Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka soo laabtay Safarkiisii Jabuuti

 

Madaxweyne ku-Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo

dhamaystay Safar muddo todobaad ah qaatay oo uu ku tagay Magaaladda Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarkan Md.Yaasiin ku tagay Jabuuti ayaa hawlo Caafimaad la xidhiidhay,haseyeeshee intuu uu halkaa joogay ayaa waxa uu sheegay Madaxweeyne Ku-xigeenku inuu kulamo la yeeshay Madaxda sare ee dawladda Jabuuti.

Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, oo qolka nasashada ee Garoonka Diyaaradaha Warbaahinta ugu waramay ayaa sheegay in ay dawladda Jabuuti ka wadahadleen sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen xakamaynta iyo ka hortagga Budhcad-badeedda ka ugaadhsada Xeebaha Somaliya iyo qayba kale oo Badweynta ka mid ah.

Md. Yaasiin, waxa uu sheegay in Jabuuti uu u tagay xaalad caafimaadkiisa la xidhiidha, wakhtigana Caafimaadkiisu aad u fiican yahay, inkasta oo aanu sheegin dhibaatada caafimaad ee uu halakaas u taga.

“Dabcan hawsha Caafimaad ka sokow, Dawladda Jabuuti waxaanu ka wadahadalay Kooxaha Budhcadbadeedda Soomaalida ah ee faraha baas ku haya Xeebaha Somaliya iyo Biyaha Cadmeed sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti isga kaashan lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somalialnd Axmed Yuusuf Yaasiin. Hase ahaatee, si cad daaha ugama rogin waxyaabaha ay Madaxda dalkaasi isla soo qaateen.


Madaxweyne Ku-xigeenka, oo maanta ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland.


Safar kan Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ka kaga soo laabtay Jabuuti oo ah kii ugu horeeyay ee intii uu xilka hayay ku tago dalkaas, ayaa qaatay muddo todobaad ah, waxaana ku wehelinayay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalkiisa Cabdirisaaq Waabari Rooble, iyada oo Safarka Axmed Yuusuf Yaasiin uu todobaadkii hore kaga ambabaxay dalka aan la sii shaacin.

 


Source: TogdheerNews