Ogaysiis: Baroordiiqda Ambassador Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe

 

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community isagoo ka duulaya  ujeedo oyinkiisa (aims) ay ka midka yihiin faafinta (promotion) iyo adkaynta ahaan-shaha Somaliland-nimo (Somaliland identity) iyo taariikhda dalkeena, wuxu dadwaynaha reer Somaliland ee dagan magaalada London ogaysiinaya in ururku qaban-qaabin ayo munaasibad loogu baroordiiqayo oo lagu xusayo, eebe naxariistiisii jano haka waraabiye, taariikhdii marxuum Ambassador Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo dhawaan ku geeriyooday magaalda Paris ee uu safiirka inooga ahaa, laguna aasay bishan January 6-deedi caasimada Somaliland ee Hargeisa.



Munaasibadan waxa inagalasoo qayb gali doona masuuliyiinta xisbiyada qaranka ee ku sugan London, safiirka Somaliland ee UK, safiirka Somaliland ee Ireland, Garaad Abdiasis Garaad Saleebaan Afqarshe, ururada reer Somaliland ee ka jira UK iyo mar ti sharaf kaloo badan.



Taariikh: Jimce-15-ka January 2010

Madasha: Salvation Army Centre, 71 Coldharbour Lane, Hayes,

UB3 3EE


Wakhtiga: Bilaabmaysa 6-da galabnimo, dhamaanaysana 10-ka



Wixi fahfaahin ah kala soo xidhiidh xafiiska West London Somaliland Community nambarka ah 0208 848 1180 amma kuwa gacanta ee kala ah 07957758340 iyo 07949704576 amma emailka ah: wlondonsomalilanders@gmail.com

 

 


Maamulka West London Somaliland Community