Beesha Reer Xareed oo ka shiraysa Dilalka loo Aanaynayo ee Seemaal iyo Kalabaydh
 

 

Hargeysa (TNN)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda Md. Ab iib Diiriye Nuur (Timacade), ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga xog-warramay shirweyne nabadeed beeshiisa uga furmay degaanka la yidhaa Xabaalaha Ilma Deddo oo dhinaca galbeed kaga toosan degmada Gabiley, kaas oo uu sheegay inay beeshu baadhit aan buuxa oo gudaheeda ah kaga sal-gaadhayso tuhunnada farta ku godaya ee la xidhiid ha dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Kalab aydh iyo Dila iyo dilkii argagaxa lahaa ee sannadkii hore saddexda qof ee rayidka ah habe enka lagu miray degaanka Seemaal oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki.

“Shirweynahan oo qaban qaabadiisu muddo soo socotay, dulucdiisuna tahay sidii nabad iyo wada-noolaansho walaaltinimo loogu dabbaali lahaa xiisadda iyo kala-shakiga mudd ad a dheer ka taagnaa degaannada u dhexeeya gobollada Gabiley iyo Awdal ee ka dha shay dilalkii foosha xumaa ee kala dambeeyey, waxa uu beesha Reer Xareed uga furma y Kha miistii meesha la yidhaa Xabaalaha Ilma Daddo oo ah xuddunka dhulka beeshaya du degto, waxana isugu yimi dhammaan waxgaradka beesha ee ku dhaqan dalka gudihii sa iyo dibad diisa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Shirweynahan oo ay ka qaybgal kiisa u dhan yih iin guud ahaan mudanta beeshayada sida siyaasiyiinta, madax-dhaqam eedyada, cuqaas ha, culimaa’udiinka, waxgarad, dhallinyaro iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay, waxana muddo shan maalmood ah oo uu socon doono si mug leh beesh u gudaheeda baadhitaan culus ugu samayn doontaa tuhunnada la xidhiidha dilalkii foosha xumaa ee jidgooyada dadka lagu laayey iyo dilkii kalhore ka dhacay degaanka Seemaal ee saddexda qof lagu dilay, maadaama dilalkaasi dhaliyeen xasillooni-darro iyo colaad ka dhe x abuurantay bulshada walaalaha, ehelka, qaraabada iyo ood-wadaagta ah ee reer Gab iley iyo reer Awdal, iyadoo sida qorshuhu yahay guna adka shirweynahaas beeshu ka soo saari doonto wax lagu wada qanco oo ku saabsan xal-u-helista iyo soo afjaridda colaadda kala fogaanshaha dilalkaas foosha xun sababe en ee ka taagan degaannada u dhexeeya labada gobol ee Gabiley iyo Awdal.”

Abiib Diiriye Nuur waxa kale oo uu soo qaaday “Ma aha shirkani mid beeshu si cad ugu qi ratay masuuliyadda falkaas oo aannu si kulul u cambaaraynayo, ugana xunnahay runtii, haseyeeshee waa mid beeshu gudaheeda si buuxda oo dhammaystiran ugu xaqiijinayso waxa ka jira tuhunnada loo aanaynayo, isla markaana muhiimaddiisa ugu weyn tahay nab adgelyo ka islaaxda degaannada colaaduhu ka jiraan iyo sidii loo dhammayn lahaa tabash ooyinka beesha Dila naga tirsanayso ee ku saabsan masuuliyadda dilalkaas,” ay uu yidhi Abiib Timacade oo warbaahinta ugu warramay shalay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay madasha shirku uga socdo beeshiisa ee Xabaalaha Ilma Da ddo.

Md. Abiib Timacade waxa uu sheegay in maalintii koowaad ee furitaanka shirka beeshii sa u socda lagu koobay duco, qur’aan-akhris iyo waanooyin diini ah oo salka ku hayey in be eshu gudaheeda daacad ka ahaato baadhitaanka iyo xaqiijinta tuhunnada loogu aan ayna yo dilalkaas colaadda iyo kala-qaxa dhaliyey, waxaannu ugu baaqay bulshada deg aann ada Awdal iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay taageeraan shirka beeshiisu kaga gun-gaadhayso xallinta dhibaatooyinka, isagoo dhinaca kalena Ila ahay ka baryey inay ka baxaan wax lagu wada farxo oo daawo u noqdo colaadaha mud dada soo jiitay ee ka jira degaannada u dhexeeya Gabiley iyo Awdal.

Geesta kale, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda Md. Abiib Dii riye Nuur (Timacade) oo isaga laftiisa mar loo xidhay tuhunnada beeshiisa farta ku goday a ee la xidhiidha dilkii saddexda qof ee rayidka ah hurdada lagu miray degaanka Seemaal oo u dhow degmada Baki ee Gabolka Awdal, waxa uu sheegay in qaddiyaddaa si noq otay bar madow oo ku taal guud ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gabiley.

Saamaynta arrintaasi ku yeelatay beeshayada iyo guud ahaan Gobolka Gabiley waxay gaadhay heer ciyaartoygii Gobolka Gabiley uga qaybgalay tartankii ciyaaraha gobollada So maliland ee horraantii sannadkan ka dhacay magaalada Burco oo markay garoonka gala an taageerayaashu ku oriyaan, iyagoo ku leh ‘waa dad-qalladii,’ taasina waa ayaa n-da rro weyn oo ka dhalatay dilalkii foosha xumaa ee degaannadaas ka dhacay, marka a insha Allaah waxaan rajaynayaa in shirkan oo aanay beeshu kala hadhin ay ka soo ba xaan natiijo wanaagsan oo ka farxisa dadka degaannada wax ka dhaceen iyo guud ah aan dalka Somaliland oo dhan,ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Abiib Diiriye Nuur (Tima cade) oo sheegay inay qabsoomidda shirkaas taageero buuxda uga heleen dawladda So maliland.


Source:Waaheen