BAAQ KU WAJAHAN XUKUUMADDA SOMALILAND

 


Waxa baaqan diraya jurbajooga Beelaha Habar Awal ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee ku dhaqan Qaaradda Waqooyiga Ameerika,waxanu khuseeyaa dhacdooyin muddooyinka dambe isasoo taraya, sida Warshedda Sibidhka, Niista Xeebta Batalaale, iyo qaar kale oo hadda la sheegayo in xu kuumaddu haloosiyeyso, sida heshiisyadii baadhitaanka saliida ay dowladda haligantay ee Afweyne Siyaad Barre la gashay Shirkadaha Shisheeye oo wararku sheegayaan in Maalgashigii shirkadaha Shisheeye ay Dowladaha Kuweyt iyo Isu Taga Imaaraadka Carabtu magdhabeen, heshiisyadiin sidaa kula wareegeen oo ay iyagu noqondoonaan kuwo dalka saliid ka baadha.

Waxaynu maqalaa dalka duxul-dhagax ayaa ku jirta-ma laga yaaba in berri ka maalin aynu maqalo ganasade ayaa ruqsad lagu siiyey soosaarka iyo dhoofinta dhuxul-dhagaxda? ma laga yaaba in anu aragno Mashruucii beeraa Tog-Wajaale oo la leeyahay waxa lagu dhaqayaa lo' oo ganacsade hebel ayaa ruqsad loo siiyey? Waxaanu xukuumadda usoo jeedinaya in go'aanada ka soo baxay sii qoto dheer looga baaraan dego, iyadoo mar walba la tixgelinayo in nabadgelyada dalka la khalkhalin.

Magacyada dadka Baaqa dirya:

1. Abdi Mohamed Hassan
2. Adam Abdillahi Hanfi
3. Ahmed Ali Ibrahim
4. Hassan Guleed
5. Ahmed Ismail Meygag
6. Abdikeyd Ibrahim Adam
7. Ali Yussuf
8. Omar Mohamoud
9. Abdikariim Mousa Meygag
10. Mohamed Abdillahi
11. Hussein Yussuf
12. Abdirashid Hassan Ahmed
13. Abdillahi Hassan Ahmed
14. Adam Mohamed Egeh
15. Abdirezaq Ismail Adam
16. Mohamed Omer Ahmed
17. Kamal Ali Jire
18. Hassan Abdi
19. Hassan Osman Abdi
20. Mohamed N. Dualeh
21. Mousa N. Dualeh
22. Abdulrashiid Hassan
23. Ali Adam
24. Jama Adam
25. Abdulrqadir Abdillahi Mohamoud
26. Omer Hassan Mohamoud
27. Yassein Abdilllahi Elmi
28. Abdillahi Ahmed Warsame
29. Mohamed Ali Warsame
30. Mustafa Mohamed Ibrahim
31. Abdulrqadir Abdillahi Mohamoud
32. Omer Hassan Mohamed
33. Yassein Abdilllahi Elmi
34. Abdillahi Ahmed Warsame
35. Saeed Adam Mousa
36. Mustafa Mohamed Ibrahim
37. Fowsi Abdillahi Abdi
38. Hassan Abdillahi Abdi
39. Abdulkarim Abdillahi Abdi
40. Abdirahim Abdillahi Abdi
41. Abdi Mohamed Essa
42. Saeed Ahmed Hersi
43. Muxiyudiin Abdiqaadir
44. Ismail Haji Abdillahi
45. Awil Adam
46. Faisal Omer Hassan
47. Mustafa Abdi Mousa
48. Hassan Hirsi
49. Idris Mousa
50. Ali Adan Samater
51. Mohamoud Adan Samater
52. Mohamed Yusuf Samater
53. Abdirahman Yusuf Samter
54. Abdirhaman Osman Yussuf
55. Idriss Ibrahim Ahmed
56. Mustafa Ibrahim Ahmed
57. Mahdi Ibrahim Ahmed
58. Mahfouz Ibrahim Ahmed
59. Mohamed Ibrahim Ahmed
60. Najib Ibrahim Ahmed
61. Abdi Mohamoud
62. Abdirahman Ahmed
63. Farhan Hirsi
64. Mohamed Abdi
65. Saxardiid Aw-Cabdi Buuni
66. Nuuradiin Sheekh Abdiraxamn Kariye
67. Mustafe Siyaad Muxumed Adan
68. Cumar Sanyare Xaaji Cali Guhaad
69. Xassan Mooge Xirsi
70. Abdikariim Xassan Maygaag Samater
71. AbdiHakiim Xassan Maygaag samater
72. Axmed Muxumed Madar
73. Abdirisaaq Sheekh Barkhad
74. Maxamed Cabdillahi
75. Ali Maxamed Rodol
76. Captan Abdi Mahamed Rodol
77. Ahmed Abdi Mahamed Rodol
78. Xussein Abdi Mahamed Rodol
79. Mahamed Abdi Mahamed Rodol
80. Ibrahim Ali Mahamed Rodol
81. Rashiid Xaraf
82. Ibrahim Baltimore
83. Abdirahman Xaaji Abdillahi
84. Abdalle Abdirahman Xaaji Abdillahi
85. Abdihakim Gole
86. Ibrahim Abdi Arabey
87. Ibrahim Abdi Geele
88. Feysal Mursal Aareeye
89. Abdisalaan Mursal Aareeye
90. Xusseen Beergeel
91. Ismail Maxamed Jama
92. Maxamed Yussuf Cusman
93. Maxamed Xassan Xaashi
94. Khadar Maxamed Baarabiyaan
95. Maxamud Gaagaab
96. Xamsa Abdikariim
97. Nasir Abdikariim
98. Ahmed Abdikariim
99. Abdikariim Nadif
100. Siciid Nadif
101. Cigaal Maxamed
102. Ismaaciil Maxamed Abraas
103. Mustafe Maxamed Abraas
104. Yussuf Abdillahi Diiriye
105. Ahmed Gooraan Hassan
106. Maxamed Khadar Cabdillahi Jawaan
107. Ahmed Sujuu
108. Maxamed A. Kooshin
109. Maxamed Sulub Cumar Xaashi
110. Hodan Abdillahi Kariye
111. Ilhan Maxamed
112. Maxamed Idoor
113. Abdalle Cakule
114. Jamal Abdi Gaboobe
115. Cabdirahman Baaruud Jama



1. WERSHEDDA SIBIDHKA EE BERBERA


Waxa jirtey muddo todoba sannadood iyo dheeraad ah in iskaashato isugu jirta ganacsato iyo dad w eyne ay hindisayeen in ay kiciyaan Wersheddii Sibidhka e ku taalay duleedka magaalada Berbera. Waxa kaloojirta in Xukuumaddii hore ruqsad iskaashataada siisay iyaguna ay soo bandhigeen  dara asad qorshahooda ku saabsan. Waxa kale oo jirta in ay muddo xukuumadda cusub kale xaajoonay een dhammaystirka mashruuca.

Waxa hadaba imika soo shaacbaxday in Shirkad dalka ka ganacsata iyana ruqsad la siiyey si ay  wer shed labaad uga ag dhisto tii hore duleedkeed. Waxa isweydiintu tahay: Xiligan dalku ma awoodi  ka raa laba wershedood oo sibidh oo isku goo ku yaal? Jawaabta oo koobani waa maya, sababtuna  wa xa weeye mandiqa ganacsiga iyo wershedaynta dalkaba way ka soo horjeeda waana fikrad sideeda u khaldan. Dhagaxa sibidhku meelo badan ayuu ku jiraa oo ciddii awood dhaqaale haysaa ka soo saari kartaa.

Waxaanu xukuumadda dalka ka talisa ugu baaqaynaa in ay tixgeliso ogolaanshihii xukuumaddii hore oo aan sidii Maxjaradii Xoolaha laba Wershedood la is barbar eryin, dalkana loo horseedin xasilooni darro hore iyo waxyaabo aan loo baahnayn.

Waa in markasta maskaxda lagu hayaa in kheyraadka dulka korkiisa/hoostiisa iyo kan badda ku jira labaduba ay yihiin hanti dhex u ah ummadda reer Somaliland gebi ahaantood. Xukuumadu  dadweyn aha ayey wakiil uga bad iyo berri wixii ku jira, lahaanshase waxa iska leh ummadda, sida darteed ayey xaaraan u tahay in hantida ummadda gacanta loo geliyo shirkado gaar loo leeyahay oo aan dadweynuhu qeyb ku lahayn.

Hees Soomaaliyeed ayaa haldhigeedu ahaan jirey: "dhigaxa iyo dabka la iskuma dhuftee kala  dho wra." Sidoo kale ayaan iyana kabriidka lagu ag daari karin baatroolka iyo gaasta waxa lagu karsado haddii kaagu furanyahay.

Ujeedaduna waxa weeye markay ay siyaasadda iyo ganacsigu isku milmaan ee bulshada madmadow ka galo maamulkii dowladnimo. Dalalka reer Galbeedka ayaa axsaabta siyaasadda ee qaarkood ka jirta ayaa lagu tilmaama qaar si gaar ah ugu adeega ganacsatada iyo inta maal-qabeenka. Tusaale haddaynu u soo qaadano dalka Maraykanka ayaa Xisbiga Jamhuuriga lagu tlimaamaa mid aad ugu dhega nugul ganacsatada oo qaybaha kale ee bulshada aan daryeelkeeda isku hawlin; halka xisbiga Dimuqraadiguna uu adeegsado siyaasad furfuran oo dhinaca caddaaladda ka dheelitiran. Kanada iyo dalka Ingriiskana xisbiyada Muxaafidka(Conservatives) lagu tilmaamo in ay u janjeedhaan dhinac maalqabeenada iyo ganacsatada; halka Xisbiyada Liberalka iyo Shaqaalahan lagu tilmaamo qaar u janjeedha xoogsatada. Xukuumaddeenii ummaddu u codeysay ayaa usii xuubsiibanaysa mid  talade ediba ganacsatadu la wareegtay, arrintaasina mid dalka iyi dadkatoona dhaqaysa ma ah ee dib ha looga fiirsado.

Wadamadani iyagu hore ayey uga gudbeen marxaladda Afrika iyo Bariga Dhexe marayaan oo  shar ciyad iyo kala dambayn, maamul wanaag furfuran oo ummadu la xisaabtami karto ayaa u hirgalay. Maxaa sabab u ah in kacdoon shacbi ka curto dalalka Afrika iyo gebi ahaanba wadamada la yidhaa Bariga Dhexe? Dhibaatada iyo gadoodyada wadamada inagu dhow ka socdaa waxay ka dhasheen dulmi dadweyne muddo dheer u dulqaadanayay oo ka yimid markay kooxdii xukunka haysay iyo intii ku xeernayd hantidiii ummadda siday doonaan ugu takrifaleen.

Hadda waxa ay dabayshii kacdoonka dadweynuhu ruxaysaa: Mucamar Qaddafigii Liibiya 41  sanna ddood ku amar ku taaglaynayay; Cali Cabdalla Saalax o Yaman ka talinayay 32 sanadood; Bashaar Al-Assad oo dhowr iyo taban sanno Suuriya Madaxweyne ka ahaa. Waxay seeftii kacdoonku la duushay Seynul Caabdidiin Bin Cali iyo Maxamed Xosni Mubaarak.

Haddi aanay xukuumaddu sidan ay wax u wado bedelin waxa hubaal noqondoonta in fagaaraha Xo riyadda la isku soo baxo oo sidii lagu soo doortay si ka hawl yar xukunka lagaga tuuro.

 

 


Wa Billaahi At-Towfiiq