Bayaan Qurba Jooga Beelweynta Ciise Muuse iyo Shirka Bi9shan September 29.2011

 

 

 

Baaq ay soo saareen Qurbajooga Beelweynta Ciise Muuse Gudidiisa Sare. Baaqani waxa uu khu seeyaa shirka ay Beeshu ku qabanayso Dubur Bishan aan ku jiro ee September 29, 2011. Baaqan oo daba socda shirkii ugu danbeeyey ee Gudida Qurbajooga Beelweynta Ciise Muse yeelatay Sep tember 10, 2011. Shirkaas oo lagaga hadlay in ay lagama maarmaan tahay in loo sheego umada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sababta dhabta ah ee ka danbaysa in Beeshu yeela to shir ay isugu yimaadaan si ay uuga tashadaan aayahooda.


Waxa kale oo lagama maarmaan noqotay in laga hortago dadka ama shaqsiyaadka isku dayaya in ay khalad uugu turjumaan umada reer Somaliland macnaha dhabta ah ee ka danbeeya shirkan.


Gudi ahaan waxa aan istusaalaynay in aan soosaaro baaqan isaga ah, si umadu u fahanto shirka iyo sababta loo qabanayo. Qof kasta oo wax kala garanayaana magaca loo bixiyey shirkani ayuu ka garankaraa macnaha dhabta ah ee ka danbeeya in ay Beeshu iskugu timaado DAN & DUCO (Macnaheeda oo koobanina yahay in Beeshu ka arintasato Danteeda Guud iyo in Beeshu Ducaysato oo Alla Bari lagu furidoono shirka laguna soo afjari doono Alla Bari).
Waxaanu ku cadeenaynaa war saxaafadeedkan;


1) In qurba jooga beelwaynta CiiseMuuse ay 100% taageersantahay shirka ay beeshu ku qabsan doonto Bishan September 29, 2011 Deegaanka Dubur ee Gobalka Saaxil.
2) In aanu shirkani aheyn shir lagaga soo horjeedo Dawlada iyo Qaranimada Somaliland toona.
3) Inuu shirkani yahay shir ay Beeshu kaga tashaneyso danaheeda isla markaana ay kaga arinsaneyso sidii ay uga shaqeenlaheyd Horumarka dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Ilaalinta Deegaanka , Nabadgalyada, iyo sidii ay dadkayagu u heli lahaayeen Biyo Nadiif ah.
4) In uu shirkani wax shaqo ah ku laheyn Siyaasad.

Hadaba hadii aanu nahay Gudida Qurba jooga Beesha Ciise Muuse; waxaanu halkan ka sheegaynaa in dhamaan Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Beeshu ay yihiin kuwa aanu mar walba u dabafadhino danta guud ee reerka, diyaarna u nahay in aan iyaga kala shaqayno horumarka dadkayaga ee ay iyagu yihiin Madaxdhaqameedkoodii.
Hadaba waxa aanu idinka codsanaynaa hadaad tihiin Madaxdayada Sharafta leh;


A) In wixii khilaafa ee jira dhexdiina aad ka hor inta aanu shirku dhicin, in aad degdeg isugu timaadaan idinka oo qiimaynaya muhiimada shirkani u leeyahay Beesha aad tihiin Madaxdhaqameedkeedii.
B) In aad shirka timaadaan idinka oo dhamaan gacmaha iswada haysta, si Beesha aad Madaxdhaqameedka u tihiin u aragto Midnimadiina.
C) Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa cid kasta oo u aragta in fikirkoodii ama taladoodii ku aadanayd sida ugu fiican ee shirkani inoogu qabsoomi karo in aan la tixgelin, in ay danta guud kaga tanaasulaan wixii ay tabanayaan. Waxa aan u aragnaa in tallo kasta loo baahan yahay, meesha ugu fiican ee lagu lafa guri karaana tahay goobta shirka. Hadaba waxa aan ka codsanaynaa dhamaan cidii wax tabanaysa in ay iska illaaliyaan fariimo la isu mariyo mareegaha internetka iyo saxaafada. Muhiimada guud ee shirka ayaa ah in la lafaguro wax kasta oo cid kasta oo kamid ah reerku uu u arko xal lagaga bixi karo dhib kasta oo dadkeenii haysata. Cidna taladeeda kama maarano, cid kastana taladeeda waanu soo dhaweynaynaa.

Anagoo xog ogaal u ah awooda dhaqaale ee Dawladeena oo aanaan marnaba ku canaannaneyn wax qabad la’aan ay sabab u tahay duurafaha dhaqaale ee dawlada oo muhiimada ama ahmiyada koowaad siisay sugida amaanka oo ah tiirka ugu muhiimsan ee nolosha, ayaan u guntanay sidii wax looga qaban lahaa Baahiyada daruuriga ah ee qofka kasta oo bani’aadan ahi uu u baahanyahey.

Hadaba cidii ka soo horjeesata shirkani ha ogaadaan in ay dambi ka gelayaan:

I. Dadkayaga aanu doonayno in aanu wax u qabano.
II. Dawlada Soomaliland; waayo Hadaanu Iskuul dhisno waxaanu wax ku soo kordhiney Wasaarada Waxbarashada, hadaanu dhaktar dhisno waxaanu wax ku soo kordhineynaa Wasaarada Caafimaadka, hadaanu deegaanka wax ka qabano waxaanu sidoo kale wax ku soo kordhiney Somaliland oo dhan iyo Dawladayada, iwm.

III. Waxa kale oo ay danbi ka gelayaan Illaahey iyo Diinteena Suuban oo ina faraysa samafalka umada (SADAQO IYO SAKADA oo ka mid ah tiir ka mid ah tiirarka Diinta Islaamka). Waayo waxaanu wadnaa ee Shirka Ujeedadiisu tahey waa Samafal , sida ka muuqata Magaca shirka oo ah DAN & DUCO.

Waxaanu aaminsanahay hadii Illaaha Weyn Ee Waaxidka ahi noosuurto geliyo in aanu fulino go’aanada muhiimka ah ee ka soo baxidoona shirkani, in ay noqon karaan dariiq ay ka wada faa’iidaysato dhamaan umada reer Somaliland ee wanaaga iyo wax wada qabsiga jecel. Waxa hubaal ah in wanaag ka shaqeyn, wax wada qabsi iyo isu tanaasul ay yihiin tiirarka ugu adag ee Somaliland ku soo gaadhay halka ay maanta marayso. Waxaan Illaahay ka Baryaynaa in uu Shirkani noqondo mid ay ka soo baxaan wax kheyr u aha dhamaan umada reer Somaliland oo dhan. Waxaanu jecelnahay in ay nagaga daydaan wixii kheyr ah ee ka soo baxa shirkan.
Mahad Oo Dhan Waxa Iska Leh Illaaha Weyn Ee Waaxidka Ah.


Guul Iyo Gobonimo Somaliland

 

 


Abdirahman Baaruud Jama

Xooghayaha Qurbajooga Beelweynta Ciise Muuse
Barudjama2002@yahoo.com