Baaq : Ururka Ganacsatada Somaliland
Dubai UGSD

 



Shir aan caadi ahayn oo xallay ay ku kulmeen Guddiga Sare ee Ururka  Ga n acsatada Somaliland “UGSD” waxay si qoto dheer u lafogureen xaalada guud ee Somaliland ka jirta . Falanqayn dheer ka dib, waxaay isla waafaqeen qodobadda hoos ku xusan :


1.Waxaanu si diiran u soo dhawaynaynaa wada xaajoodka uu furay  Mad axwayne Riyaale.Waxaanu ku codsanaynaa labada Guddoomiye ee  Xisbi yadda Mucaaridka ,inay bilaa shuruud ku tagaan miiska wada hadalka.


2.Waxaanu labada Guddoomiye ku boorinaynaa inay si dhakhso ah uga noqdaan mudaharaadka ay abaabulayaan, oo nabad-gelyadda khalkhal gelin kara, dantooda gaar ahaaneedna ka hormariyaan danta guud ee shacbigga .


3.Waxaanu ganacsatada ugu baaqaynaa inaanay ka qayb gelin  mudaah araadyadda lagu baaqayaaao .Waa inay ilaashadaan meheradahooda, kana fejignaadaan dhac iyo bililiqo loo dhex raaciyo.Somaliland uma  baa hna- dhiig danbe oo daata , dhac, qax iyo boob.



Wa bilaahi towfeeq.

 



Xoghayaha Guud ee UGSD, Dubai

Ganacsade Yusuf Abdi Omaar