BAAQ SAMAFAL AH .
29/07/2013
 


Ujeedo :- u gar-gaaran Bisha Ramadaan Agoonta-Derbi jiifka iyo Cisbitaalada ay ku jiraan dadka dhimirka wax ka qaba.


Sida aynu la wada socono waxay ku jirnaa 10 casho ee ugu dambeeyey bishii khayrka badneyd ee RAMADAAN.Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dhamaan shacabka Muslimiinta ah,gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan :-

In ay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan, Xarumaha Agoonta---Xarumaha Caruurta Derbi jiifka ah ,Dhakhtarada ay jiifaan dad ka Dhimirka wax ka qaba iyo guud ahaanba dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

Waxaanu la socodsiinaynaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba in Xarumaha Agoomaha,Xarumaha Derbi jiifka ,Cisbitaalada dadka dhimirka wax ka qaba iyo guud ahaanba dadka danyarta ah ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ay ku sugan yihiin xaalad adag.

cid kasta oo danaynaysa in ay dadkaa waxtar gaadhsiiso,waxaa haboon in ay si toos ah ula xidhiidhaan ,amase ay u mariyaan shaqsiyaadka muxtarimiinta ah ee had iyo jeer u taagan caawimada dadkaa tabaaleysan.

Saxaafada xorta ah ee reer Somaliland gudaha iyo dibadaba waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa in todobaadkan kor u qaadaan CODKA DADKA DANYARTA AH.

« NINKA DIBAGA QALAYEE----------KA DIBIRAY CASUUMEE
DANYARTII KA QADIYOOW-----------DUCO KUUMA SOO HOYAN »
 

 


ALLAA MAHAD LEH


Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman.
SKype : Abdisaaleiman1
twitter : @_saleiman