Baafin: Mashruucii Biyaha Xunbo-weyne ma af-libaax
ayuu ku dhacay


 



Mashruucii Biyaha Xunbo-Weyne

Shacabka ku nool caasimada Jamhuuriyada Somaliland waxay ka codsanayaan mudanayaasha ku fadhiya codkooda ee Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa,mudanayaasha golaha wakiilada iyo mudanaasha golaha deegaanka inay ka daba tagaan oo ay ogaadaan cidda ka war haysa raad iyo cidhib halka uu dhigay mashruucii biyaha xunbo-weyne ee wasiirka macdanta iyo biyahu xa qiijiyay inuu si dhakhsaa loo bilaabi doono.Shacabku waxay uga fadhiyaan mudanayaashaa cod kooda ku fadhiya mansabyada jawaab celin.


Labaatan sanno(20yrs) ee shacabku ka qaylinaayay biyo la’aanta maaha muddo yar,mana odh an karo dawladahii isaga danbeeyay xukunka dalkani way u waayeen biyo balse waxa hubaal ah inay hagrasho jirto amaba ay ka mid tahay xeeladaha keli-taliska. Markaynu eegno falalka Dawl adan Siiraanyo kula dhaqmayso shacabka waxa ka muuqda nidaamka ah shacabka badi haku jiro baahi si aad u xukumi karto,dhaqaalaha cidhiidhi ka geli,shaqo la’aantu haku badato iyo qaybi oo xukun.


Biyo la’aanta ku habsatay Hargeysa,gaar ahaan xaafadaha G/Libaax,M/Moge,M/Haybe iyo Axm ed-dhagax hadii ay damqayso masuuliyiinta ku fadhiya codkooda ee ay ugu horeeyaan Madax weynaha iyo kuxigeenkiisu waqtiganba kuma soo gaadheen shacabku inuu haraadanaado. Halkay ugu hagar bixi lahaayeen ayaabay mashruucii Biyaha Xunbo-weyne ee loogu talo galay in galbeedka hargeysa laga soo gelin doono,wasiirka macdanta iyo biyahuna xaqiijiyay inuu dha khso u bilaabmi doono ayaabay ka dhex raadiyeen sidii ay waxoogaa qurus ah uga dhex saari lahaayeen markaasay u rareen Geed-deeble oo aynu ku leenahay qayb si fiican uga socota,una baahnayn in dhuumo kale laga dul geeyo.


Hadaba nimankan laygu yidhi dhamaantood waa aqoonyahan dalka u dhashay ee madaxtooyada ku kalahaa iyo wax ma tarayaashan shacabku ku khasaaray ee guriga baarlamanka kuraasida k u dul suga qadhiidhka ay ku boobaan mashaariicda ay dawladu ku naas nuujiso miyaanay marna ba ka xishoon ummadan ay matalaan ee ay sharaftooda huwanyihiin.Waa dad la doorsaday oo qaarkood uba diyaar ah gaadeed qaadka xamar laga soo jiidaayo.Ninkay shacabku is-yidhaaha an malaa kanaa la qaatay ee codkaaga siiba iyagii ayuun buu dib ugu qayilayaa.Waa yaab! Alla doori maxaa ka shubtay dhiigii wadaniyada,maxaa ka nuugay dareenkii damqashada shacabka u codeeyay,xaggay se u faruur xidhanyihiin!

Madaxweyne Axmed-Siiraanyo,kuxigeenkiisa Saylaci,mudanayaasha wakiilada iyo mudanayaash a deegaanka ee cusub waxa shacabku idinka codsanayaa inaad si dhakhso ah u baafisaan mash ruucii ay ku talo galeen inay kaga baxaan haraadka labaatanka sanno ku dhex hayay caasimada aad ku dhex laaf-yootaan,kana talisaan ee aad codkooda ku karbaashay-saan hadana aad cas huur aanay karayn ku sandulayseen.


Waxan ku soo afjarayaa baafintan mudanayaasha aan kor ku xusay waxa aan leeyahay shacab ku jawaab haydinka helo intaanay talo faro ka bixin.
 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL