W/Xigeenka Qorshayntu Maxuu moodayaa qurbajooga inayna la socon

 

Maanta waxaa ognahay inay adduunku yahay Xaafad yar oo si casriya loo  o gyahay waxaa ka jira ilbidhiqsiyo loogu ogaado ,, Somaliland 6 sano heerka ay gaadhay ee xukuumadaasi gaadhsiisay maaha wax aan halkan ku soo  koo bi karo oo qalin aan qaadano aan lagu dhamayn Karin lakiin qofkastaaba uu ku  dad aalaayo sidii ay Somaliland ugu soo noqon lahayd  hee rkii ay ahayd xitaa xiligii Marxuun Cigaal iska daa bal mid ka sareeyee.

Hadaba iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa dhacday inaan maanta Bbcda ka dhegaysay Wareysi balaadhan oo uu la yeeshay Wariye Yoonis cali nuur, W/Xigeenka Qorshaynta waxaanu ahayn dad badan oo Somaliland u dhashay runtii waxay nagu noqotay wax cajiib waxaa uu sheegayo waayo maaha  maa nta inuu si indhala,aana ilaa heerkaa ka hadlo ,isagoo og dhibaatada haysta Bulshada Somaliland, oo aan cidina ka sheekayn Karin ,xitaa la kulankii aad bulshada u sameyseen ayaa dadku dooda kulul dhexmareen oo ay u arkayeen maxaan kala kulmaynaa waan ognahay xukuumadan in aanay u qalmin in aan soo dhawaynee , dadka kooban ee la kulmay waa la ogaa in si gaara loola  xid hiidhay markii ay adkaatay in la helo , sifihii dadkaasu ay ugu yimadeen waa la ognaa.

W/xigeenka qorshayntu waxaanu ahayn saxiib mudo aad u badan waxuu ka mid ahaa Ururkii Ileys ee ka samaysmay London , saamigii ay ka heleen markii ay ku biireen Udub isagoo noqday Axmed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Guddiga siyaasadda Xisbiga UDUB, uuna mudo badan ahaa , isla markaa waxaan  ogah ay sidii uu ku dhistay Guriga Dabaqa ah ee ku yaala Xaafada Jigjiga yaryar ee ay dhistay shirkadii Himilo lacagta uu ku dhistay Axmed wuu ogyahay sida uu ka helay .

Iyadoo markii danbe loo magacaabay 06 August, 2006 Maareeyaha  Wakaala dda Biyaha Hargeysa, Axmed Xaashi Cabdi, oo ahaa ka hor dhinaciisa  siyaas adda xisbiga UDUB u qaabilsanaa iyo dhawr la-taliye aan ahayn wasaarada uu iminka xilka hayo , kadib cadhadii uu ka qaaday waa la ogaa, inuu uu  madaxw eynaha weydiistay in uu u bedelo oo uu geeyo wasaarada qorshaynta oo  faa ido u leh iyo manfo sidaa daradeed uu ka bedelay madaxweynahu ,,,,, iyadoo hadaba axmedow aan ognahay taariikhdaa badan ee aad soo martay  qof  ka staana ay isaga u taalo ,,,inaguna aan inbadan ka wada hadalnay , talooyin badana kaa siiyey …iyo inaad ku degdegin hantida qaranka iyo waxyaalaha taariikhda xun kuu galaaya inaad ka joogto ilaahay aad ka baqdo., qofka  mas uulka ah taariikhda iyo waxaa uu soo maro waa wax u taalo weligii if iyo aakhiroba haddii ay fiicantahay iyo haddii ay tahay wax ilaahay  xaraantimee yey sida loo isticmaalayo laysna weydiinayo masuuliyada umadda loo qabto.

Hadaba iyadoo ay caynkaas tahay Axmed oo aan ogahay taariikhdiisa aan fiicnayn welina uu si aan haboonayn aan ku aragno oo saxaafada uu si indho la,aana ugu dhex milmay miyaanay ku haboonayn weftiga kale in ay kaaga fiicnayeen axmedow inadeer qaab ahaan inay iyagu dadka kaaga yar taariikh wanaagsan yihiin oo iyagu ay ilaa heerkaa aanay sameyn sidaada oo kale , lana qaadan lahaa iyaga luqada aad ku hadashayna ayna ku hadleen si aanu qabno qofkastaana waxay ku noqotay cajiib ……wareysigaa bbcda aad siisay …….. Axmedow .. waad iga yaabisay oo waad naga yaabisay inaga oo tol iyo saxiibo fog ahayn weligeen …..

 

 

Cabdifataax Muxumed Taani
Bristol England