Warsaxaafadeed

 



Republic of Somaliland

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka

Justice and Welfare Party

Khudbadii

Warsaxaafadeed

Date: 25/11/2009

Beeni raad ma leh

Annaga oo tixraacayna qoraalkii ku soo baxay website-ka Qarannews. Waxa Xisbiga UCID cadaynayaa in:

1. Haba yaraatee aan waxba ka jirin qoraalkaas yahayna been abuur cad oo la doonayo lagu majaro habaabiyo dadweynaha reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UCID,

2. Waxa layaab leh in website warbaahineed siiba mid magac Qaran sitaa uu been illaa xadkaas ah oo daaran ujeedooyin gaar ah uu faafiyo, taas oo ka bax san hab dhaqanka u yaala saxaafadda xorta ah,

3.Waxa muuqata in Website-ka maamulkiisu aanu la socon warka Somaliland y aala ee ah in Xisbiga UCID maalinba maalinta ka dambaysa heerkiisa iyo sumca diisuba kor u sii kacayaan,

4. Xisbiga UCID madaxdisa sare dhaqan uma ah is qabqabsi waxaana  hogaami sa fikrad ku dhisan dimuqraadiyada iyo wadatashi,

5. Xisbiga UCID wuxuu uga digayaa website-ka Qarannews in aanay been  abu urkaas oo kale dib u qorin
 

 



Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf
Ku Simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye xigeenka 1aad
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka (UCID)