Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa socd aal ku soo maray Magaalooyinka Gabiley, Kalabaydh iyo Wajaale

 


Gabiley June 8, 2010 (TNN)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Kulmiye ahna  Musharaxa  Mad axweynaha ee Xisbiga Kulmiye iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si  balaadh an loogu soo dhaweeyay Guud ahaan Gobolka Gabiley.

Dadweyne aad u badan ayaa wadada hareeraheeda safaf u galay soo dhawayntii  wafti gaasi dadwaynahii ayaa mar danbe iskugu soo biyo shubtay Fagaaraha Khayriyada, waxaana ugu  h orayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada  Somaliland C/casiis  Maxam ed Samaale oo sheegay inaan Gobolka Gabiley u qaybsamayn Xisbiyo ee uu yahay Kulmiye.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Ismaaciil Aadan Cismaan oo ah wasiirkii hore ee Arrimaha  Gud aha oo sheegay in uu Gobolka la sugayay ku biiritaanka Xisbiga Kulmiye, waxaana uu xusay in maanta wixii ka danbeeya uu yahay Xisbiga Kulmiye.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu 18-sanad ood hortood sheegay in reer Gabiley siday isugu shubayeen dagaaladii dalka lagu xoreeyay ma antana ay diyaar u yihiin inay mar labaad isku shubaan dib u xoraynta dalka.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kul miye C/raxmaan Saylici oo sheegay inuu aad ula yaabay sida hagar la’aanta ah ee ay u soo dha weeyeen waftiga Kulmiye.

Gabogabadii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxeynaha ee Xisbiga Kulmiye  Axm ed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay in aan gobolka Gabiley aanay cidi kula  tartama yn.

Sidoo kale Masuuliyiintan Xisbiga Kulmiye waxa ay khudbado kala duwan ka jeediyeen  Magaala da Kalabaydh, waxaanay gabogabdii Socdaalkoodaasi ka hadleen Magaalada Wajaale.

Guud ahaan Gobolka Gabiley ayaa la ciir ciirayay calanka iskugu jira Akhtarka iyo Huruuda ee uu caanka ku yahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
 


Source:Horn Cable TV