Baaq ku socoda madaxda ururka UDHIS iyo taageerayaashooda sharafta leh
 

 

Ku / Madaxda sharaft leh ee ururka UDHIS
Ku / Taageerayaasha sharaft leh ee ururka UDHIS

Ku / Shicibka JSLand ee sharaft leh ee an ila maanta xisbina ka tirsaneyn ee codeyn kara





Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan madaxda sharafta leh iyo  taageeraya asha mudan ee ururka UDHIS meelwal o ey jooganba,waxaana ku salaamaya salaanta  isla amka o ah AWWBarakaatu.

Waxaan maanta oo ey bishu tahay 21/02 010 qalinka iyo warqada u soo huladay ama soo qaatey in aan cod dheer ama baaq ugu soo gudbiyo madaxda sharafta leh iyo  taageeray aashooda ururka UDHIS, runtii waxa lagama maarma igu noqotey oo an runtii ka fursan  w aayay in an qoraalkan idin soo diro maadaama an idinka mid ahaa mudo badan runtiin  taag eersan mawqifkiinii geesinimada laha ee ad kaga dareerteen maamul xumadii xisbi Kulmiye ee eynu ka wada tirsaneyn, markii xisbiga Kulmiye dhagaha ka fureystay xaqii iyo  cadaala dii la doonaya in lagu soo doorto musharaxa madaxweyne iyo kuxigeenkiisa. Sida ad la  wa da socotan waxeynu u qeybsanaya o eynu noqoney sadex qeybo.



1. Qeybi waxey ku biirtey xisbiga UDUB o waxey u biyo shubteen in ey taageeran nidaamkii eynu mudada badan ka qeylinayney ee ahaa musuqmaasaqa iyo habcsanida iyo  qawleyst ada, waxey ka been sheegeen mabdii eynu aaminsanayee ahaa Isbadal doono ku saleysan dimuqradeyda, waxa haddaba runtii cadaatey in aney aheyn markoodii hore ba ISBADAL DOONE e ey ahayeen HUNGURI DOON,ragga UDUB maanta ku biiray waa noocaasi



2. Intiini badneydan waxad istaageen meel an loo baahneyn o an waxbadan ku soo  kordhi ney mabaadiidii eynu aaminsaney ee ahaa ISBADAL DOONKA iyo xaalada dhabtaha ee u  da lkeenu ku sugan yahay maanta, waxad la baxdeen urur la yidhaahdo UDHIS oo an maanta ka tirsaneyn ama an ka mid aheyn saddexda xisbiyada qaran ee tartamaya ee  dastuurku na ogol yahay, waxad la wada socotan ururkii Qaran ee inaga horeyay halka u ku  danbeya y markii u geed dheer iyo geed gaaban u fuuley inuu ka mid noqdo xisbiyada qaran ee  tart amaya haddaba waatii hore loo QUUSIYA Gaboose iyo Maxamed Xaashi iyo Jamaal, ma  wa xad sugeysan in la idin quusiyo o jeelasha la idinku guro ileyn sharci uma heysatan ururkan ad sheegeysan, maanta haddii u jiro sharciyada ad heysatan oo ad kaga qeyb gali kartan doorashada runtii baaqan idin maan soo direen, ee hadda waxan arkeyaa inaad meel  ba'a an ah ad ka botorineysan oo sacab iyo durbaan ka garaaceysan-



3. Tiro yar oo an ka mid ahey islamarkan an tirsanahay waxanu isku daynay in an  mawqif kayagii hore ee ahaa isbadal doonka ku adkeysano oo anu ku biirno xisbiga kale ee  mucaa riidka ah ee isbadal doonka ah ee UCID, waxanu u aragnay xisbigaasi UCID inuu yahay  xisb iga kaliya ee mabaadiidii eynu aaminsaneyn ee isbadal doonka dimuqradeyda ku saleysan uu hormood u yahay UCID ugana dhawyahay labada xisbi ee kale, taasan nagu kaliftey  ina anu doorano UCID maadaama anu labadii xisbi ee Kulmiye iyo UDUB laga soo quustey habdhaqankoodii ku saleysan qabyaalda iwm



Waxan haddaba sxbyaal ka mid ahaa raggii ama taageerayaashii sida weyn idin  taageers an ee waliba aaminsan inad tihiin indhihi ama mustaqbalkii dalkan JSLand, waxgaradkii, muj ahaahidintii iyo aqoonyahanadii iyo haldoorkii u dalkan lahaa intii ugu mudneyd, waxa  hub aa in ad tihiin kuwa maanta dhibaatan dhaqaale xumo, masiibadan musumaasq. siyaasad xumada inagu habsatey iyo habacsanid dawladeen ka muuqate kuwii badbaadin lahaa ee ku guntan lahaa qarankeena maanta jarka ka sii laalada islamarkan badbaadin lahaa,  hadd aba si anu qarannimadeena u badbaadino o ad hadafkiini ahaa isbadal doonka uga  dhabe ysan ama uga biyo dhiijisan ku soo biira xisbiga qaran ee UCID, waayo waxad ka soo kala jeedan labadiina garab ee UDHIS ku bahoobay laba garab oo ka soo biyo diiday ama ka soo go'oostey siyaasada xumadii labada xisbi ee Kulmiye iyo UDUB, maadaama ad ka soo digo rogateen labadaasi xisbi fadlan u hiileya qaranka oo badbaadiya o taageeradiina siiya  xisb igan UCID si qaranku uga badbaado siyaasad xumid labada xisbi ee kale, haddii ad taageeri weydan UCID o ad u hiilin weydan maanta waxad ogaatan in anu dalkeena wax isbadal ahi oo imanaya anu jirin habyaraatee, waxa mar labada ku soo noqon doona labadii xisbi ee ad ka so digo rogateen ee aha Kulmye iyo UBUB midkood oo waliba ku hirdami doona shicibka masaakiinta dhexdooda, haddaba si aaney labadaasi xisbi mar danbe inoo soo haweysan waxan talo iyo tusaale ba idin odhan lahaa sxbyaal ku soo biira xisbiga UCID o maanta ah xisbiga qaran ee an qabiil iyo koox midna taladiiso gacanta ugu jirin, runtii xisbiga UCID waa xisbi shicib o runtii ka xor ah qabyaalad iwm



Waxan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan an u soo gudbinayo dhamaan madaxda  uru rka UDHIS iyo taageerayaashoodaba, maanta waa maalintii u dalku iyo dadkuba hiilka  idin ka baahna ee albaabka u soo yara xidha UDHIS inta ilaahey faraj kheyr qaba u furayo oo ku soo biira xisbiga UCID kuna ciil baxa codkiina o siiya taageeradiina iyo codkiina ba,


Waxakaloo diinteena suubani in fareysa inaad walaalkaaga ad jeceshahay ad ugu baaqdo ama ugu yeedho meelkastood ku sugan tahay oo ad kheyr ku aragto ama ku ogtahay  isla markan waxa kugu waajib ah inaad walaalka u gacan haadiso o ad ugu yeedho inuu ka soo qeyb galo gurigaasi ad barwaaqada iyo kheyrka kala kulantey dadka muslinka ihi inta  bad an XARAMKa eyey isaga yeedhaan o ey dadka ay jeclyihiin ku xusuustan, ana maanta  wa xan ururka UDHIS iyo asxaabteydii ugu baaqayaa in ey ku soo biiran xisbiga qaran ee UCID sabab badan awgood oon an kor ku soo sheegay, maanta somaliland uma baahna laba  xis bi o isu ureya oo noqday sidii TOM & JEERI ama Bisadii iyo Jiirkii una ficil tamaya, si eynu  u ga badbaadno labadaasi xayawaan ee an caqliga fiican la heyn waa in ad u hiileya xisbiga UCID.





Wa balaahi tawfiiq



Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha Guud ee Nordic - UCID