Guda baas Ka Yimid iyo Ninkii Garac Ah Mooyaane Ma Gilgilo Duqeytida Ninkii Aw Ka soo Go' ay

 

Diridhaba

 

Marka hore Waxaan salaamayaa Dhamaan shacbigayga qaaliga ah ee reer Somaliland oo aan  odh an karo waxaynu Nahay dad tusaale ay ku daydaan u noqonay Qaaradan madow ee Africa Bacda Salaan Waxan Maalmihii u dambeeyey aan ku arkyey Hadhwanaag dad camal ka dhigtay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu kow ka yahay nin la yidhaahdo Diridhaba oo sheegta inuu yahay Suxufi, laa kiin aan lagu tilmaami Karin magaca uu sheegto ee macnaha weyn leh.

Hadaba dabayl xagaa Diridhaba oo looga bartay inuu kolba meel isku qaado caadaystayna inuu ca ayo ama aflagaadeeyo dadka aqoonyahan ka ah ee wadankan u dhashay isagoo ka been abuuraya shaqsiyada masuuliyiinta qaranka ninkan oo aan afkiisu ka xishoon Sheekh, Shariif,. Wadaad,  ,War anle culimo iyo caamo Toona , ayaa maalin dhaweyd waxa kasoo baxay hadaaq iyo hadalo been ah oo aan ka duwanayn kuwii looga bartay isagoo Mujaahidka leh uma qalmo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada ee Xukumada Kulmiye soo dhisayo.

Ereyada uu adeegsanayo waxa kamid ah Muuse waa nin weyn waayabe malaha Diridhaba wuxu u haystaa inuu muuse ka weyn yahay madaxweynaha la doortay Mudane Axmed Siilaanyo waa ta la baade miyaad kala garan weyday inaad kala saarto qabyaalada aad qiilka u samaynayso iyo suxufi nimada aad ka been sheegayso iyadoo dad badan oo iga aqoon iyo waayo aragnimaba badani ay k uu jawaabeen hadana waxan gartay inaan dib u milicsado wacdaraha beenta Diridhaba iyo wakhti yadii la soo dhaafay


1: August 2006 Diridhaba waxad soo gelisay shabakadaha wararka war sheegaya in uu kula hadl ay Gudoomiye xigeenka Golaha wakiilada , mudane Cabdilcasiis Maxamed Samaale, oo uu kuu  cadd eeyey in loo diidey fiisihii dal ku galka Maraykanka. Warkaas oo noqday been abuur aan meela kuu dhaafin , Guddoomiye Xigeenka Golaha wakiiladuna wuxuu cadeeyey inaanuu Diridhaba marnaba la hadal warkaasna siin. Waxa kale oo iyaguna warkaas kaa soo ashtakooday ururka SOPRI oo iyagu xaqiiqada hayay kuna tilmaamay hadal waxba kama jiraan ah oo cadifadaysan markii cabashadaasi soo gaadhay website ka Somaliland.org oo markaa ka hawl galayey ayaa ka raali dhamaan shacab ka reer Somaliland warkaa beenta uu qoray wariyahoodu Diridhaba


2) SEPTEMBER 2006 30-keedii Diridhaba Waxad soo gelisay shabakada wararka war aad cinwaan uga dhigay: Sh.Maxamed Ismaaciil oo Ahaa Ninkii La Sheegay In Jidh Dilka Lagu Sameeyey Cajalad Video Ah Oo Beeniyey Jiritaanka Cajaladaasi Warkaasi wuxuu ahaa war aan meel loo raaco iyo ra ad toona lahayn oo been abuur ah. Kadib markii dabagal lagu sameeyey warkaas iyo xaqiiqadiisa ayaa Diridhaba la waydiiyey meesha uu warkaas ka keenay, wuxuuna qirtay inuu isagu sameeyay sababta uu u sameeyayna ay noqotay "dadkaan ku dejinayay".

3) OCTOBER 2006 Diridhaba hadana waxa uu bogga internetka soo galiyey War sheegaya in Garyaq aankii U Doodaayey Kiiska Sh. Maxamed Ismaaciil Oo Diiday Guddi Culumo Awdiin ah oo doonayey inay waxka waydiiyaan cajaladaas Warkaas oo been abuur noqday waxaana aad uga cadhooday garyaqaankii Sheekha oo sheegay inuu Diridhaba marna la soo xidhiidhin, markii Diridhaba la  weydi yey arintaas uu qirtay.inuu warkaas isagu uu sameeyey taasoo sababtay in Diribadha laga caydhi yo shabakada caalamiga ah ee www.Somaliland.org oo u dulqaadan kari weyday beenta aan salka iyo raadka toona lahayn ee Diridhaba

4) FEBERUARY 2009 Diridhaba waxa uu bogga internetka ku baahiyey war Sheegaya in Alle ha u na xariistee Mujaahid Marxuum Cali Maxamuud Guulleed (Cali Maarshaal) uu yidhi hadaanu ku  guuleys ano Doorashada Madaxtooyada 1) qodobka ugu muhiimsan ee dawladdu ay fulin doonto marka ugu horaysa ee ay xilka qabato waa in ay burburiso dhammaanba maxkamadaha dadka iska xukuma ee aan sharciga ahayn, waxaana Madaxweynahu uu qallinka ku saxeexi doona in dhammaanba dadka siyaasadda u xidhan, waa qof kasta oo siyaasad loo xidhaye oodda laga sii daynayo oo xorriyadiisii loo soo celin doono

2) waxaa kale oo qorshahayaga ka mid ah in dhammaanba heshiisyadii ay xukuumadda jirta gashay dib loogu noqdo oo la eegi doono, wax kasta oo aan baarlamaanka soo marina aan la ansixin  dooni n, dhammaan heshiisyadii xukuumadd jirta hore u gashay ha la gasho haayado ama dawlado sida Ethiopia ama Jibouti dib ayaa loo eegaya, wixii loo arko inaanay sharciga marina waa la tirtiraya oo meesha laga saaraya arintaa oo alle ha u naxariistee marxuumku ku tilmaamay wax aan jirin  aakhi rkiina noqotaya beentii Diridhaba

Guntii iyo gunaanadkii waxan kula talinayaa walaalkay Maxamed waxad tahay nin yar oo dhalinyaro ah oo aad mooda inuu aqoon leeyahay hadana aan ka waan toobin maqaal uu cid ku aflagaadayna yo kana qarsoon yihiin waxyaabo badan oo wadanka ka dhacaya lana qabsan kari la siyaasada wa danka waxan kuu gartay inaad tahay shaqsiga kaalinta kowaad ka galay beenta iyo borobagaanda da oo aad ku mutaysatay arimahaa aan kor ku xusay.

 

 

 

Muuse waa halyey Qaran

 Waa wiil hooyadii

Hanad ay xanbaartoo 

            Halganka iyo dadnimadana

Rabbi hibo u siiyo

 Hanbalyiyo ammaan mudan

Waa loo hanwaynyoo

Howlaha dadkeeniyo

Nabadayta hagayoo

 Hilinkii habboonaa

Noo hoggaaminaayoo

 Hiil iyo ammaan mudan

Waa hoggaan la sugayoo

Ummaddiisa hooggiyo

Hiirtalayda naartiyo

 Haadaanta lagu riday

Qalbigiisa holac iyo

Murugo ay ku hurisoo

Bal inuu hanbada iyo

Wixii hadhay bad-baadshaa

Naftiisii u huray oo

Nabadayta hagayoo

Hilinkii habboonaa

Noo hoggaaminaayee

Waa in aynu hiil iyo

 Hoo la garab istaagnaa

Abdilahi Abdi Mahdi ( Abdilahi Dajiye)
dajiye2005@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland