Beesha Caalamka ayaa Goojineysa. Google it.

 



Kadib markii sannad ka soo wareegey xilligii baarqabkii Kulmiye loo tu'iyey Somaliland ayaa Dabadhoonada jira nin waliba meesigiisii loo diray ka warbixiyey waxqabadkii iyo halkuu xa al marayo. Warbixinahaa waxaa wada dhegeystey oo qoraal ahaana u akhriyey weriye ku sugan Laanta curdinka oo la yidhaa Agoon. Kadib markuu wada dhegeystey wuxuu bilaaba y in uu waraysto dabadhoonada warbixinaha soo gudbiyey qaarkood. Wuxuu ka bilaabay d abadhoonka qaabilsan meesiga ictirraaf raadinta.

Agoon: Marraa waaxid warbixin caaqiiba leh oo ididiila leh oo lagu diirsaday ayaad soo gud bisey. Waxay ahayd warbixin heer Kacaan ah. Waxaad i xusuusisey khudbadihii Golihii Sare ee Kacaanka iyo guulwadayaashoodii ee wax qabadka 21 Oktoobar, ku nuuxnuuxsan jireen iyada oo aan maandheeri xaab ka qaadin. Adeer miyaad la soo shaqaysay Kacaankii?

Dabadhoon: Geel laba jir soo wada mar. Laakiin anigu waxaan ahaa kuwii heesihiisa lagu an qariyey ee khudbadihiisa lagu barbaariyey.

Agoon: Caqliga ha waayin weliba idinku waxaad dheer tihiin kuwii la shaqeeyey teknoolajiy ada casriga ah iyo baraha internetka. Waxaan ku weydiiyey, Ilaahay baan kugu dheeriye, warbixinta ballaadhan ee subugu da'yo, ma wada dhabaa mise waad yara xawaasheysey, oo waad yara buubbuunisay?

Dabadhoon:Siyaasadu xawaash, hayl iyo turufatoorayn kama maaranto. Waa la isku dhex mijiijinaa no, maxaa ka macno ah.

Agoon: Adeer, ma laga yaaba in aad laanta curdinka beryahan soo booqato?

Dabadhoon: Laanta curdinka. Adeer xagay ku taalaa?

Agoon: Haddaanad garaneyn Google it.

Dabadhoon: Adba ii sheeg.

Agoon: Ma ku tala jirtaa in aad Garoonka soo booqato?

Dabadhoon: Maalin walba sooniga ka dhoofa.

Agoon: Maad garan. Google it


Dabadhoon: adba ii sheeg.

Agoon: Maad garan ee google it.

Agoon: Waayahay ee ogow Laanta curdinka, Tog-wajaale iyo Garoonku waa isku mid. Iska jir ayaan muwaadinimadu muran geline, awrka dabar la'aan dhacana waxa cuna dugaaga.

Dabadhoon:
Adeer meeli iigama banaan. Rag bay u xidhan tahay, fooda aniga iyo dhalinyar adu ma gelin karno Gobolkaa.

Agoon: Miyaan xil kaa saarayn?

Dabadhoon: Aniga waa la i magacaabay, iyagu imay magacaabin. Baar qabkaa i magacaab ay.

Agoon: Markii ololaha doorashada lagu jirey, wadigii booqday. Waad u dano sheegatay wa anay kuu hiiliyeen. Waxay doonayaan in ay iyaguna markooda kuu dano sheegtaan. Ma ce ebaa?

Dabadhoon: Waar anigu dabadhoon baan ahay, meesi gaar ah ayaa la ii diray, mudanayaas hii ay doorteen, xildhibanadoodii iyo dawladooda Gobolka iyo degmooyinka ha u dana shee gtaan.

Agoon: Waxaasi waa waxa inanta yari ka dhalaynayso ee kabaha jaangariga loola soo bax ay. Sidaa ma u ogsoon tahay?

Dabadhoon: Markay gudahooda xalaan, ayay gudaha guriga baarqabkana xali karaan, oo ka hadli karaan.

Agoon: Aan meesigaaga ku soo laabtee, hadda halkuu xaal marayaa, markaad xawaashka iyo haylka, iga akal reebto?

Dabadhoon: Way fool qaaday, sidaan war bixinta ku cadeeyey.

Agoon: Maashaa allaa. Oo adeer baar qabyo badan ayaa hortiin loo soo tu'iyey,candhade ed go'aday soo tii xiitaa abasixi weydey. Kaaga darane markuu meesha ka tagan waxaa la yidhaa waxba iskama hagran oo baarqab fiican buu ahaayee, way qabeysey iyo way dhicis ay, Maxaa haatan idinka idiin fududeeyey? Ma hawlihii hore loo qabtay ayaa isa soo taray a?

Dabadhoon: Waa runtood. Sedexdii horaba waa loo bogey abaahadoodii. Nabad dhal bay l ahaayeen, laakiin Ictiraaf dhal may lahayn. Waxaana ugu wacnaa dabadhoonadoodii meesi ga ictiraafka u qaabilsanaa ayaan dad ahayn oo la hadhay. Markay u quminayaan faraha ayay isticmaalayeen iyaga oo aan faraxalan sidii berigii hore. Maanta anigaa jooga meeeee eesigiiiiiii ictiraaaaaaf raaaaaaaadinta. Aaaaaaaaalado casriya iyo Remote Control ayaan a deegsanayaa. Faraha lama galo ee sheeda ayaan ugu qumanayaa. Sidee waayi adiga! That's the difference. Waan ka wada faro dhuu dhuubnahay kuwii hore ee soo maray.

Agoon: Cajiib. Maashaa allaaa. Fariid waar ninkaagan oo kale ayaa la doonayaa. Laakiin had dana, adiga oo waxaa soo qalaba adeegsadey oo fara dhuudhuuban, maba goojineysey, si day wax u jiraan?

Dabadhoon: Hadalkaygu xagguu kaa dhaafay way fool qaaday baan ku idhi no. Sidee weeyi adiga. Somaliland in ay goojiso looma baahna. Beesha Caalamka ayaa goojineysa, gaar aha an markay aniga i aragto ee aan kiiska hor dhigo.

Agoon: Oo adeer hasha dabadeedu ma London bay ku taal? teeda kale mabay rimin siday u foolataa? In ay foolato soo in ay rintaa kama horayso?

Dabadhoon: Hasha dabadeedu London bay ku taal, caloosha ictiraafka sidaana Maraykank a ayay ku taal. Beesha caalamka ayaa goojineysa, beesha caalamka rimaysa. Hanna waree rinina.

Agoon: Ilaahayo aanay fool halaabin, sidka geelu ku dhallana aanay shinkiisa dhaafin. Aan soo gabagabeeyee, Maxaan Laanta curdinka kaa gaadhsiiyaa?

Dabadhoon: Hadalka oo gaaban ha i haybsanina. Maalintii hashaan raacaa, habeenkiina wa an seexda. Xasarada ma aqaan. xurgufaha dhexdiinana xaashee ma galo. Idinkaa waxna is yeeli kara, waxna is tari kara. Wixiina idinku maamusha oo wax ku qabsada. Allaybaday wa a hore ayaa go'day, Togwajaale waa la mid, kuwa kalana waa la mid. Midba meel ayuu wa raabey ku cunayaa. Maamulkiina dawlada hoose waad midayn kari weydeen.

Waxaa ka sii daran baar qabka wax loo doontay ee jeebkiinii idinka Casuumey ee dawladiinii hoose ammar ku bixiyey in ay idin siiso qadar lacaga oo dhan 10, 000 oo laba kabood gooy a. Waxaad tihiin waraabihii kudmada doontay ee isagii la kudey.

Weliba waxaad ugu faanteen sidii dawladii dhexe xaqiinii ka soo dhacsateen. Waar haddaan guulwadeeyo waayo! waxaa soo miidhan baan arkayaaye, maxaa aniguun i kiin daba dhiga y . Lacagtu waa lacagtiinii, dawladda hoose waa dawladiinii, cid idiinku mana sheegan karta a ma jirto, ku idiin dhaw iyo ku idinka dheerba.
Dadweyne waxoodii cid kale uga martiya oo gobolkoodii basaasay Gebiley ayuun baa jirta.

Agoon: Ma waxaad leedahay, Gebiley dhan loo dayaba waa dameer malab sida oo barwaaq ada lagu kantaa tiro iyo tayaba dhafoorkooda kama muuqato.

Dabadhoon: Nacam. Haa. Dhibaatada haysataa waa mid dhaqan. Wax walba way kala qoq obayaan oo weli maankoodu wuxuu ku shaqaynayaa madihii beerta. Maamulkii ayay kala qo qobayaan, dadweynihii ayay kala qoqobayaan, tuulooyinkii ayay kala qoqobayaan, oo mad ax doodii ayaa is qoqobeysa oo isa sii kala qo qobeysa. Dhallin yarta danbe Looma sheegin in danta guud loo guuso, ammadkana la wada tunto.

Markay asqoobaana xaalkoodu waa Ilaahayoow ka yar iga daayow ka weyn igu soo daa. Waxaan ku soo gabagabeynayaa: "Waar sow Gebilayeey, Boorama iyo saaxil xagna kama raacdid, waar sow dabkuba waa xurmeene xaabo lama saaro."

Agoon: Tolow yaa u sheegay! waar Ilayn goblan geeri uun ma aha.

ka day websit-ka la yidhaa: wwww.gebileyonline.com

 

 

 

 

Hamud Duale