qabsoonto si nabadgelyo  isla markaana u noqoto mid nadiif ah.

Doorashadanu waxay dhidibada u sii aasaysaa madaxbanaanida iyo dawladnimada  Somalil and waxayna soo dedejinaysaa aqoonsigeeda Beesha Caaalamaaka.
 


Ibrahim Hassan Gagale


July 3, 2010

 


 

Hambaliyo Ku Socota Madaxweynah Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo  Madaxw eyne Ku Xigeenka La Doortay Md Cabdiraxman Cabdillahi Ismaciil Saylici



Hamabaliyo Hambaliyo Hambaliyo

Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland
Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici), Waxaa iyaguna sharaf iyo qadarin aan la soo koobi karin mudan dhamaan aadna aan u hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland igaar ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaashii kale ee doorashada ka qayb qaatay gutayna waajibkoodii muwaadinnimo.

Waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiga ah ee muwaadinku waxna dooran karo isna la dooran karo., Inkasta oo shacabka Somaliland ay si nabad galyo leh u kala taageerayeen sedexda xisbi qaran una kala codeyeen xisbiyada hadana waxaa hubaal ah in intaba mid ka wayni jirto, ahna qaranimadeena iyo dawladnimadeenna oo la wada ilaashado, gacmahana dib la isu qabsado oo la isugu soo noqdo walaaltinimadii . Shacabka Somaliland waxay  maa nta muujiyeen dimuqraadiyad aan hore looga baran dawladaha sedexaad gaar ahaan  qaar adda africa oo madaweyne kastaaba xukunka xejisto illa uu ku dul dhimanayo.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin sidii u ku sheegay  w ar saxaafadedkisa wuxuu noqon doona madaxweyne taariikhda Africa meel wanaagsan ka gala laguna xasuusta raadkaaiyo dhaxalkaa fiican dimuqraadiyadda dalka uu uga tagayo.

Insha ALLAAHU guushaa doorashada ee sida nabadgalyada ah inoogu dhamaatay waxaa inoogu xigi doona Ictiraafkii dibloomasiyadeed oo hubaal aynu ku kasban doono guusha iyo degannaanshaha ka muuqda dalkeena.

Somaliland Ha Noolato

 



Maxamud Caydiid Lafcanbe

Toronto, Canada

 

 




Annga oo ah
Gudiga Kulmiye laanta Bristol , xubnaha taageerasha ah ee reer Bristol iyo dhamaan dadka degan magaalada Bristol , waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa m adxweynaha cusub ee somaliland iyo dadwynaha aad u qiimo badan ee gartay in ay in gac antooda ku doortaan cida hogaaminaysa dalka waa mahadsantihiin dadweynow.


Sidaasi darteed waxaanu leenahay
Hambalyo madaxweyne adiga iyo ku xigeen kaaga  ilaa hay ha idinku asturo xilka aad qaadeen oo aanu idinka rejaynayno in aad ku guulaysan do ontaan wixii la idiin doortay.


Hambalyo Hambalyo



Madar Ismail

Bristol UK

 

 


 

 

 


HANBALYO KU SOCOTA MADAXWAYNAHA CUSUB MUDANE AXMED MAXAMED SIILAANYO


Waxay udub isku dhajisaba wakaa
xaaji axmed ku ruqaansaaday kursigii madaxtooyada .
Waxay noo kordhiya ku andacoodaanba wakaa mujaahid axmed maanta shacabkii doortay.
Waxaanu leenahay
HANBALYO ,HANBALYO ,hanbalyo
 


Madaxwaynha cusub ee somaliland muj axmed maxamed siilaanyo waxaanu ka filananaa inuu saxo dhamaan qaladaadkii dhacay Waxaanu ka rajaynaynaa inuu dhiso cadaaladii  bu rburtay iyo sinaantii waxaanu ka rajaynaynaa madaxwaynaha cusub in dadka jeelasha ku jira ee aan maxkamad la hor keeenin degdeg loo sii daayo.

waxaanu ka codsanaynaa in hantidii dadwaynaha ee la boobay si dhakhso ah umada loogu soo celiyo

Hawl wayn ayaa laguu doortay madaxwayne axmed siilaanyo waxaan leeyahay ilaahay hakuu fududeeyo xilka aad qaaaaday waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar iyo waqti fiican Waxaan leeyahay madaxwaynaha cusub maanta waqti ayaad haystaa inaad ku saxdo dhamaan wixii inaga burburay SHacbi aad kuugu hanwayn oo ku jecel ayaa ku  hort aagan waxaanay kaa sugayaan waxqabad --- sinaan ---- cadaalad

Markale waxaan leeyahay hanabalyo ku socota madaxwaynaha cusub mudane
muj axmed maxamed siilaanyo Kaas oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka helaynay 49% halka xisbiga udub helay 33% xisbiga ucidna 17%


wabilaahi tawfiiq


Siciid Cabdi Dheen

dheen@live.co.uk
London uk
 

 


 



Boogaadin from Norway to the new Somaliland President Siilaanyo


Eng. Ahmed Abdullahi Obsiye

 

 


 

 


waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada umarinayaa dhamaan umada reer somaliland gaar ahaan intii codkooda kudooratay
madaxwaynaha hada talada dalka Jamhuuriyada  Somal iland loo magacaabay.

waxaan leeyahay somaliland guul iyo gobanimo ayaa usoo hoyatay ee ha laysu hambal ye eyo hana laysu duceeyo in illahay inoo siyaadiyo nimcada laxaadka leh ee uu inoogu  nimce eyay isagaa casa wajala awood leh naxariistana hayee haynoo raxariisto aakhiro iyo  aduu nba

waxaan leeyahay umada reer somaliland waxaa inala gudboon inaynu uducayno madaxda cusub ee jamhuriyada Somaliland waayo waa aayaheenii umada masiirkii umada  mustaqb alkii umada jiritaankii qaranimada somaliland waa dhamaan manfaceenii ee haloo duceeyo mas`uuliyiinta talada fushay inaan illaahy tusun wax dhiba waxkastookhar uleh dadka iyo dalkana in illaahy ufududeeyo oo ay si sahlan kufuliyaan hawlaha qaranka ee qabsoomi  wa ayay mudooyinkii lasoo dhaafay

guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay guusha yaa leh reer somaliland ayaa iska leh gee rida yaale cadawga somaliland baa leh


ilaahoow noo sahal aqoonsiga
i
llaahoow noo sakhir aduunyada
illaahoow noo saacid mus`uuliyiinta cusub
aamin aamiin aamiin
 


Mustafa Axmed Kayse

Gudoomiyaha Ururka SOLCO


 


HANBALYO IYO BOOGAADIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA CUSUB
MUDANE AHMED  MOHAM ED MOHAMUD. IYO LABADA GUDOOMIYE EE KA QEYB GALEY TARANTII DOORASHOOYINKA


Salaanta islaamka ka dib.Waxaam halkan hanbalyo iyo salaan qaaliya u marinaya Madaxw e ynaha Cusub ee Jahmhuriyada Somaliland
mudane Axmed Mohamed Mohamud Silaanyo. Waxaan madaxweynaha Alle uga baryaya in xilka umada ee loo doortey uu Alle u fududee yo kana yeela mid dalka iyo dadka gaadhsiiya horumar iyo barwaaqo. Iyado dhanka kale ay waajib tahey in madaxweynaha loogu hagar baxo sidii loogala shaqeyn lahaa hawlaha  qar anka ee horyaala.


Dhanka kale waxaa iyaguna hanbalyo iyo sharaf mudan labadii musharax ee ku tartamayey magaca labada xisbi ee UDUB iyo UCID. Madaxweynihii hore ee Jamhuriyaa  Somaliland mudane Daahir Riyaale kaalin oo taariikhada baal dahaba kaga galey sidii taariikhiga aheyd ee ugu qancey in marka hore la qabto doorashooyin xor ah iyo sida uu markii danbe ugu qancey natiijadii doorashada ka soo baxdey.

Waxaaisaguna hanbalyo mudan Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe oo runtii dadaal iyo juhdi badan geliyay in Somaliland noqoto wadan madaxdiisu ku timaado hab democracy ah.


Somaliland ha noolato.

Guul iyo gobanimo.



Allaa mahad leh


Osman Omar Dool

London UK

 


 

 

Waxaan Halkan Hambelyo Iyo Bogaadin Uga Dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland
Mudane
Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Oo Noqdey Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland ,


Mudane Ahmed Siilaanyo Waa Halyey Qaran oo U Qalma Madaxweynenimada Somaliland ,
Isagoo Ahaa Gudoomiyihii SNM,

Mudane Siilaanyo Ilaahey Waxaan Uga Beryaa in u Xilkaas Cusub U Fududeeyo ,
Noqdana Madaxweyne Fuliya Balanqaadkii Dadweynaha Somaliland Ku Doorteen ,

Siilaanyo, Waxaa Uu Todoba Sano Ka Hor Kula Tartamey Madaxweynaha Hada uu Ka
Guuleystey ee Daahir Riyaale Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey ,
Waxaa Kale Oo U Hambelyeyna Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Mudane Abdiraxmaan Saylici ,

Shacabka Somaliland Waxey Muujiyeen Horumar Balaadhan oo Aaney Gaadhin Wadamo Badan oo Caalamka Ahi ,
Taas oo Magac iyo Maamuus u Soo Hoysey Qaranka Somaliland

Ilaahey Waxaan Uga Beryayaa Madaxweynaha Cusub iyo Xisbiga Kulmiyaba In Xilkaas u Fududeeyo ,

Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

WAABAA BERYEY BILICSAN , AROORYO BAXSAN Maalin Boqran





Fouad Abdisalam Hassan

National04@hotmail.com


 




Anigoo ku hadlayaa magaca taageerayaasha xisbiga kulimye ee magalada Ottawa dalka Canada waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane
Axmed Maxamed Maxamuud  (Si ilaanyo) iyo mudane Cabdirahaman Cabdillahi Saylici oo ku guuleystay jagada  Madaxweyna ha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka doorashadii 26kii June/2010.


Mar labaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee  gu usha soo hooyay meel ay joogaanba.



Mar Seddexaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee guushu u soo hoyatay, waxanan leeyahay “Kulmiyaa helayee Kadabaa dhaha ee”



Guul barwaaqo.



Allaa Mahad leh,



Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa, Canada

 

 

 


 

 

Anaga oo ah dhamaan Ardayda Somaliland ee wax kabarata dalka Pakistan waxaanu  Ham balyeeynaaynaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Ahmed Maxamed Siilanyo, oo  tart ankii doorashada Dimuquradiga ahaayd ku Gulaaystaay, waxaana . Waxaanaaynu Rajaayn aaynaa Inuu dalkeenu Gaadho Isbadal dhinac walba leh Maadama Xukumad Cusub aay Timid Waxaana Hamblayada Diraayah Axmed Xaashi Cali



Maxamed Jawhar Sheekh Cali
Maaliki Cabdi Xuseen
Cabdirisaaq Ismaciil
Cabdixakiin Ahmed Cali
faraxaan Siciid Gees
Cabdirisaaq Siciid Gees
Khadar Maxamed Faarax Caynaanshe
Maxamed Ciise Yusuf
cabdikariin Ciise Yusuf
Ahmed Maxamed Cabdi
Xamse Muuse Qodax
Idiris Muuse Cilmi
Salman Xasan Cumar
Ahmed Sheekh Ibaarhim
Mahad Nuux Muumin
Xasan Saleebaan Cali







Mahad Nuux Muumin

Mahad_nuux09@hotmail.com
Pakistan Islamabad


 

Hambalyo Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland


marka kowaad waxay mahad u sugnaatay allaah subxana watacaala suurto galiyey inay ino qabsanto dorasho xor iyo xalal marka xigta waxan amaan iyo hanbalyo mudan shacbi waynaha reer somaliland oo muujiyey wadaniyadnimadooda iyo codkoda iyo doonistoda hadan inta ku dhaafo waxanu halkan uga hanbalyeeynaynaa madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo waxanu leenahay hanbalyo waxana u rajenaynaa in ilahay uu la garab galo xilkaa wayn ee lagu igmaday noqona mid cadalada iyo sinaanta ka shaqeeya iyo midnimada qaranka waana guul uso hoyatay dhamaan shacabka somaliland meel kasta ooy joogaan
salama calaykum
 



Qalinkii: Caydaruus Faarax
ARDAYDA SOMALILAND EE INDIA

 



 


Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Yemen Oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Ahmed Silla anyo Iyo Ku Xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici


Anaga Oo Ah Jaaliyada Reer Somaliland Ee Degan Dalka Yemen Waxaan U Diraynaa Hambalyo Madaxweyne Ahmed Sillaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici

Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee degan dalka Yemen gaar ahaan Jaaliyada reer Awdal ee degan Sana’a waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweyne Ahmed Sillaanyo iyo ku xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici.oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Somaliland waxaan illaahay uga baryeynaa in uu ilaahay u fududeeyo xilka ay u qabteen dadkooda iyo dalkooda waxaana la garabtaaganahay hiil iyo hooba hadii aanahay Jaaliyada reer Awdal ee degan Sanca Yemen.

Dhamaan shacbiga Somalilandna waxaan u rajaynaynaa guul iyo gobanimo iyo walaatinimo in lagusoo dhaweeyo madaxda cusub ee ku guulaystay loolanka doorashada 26/Jun/2010.
 


Mahammed Abdirahman Sharif

Guallab@Gmail.Com


 


 

 


Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha cusub ee xilka loo doortay Axmed maxamed Maxamuud (silaanyo).



waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay ku guuleeyo masuuliyada culus ee loo doortay. Waxaan aaminsanahay in Axmed uu leeyahay kartidii aqoontii iyo xirfadii uu wadankii ku hogaaminlahaa hadii ay noqon lahayd siduu u hor marin lahaa wadanka gudihiisa ama  aqo onsi caalimiya uu wadanka ugu raadin lahaa. Iyo shaqo abuurid dhanka dhalinyarada  ins hallaah. waxaan kale oo aan hambalyo u dirayaa madaxweyne ku xigeenkiisa (Saylici), KOM ISHANKA QARANKA OO SI GEESINIMO LEH U GUTAY HAWSHOODII iyo dhamaan dhalinyarada xisbiga ucid.iyo shacbi waynaha soomaaliland Iyo Dhalinyarada Reer somalilandba . meelka sta oo ay joogaanba waan salaamaya AWC. waxaan intaasi ku darayaa si wanaagsan ayey inoogu dhacday ilaahay ayaana mahadaa leh.


Somaliland gul Iyo ucid ba




Hussein abdi dahir

Gud: dhalinyarada xisbiga Ucid Ee qorba joogta Iyo Yurub
Hussein677@ hotmail.Com
 





hanbalyo guusha shacabka somaliland ee codkaada waxna kudoorankara waxnakuridikara
!!!!


waxaan hanbalyo aanlasookoobikarin hawada umarinayaa dhamaan shacabwaynaha
jamhuuriyada somaliland eekunool aduunayda daafeheeda iyo wadankooda hooyaba sida
wanaagsan ee aduunkuba uladhacay ee aay u muujiyeen rabitaankoda iyo asluubata
wanaagsan eekamuuqatay maalmihii codaynta iyo markii lagudhawaaqayba waxaayana mudanhanbalyadaa halyayyada doorashada hogaanka uhayaygaar ahaan gudida  kumisha nka ee sida xalaasha ah umaamulay waxaan la illaawikarin oobaaldahaba kagalay  taarii khdasomaliland madax waynihii hore ee jamhuuriyada somaliland md,
daahir riyaale kaahin
oomudan in maamuuskiisa iyo sharaftuu leeyahay marna aan la qarinkarin

waxaa isna sidoo kale hanbalyo mudan gudoomiyaha sixbiga mucaaradka ah ucid eng. fa ysal caliwaraabe sida fiican ee uu uhanbalyeeyay guushii mucaarad ahaan usoohoyatay waxaa isna hanbalyo iyo soodhawayn mudan madaxwaynaha cusub eeladoortay md mj  axmed maxamed maxamuud (siilanyo) sikastaba ha ahaatee yana waxaa aad loola dhacay asluubta iyo wanaaga saxaafada somaliland shacabkeeda warka ugusootabisay iyo  illaali ntii anshaxa oo ay hirgaliyeen waxaan inoo rajaynayaa citiraafkiina waa intaas oo loogala
siidhawaado guul iyo gobanimo qaranka somaliland
 



Md,kayse jamac daa,uud

somalilander
Malaysia
tell:0060173756578
Email:kayse436@hotmail.com