Hadaan Gacan haadis
jirin
Hadaan la is garanahayn
Hadaan la isgarabsanayn
Hadaan gujo hoose jirin
Hadaan Gacaltooyo jirin
Hadaan gunta hoose ceelka
Gaawaha qaar laba shabayn
Guubaabo qarsooni jirin
Fariinta u gudbaynin hoosta
Dadkay wada gaadhi layde.
Gobaad way deeqi layde
Gabiley way dhaafi layde
*********
Gaddii
hanti-dhawrka maahee
Xafiiskaasaa guracan
Dan gaaray leeyihiin
Goshay qaar ugu jiraan
Dadkay qaar guranayaan
Badhbay gujo reebayaan
Godaal loo riixayayaa
Guhaad bay nagu wadaan
Ninkaan gurgurshaa lahayn
Galabtii qaad soo helayn
Cidluu goobyaalayaayoo
Aqoontiisuna gaadhimayso
Halkuu islahaa u guur.
Geedaha soo daaqi maayo
*********
Ragii geedaha
dushooda
Cirkaa guudkeena saran
Gaadhsiiyay hawleheena
Ka guray gucundhooyin badan
Gun iyo jiic baa badalay
Guraangur qarsoodiyiyo
Wax aan garanayn Maamul
Xigtiyo gacal iyo sokeeye
Xaajada guracoo fogeeyay
Haduu garta qaadan waayay
*********
Haduu
Gobolkii Xumeeyay
Haduu xabiib
gaadhi waayay
Haduu ka
gayoobi waayay
Taladda
gobolkii Gabiley.
Cidluu
goobyaalayaayoo
Aqoontiisuna
gaadhimayso
Halkuu
islahaa u guur.
Geedaha soo
daaqi mayo.
Hadaan godkan hoos ka qodan
Go,aan laga qaadan adag
Anigu garan maayo xaajee
Alahayoow noo gargaar.
*********
|