BAROOR DIIQDII ABAWAAN GAARIYE




 

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Timacade Groub meel ay joogaan ba, iyo hawl adeenada sharfta leh. Marka labaad waxaan tacsi u dirayaa dhamaan umada reer soma liland meel ay joogaan ba, Geeridaa naxdin ta leh ee ku timi TIIR KA MID TIIRAR KII AQOON TA. Halkan waxaan idiin soo lifaaqay maan so la yidhaa GEERIYEY WAX BA HA TARIN, WA A BAROOR DIIQ. ILA EEGA

 

 

 


Geeriyeey wax ba ha tarin
Kol hadaanad geesiga
Garashiyo aqoon badan
Gacal kaba Nin kaw u roon
Gees uuga baydhayn
Shalay
Faysal baa goay
Maan ta
Gaariyaa Baxay
Goblan weeyi maan sadu
Gabay giba dhamaantii
Gabas iyo nin liitiyo
Doqon kaba ma guratooy
Gurma goan tilmaan liyo
Geesiga ma dhaaf tooy

*****

Habeen galay dalkeenii
Gudcur dama la soo sheeg
Geeridii abwaan kaay
xume igu la soo guda
Gacal Kama xidhootooy
Ma garaacday hadhacii?
Geesigii aqoon tiyo
Garab Kaw ahaa reer
waayeel kii garashada
Goor wal baw horayn jiray
Gobalan tala aduun yooy
Gaariye Na ma hoyseen ?

*****

Gidigii adoomaha
waxa geeri loo diray
Mawd ku gaadhka ka hayaa
Ajal kuna haduu galo
Dib u gurasho ma yaqaan
Goraf madhan, mid buuxiyo
Gabaahiir ta kama tago
Oday iyo nin gaamuray
Ama wiil calool galay
Ama geesi lagu jabay
kuwa guud ka loo dabay
Gabigaba aduun yada
Geeridu xaq weeyaan
Waana laysu soo gali


*****

Waxaan gocanaay wali
Godal kiisi maan sada
Gabygiyo tilmaan tii
Cilmi gii laa guud dhigay
Gaa-gaabsi ma aqoon
Gees goodir waanada
Kulayl kuu ku goyn jiray
Gaba shadana xashee
Ma aqoon gadeedaba

*****

waxaan gocanayaa wali
Garashiyo aqoontii
Gurmad reer ka loo galo
Gole laysu soo baxo
la gorfeeyo xaajada
lagu goobo waayeel
garta waalid keedii
Geesiyada la madhi jiray
Xaajada Gorfayn teed
Geesi aan ka hadhi noo
Soo godlaaya maan sada
Halka ay gu gaw tidhi
Geesigii tilmaan tiyo
Garab kaw ahaan jiray

*****

Maalin tii laka guray
Guluf iyo colaadii
Lagu gubay aqoon tii
Gobol keena reerha
Gayigaba dhamaan tii
Gacal iyo sokeeyaba
God ka lagu janeeyoow
Halkii uu ka soo galay
Guuba badii gacal
Goo-Goos kii waanada
Gurmad kiyo tilmaan tii
Gobalan tala aduun yooy
Maan tana ma gawba

*****

Guuloow alahyoow
Geesigii wad baa helay
Geeridu xaq weeyee
Kuwa gala halka u roon
Garab gala Rasuul kii
Xuurar cayn ta gurigiyo
Garab jog to raaxadu
Naxariista guud kiyo
God ka raaxo uuga yeel
kuwa aan gaboobayn
Gidigood dhalaan ka ah
Kuwa gala hadh kaagee
ku gama,aya raaxada
 

 

Abdulkhaliq Ali Mohamed