Xuska Loo Sammeeyay Sannad-guurada Sagaalaad ee Marxuum Cigaal iyo Waxyaabihii Laga Yidhi Shakhsiyadiisa



 


Berbera (TNN)- Xuska Sannad-guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay geerida madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,ayaa laba munaasibad ay iska kaashadeen shebek adda Berberanews iyo Ururka Dhallinyaradda Somedo xalay lagu qabtay Magaalada Berbera ee Xaru nta Gobolka Saaxil.

Munaasibad-xusuuseedka waxa ka soo qaybagalay Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Kahadar Cali Cimi, M aayar-ku-xigeenka Berbera Cabdi Jaamaca Faduul, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, Agaasimaha Haamaha Shidaalka Berbera Dr. Shiine Cabdi Barkhadle, Isu-duwaha Wasaar adda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Saleebaan, masuulliyin kale iyo dhalinyaro tiro badan.

Madaxda iyo masuulliyiinta munaasibada ka hadlay waxa ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka xasuusta an shakhsiyada Marxuum Cigaal iyo sida uu qiimaha ugu leeyahay guud ahaan shacabka Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera Cabdi Jaamac Faduul, ayaa u mahadnaqay qaban qaabiyayaasha xuskan, waxaannu sifo ka bixiyay shakhsiyaddii Marxuum Cigaal, “Waxaan halkan mah ad ballaadhan uga dirayaa shebekadda Berberanews iyo SOMEDO xuska aad sammayseen waxaan u arkaa waajibaad aad gudateen, maadaama uu Cigaal ahaa halyaya inagu qaali ah.

“Marxuum Cigaal wuxuu muddo badan ka soo shaqaynaya sidii umadani u noqon lahayd mid dhisan, Mar xuum Cigaal wuxu ahaa ahaa ninkii abuuray Somaliland, taariikhda adduunka buuga Enyclopidea waa la ga helayaa, wuxuu hormood u ahaa dadkii dagaalka badan u soo galay xoriyadii ingiriiska aynu ka qaa danay 60kii, kaasoo maal, naf iyo moodba u huray, aduunkiisii wuxuu ku baxay xornimada Somaliland.

Marxuum Cigaal 1960kii wuxuu ahaa ninkii boqorada Ingiriiska ka soo saxeexay xornimada Somaliland, isagoo ay xubno kale oo reer Somaliland ahi weheliyeen. Marxuum Cigaal aragtidiisu waxay ahayd inay nu gaadhno xornimmo buuxda oo dhinacyada dhaqaalaha, iyo siyaasada iyo in qof kasta oo Somaliland uu helo waxbarasho, caafimaad, tacliin iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Qofkasta oo ummadiisa iyo dalkiisa u soo halgamay wuxuu xaq u leeyahay in xus loo sammeeyo, qolada xuskan sammaysayna way mahadsanyihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyeku-xigeenka Golaha Deegaanka Be rbera.


Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maam ulaha Jaamacadda Gollis Berbera, ayaa sheegay inaanay Somaliland jirteen haddii aanu Marxuum Cigaal aanu joogeen, “Somaliland 21-ka sanno ee ay madaxa la gashay ma jirteen hadii aanu marxuum Cigaal dalka ku soo noqon lahayn 1993kii, isagaana lagu tilmaamaa Aabihii Somaliland.”


Xildhibaan Naasir waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu ku xasuusto Marxuumka, “1993kii markii la fadhiy ay Boorame, ayaa wefti uu hogaaminayo Marxuum Cigaal laga magacaabay gobollada loo diray Addis Ababa , halkaasoo ay ku shirayeen kooxihii kala duwanaa ee faraha badnaa ee wixii Somalia laysku od han jiray magacooda huwanaa,ayaa markii weftigu gaadhay, ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxay qaadeen heestii calanka “Soomaaliyeey tooso, Soomlaaiyeey” markii heestii dhammaatay ayuu Cigaal yidhiheestani halkii ay naga damqi jirtay waanu ka bogsanay’ maalintaasay nin kasta u cadaatay inaa nay Somaliland sidii hore ahayn ee ay dhabada cagta saartay.”

Waxaan xusuustaa wakhtiyadii dagaalada sokeeye daba dheeraadeen, ayuu Marxuum Cigaal khudbad uu jeediyay, gaar ahaan isagoo la hadlayay raggii qoodha isu haystay wuxuu ku yidhi ‘Waar miyaa na ga nala kicinayseen, mise waa naga kacsanayseen?’ taasoo uu ula jeeday nidaamkii xummaa ee faqas hta.” Ayuu yidhi xildhibaanku.

Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa ka sheekeeyay  h algankii dheeraa ee Marxuum Cigaal u soo maray xornimada Somaliland iyo sidii uu uga shaqeeyay dhis maha haykalka dawladnimmo iyo nabadgelyada ka tisqaaday Somaliland. “Waa geesi, waa halgamaa ka baxay Somaliland.” Ayuu yidhi waxaannu agaasimuhu intaa raaciyay,“ Anigoo u mahadcelinaya dhallin yarada soo qabanqaabisay xuskan, waxaanse jeclaa in madaxdii u sarrasay gobolku ay joogaan oo ka soo qaybgalaan.”

Isu-duwaha Wasaaradad Diinta iyo Aw-qafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan Siciid oo isaguna halk aa ka hadlay, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay waxqabad warbaahintu la timaado, iyadoo laga cawdo, waxaannu yidhi, “Qolyaha warbaahinta waa laga qaylin jiraye mar haddii ay wax qabteen waxa an leeyahay waa wax lagu farxo.Marxuum Cigaal waa halyay reer Somaliland ah,marka labaadna waa halyay gobolka Saaxil ee uu ku aasanyahay ka soo jeeda, qiimaha iyo qaayaha Ilaahay siiyay ayuu ka mid yahay.”

Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi, ayaa isaguna ka xogwaramay aas-aa skii shebekadda iyo cida fikirkeeda lahayd,“Shebekadda Berbera oo la aas-aasay July 2008 waxa fikir keeda dhaliyay dhallinyaro ka soo jeeda gobolka Saaxil oo jaamacadaha dhigata, kuwaasoo ka damqad ay duruufaha warbaahin la’aaneed ee gobolka ka taagnaa, maadaama aanay dadweynaha gobolku ha ysan madal warbaahineed oo ay rayigooda ku cabiraan, kuna soo bandhigaan baahiyahooda, isla mark aana isku xidh u noqota qurbojooga Saaxil sidii ay kaalmo uga geysan lahaaeen horumarintiisa.”

Tifatiruhu waxa uu ayaan-daro ku tilmaamay in madaxda gobolka Saaxil ka gaabiyaan xuska Marxuum Cigaal, waxaannu yidhi, “Marka laga hadlayo Marxuum Cigaal, anigu taariikh badan kama hayo, waayo nin dhallinyaro ah baan ahay oo waa layga badiyaa, laakiin waxaan ku sifayn karaa inuu yahay aabihii iyo aas-aasihii Somaliland, nasiib daro-se madaxda Gobolka Saaxil iyo Somaliland oo dhami way ilaabeen abaalkii uu Marxuum Cigaal ku lahaa looma gudin, madaxda Saaxil waxay masuulliyadi ka saarantahay inay hormood ka niqdaan xusaska aabihii Somaliland.”

Maxamed Xarrago waxa uu ka hadlay waxyaabaha ka hirgalay ujeedooyinka loo aas-aasay  shebekad da “Maxaa ka hirgalay asbaabihii aanu u aas-aasnay? Waxaannu kor u qaadnay codkii bulshada Saaxil oo aanu meelkasta gaadhsiinay, waxa kale oo aanu suurtagelinay cilmi-baadhisyo aanu ugu kuurgalnay xaaladda Gobolka Saaxil oo aanu warbixinno iyo filimi documentary ah ka sammaynay, soona bandhignay.”



Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada SOMEDO Mubaarig Cismaan Yusuf, ayaa isaguna “Xuskan waxa soo qada qabanqaabiyay Ururka dhallinyarada SOMEDO iyo shebakadda Berberanews oo uu inagala joogo titatiraha Maxamed Xarrago oo dedaalka ugu badan iyo hawsha badankeeda lahaa.

Guddoomiyaha SOMEDO waxa uu sheegay in ururkan oo xaruntiisu tahay Berbera ay ku bahoobeen dhallinyaro fara badan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan dhinaca waxbarashada oo ay tartanno waxb arasho oo badan ka fuliyeen Berbera.”

Mubaarig waxa uu ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay firikan, “Markii aanu aragnay inaanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo loogu diyaargaroobayo xuska sannadguurada sagaalaad ee Madaxweynaheenii hore, annagoo la kaashanayna shebekadda Berbera news waxaannu qabanay koob ay ku tartameen laba tiim oo Berbera ka dhisan, waxaana mudan in haldoorkeena la karaameeyo, maadaama Cigaal ahaa halyay qarankani lahaa.” Ayuu yidhi Mubaarig.

Gebogebadii xuskan Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Kahadar Cali Cimi,iyo Isu-duwaha Ciyaaraha Shaafici Jaamac Aadan ayaa Koob ay ay iska kaashadeen Berberanews iyo SOMEDO oo ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayay maxrxuum Cigaal guddoonsiiyay Kooxda Dawladda Hoose ee 2-1 kaga badis ay Kooxda Marines-ka oo shalay galab ciyaar dadweyne fara badani ka sooqaybgaleen daawashade eda ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta Bursade.

Source: Berberanews