War Saxaafadeed

 



 


JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL






Date: 23/02/2011


Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaa bilay Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda wadamada Ethiopia, Belgium, Finl and, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh ee ka socda  Som aliland waxa kale oo uu u sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho  dh inaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya Himillada ummadda.

Eng Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay in u  socda alka weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo u jeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.

Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna had-laayey magaca safiirada ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in ay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay  qabs atay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.

Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour warbixin  dh eer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.

Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane  Cab diraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirk a Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada.

Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-

1. Ethiopia: Amb. Negash Kibret

2. IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim

3. Belgium: Amb. Gunter Sleewagen

4. EU ( Djibouti): Frederic Roberts

5. Finland: Amb. Leo Olsvirta

6. France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard

7. Germany: Nichael Biontino

8. Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino

9. Italy: Amb. Renzo Rosso - Alberto Vecchi

10. Netherlands: Sjoerd Smit

11. Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim

12. Uk: John Marshall, Sean Cockburn

13. Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano

14. Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu

15. USA ( Bilat )Amb. Donald Booth

16. Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert