Ururkan Suxufiyiinta Somaliland website Journalists Association SLWJA oo Cambaareeyay Xadhiga iyo Gacan ka hadalka loo gaystay Tifaftiraha Berberanews kuna baaqay in si shuruud la,aan ah loo sii daayo

 



London (TNN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland Website Journalists Association ( SLWJA) ayaa Warsaxaafadeed ay kasoo saareen Xaruntooda Magaaladda London waxa ay ku Cambaareeyeen Xadhiga iyo Gacan ka hadal loo  gayst ay Wariye xarago oo ah tifaftiraha Berbera news .


Dhamaan Ururka Somaliland Website Journalists association SLWJA oo ka kooban Webmasterada Websiteyada So maliland iyo wakiiladooda dibadda iyo gudahaba waxay ugu baaqeen Xukuumadda Axmed Siilaanyo inay si shuruud la,aan ah ku sii dayso Suxufigaasi islamarkaasna ay maamuus u yeesho Hay'addaha CID ee Saxaafadda la ciyaara ya oo ah wax lala yaabo.


Warsaxaafadeedkani waxa uu intaasi raaciyay maaha markii ugu horeysay ee Wariye sidan oo kale Laanta CID ee Gobolka Saaxil ay Suxufi sidan oo kale ula dhaqanto balse Xukuumaddii hore markii ay talada dalka haysatay waxay Baastoolad dhakada kaga qabteen Wariye Maxamed Biid oo ka tirsan Wargeyska Jamhuuriya uga soo warami jiray Gobolkaasi taasi oo xabadii ka katibtay Taliyahaasi loo soo adeegsaday .


Mar labaad waxaan aanu ka codsanaynaa in si deg deg ah loo sii daayo Suxufigaasi haddii kale waxa aanu dacwad ka dhan Xuriyatal Qawlka u gudbin Hay'adaha Xuquuqda Aadamaha iyo kuwa gaarka u ah Xoriyadda Saxaafadda ee Wadamada Yurub.

Waxaanu aad ugu kalsoonahay in Xukuumadda Axmed siilaanyo ay Tixgelin doonto dhawritaanka Xoriyatal qawlka iyo ilaalada karaamada saxafiga .

 

 



Gudoomiyaha Ururka Somaliland Website Journalists association (SLWJA)
Mr Sayid Maxamed Khadar
West London
UK
Email:somaliland_website_journalists_association@live.com