BUUG SAXAAFADEED AAD U XIISO BADAN OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGAY MAGAALADA BURCO

 

Burco (TNN)-Xaflad lagu qabtay Hool ku yaalla magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer,ayaa lagu soo ban dhigay Buug Saxaafadeed magaciisa la yidhaa SAXAFI, oo uu qoray Suxufiga da'ad yar ee Axmed-Hanad Guray Baqaye.

Buugani oo uu diyaariyey Suxufi  ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl gala Shabakadda Caanka ah ee Timac ade News Network (TNN) ,ayaa aad uga faalooday qorista  buugan iyo waxa ku kalifay inuu soo saaro.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa," Buugani oo ah buug Saxaafadeed , waxaan ugu talo galay Suxufiy iinta ku hadasha afka Somaliga ee ku nool dunida dacaladeeda,  inay ka faaiidaystaan Buugani ,waxaa igu  kalifay markaan arkay inay yar yihiin amaba aysan jirin Buugaag Saxafadeed  toosisya  Suxufiyii nta Somaliyeed in ay u maraan dariiqii toosan ee loogu talo galay Suxufiyiin Somalidu in ay marto."

Macluumaadka ku duugan Buugan SAXAFI,  ayaa waxa ay ka soo maaxdeen maskaxda rag badan oo
ah Suxufuyiin reer Somaliland ah,  oo ku nool Gobolka Tog-dheer,kuwaasi oo u heelan in ay caawiyaan Suufiyiinta ku soo biiraysa Saxaafada amaba ay toosiyaan kuwa ku shaqaysta.

 

Buugan SAXAFI, oo faaiidooyinka uu leeyhay iyo macluumaadka aad ka helayso aan la soo koobi kara yn, waxaad ka helaysaa magaalada Burco iyo Hargaysa, mustaqbalka dhowna la gaadhsiin doono dun ida dafaheeda.


Wixii faah faahina la xidhiidh emailkan:



Hanad080@hotmail.com

Hanad_baqaye@hotmail.com
4367594
9313703
Burco, Tog-dheer
Jamuuriyadda Somaliland