Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo meel Fagaare ah kala hadlay jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska arrimo badana taabtay

 

 

           

Waxaa Xalay oo Sabti ah kadhacay magaalada London Galbeedkeda Shir balad han oo ay kasoo qaybgaleen Jaliyadda Somaliland ee kudhaqan waddankan In griiska, Shirkan Waxaa wadajir u qaban qaabiyay, jamciyadda kulmisa urur ada Somaliland ee Yurub (SSE), ururuka mideeya Jimciyadaha Somnaliland ee UK (SSUK) ururka bulshada Somaliland ee galbeedka London iyo ururu kale oo bad an.

Waxaa ka soo qaybgalay dad aad u badan oo ka kale yimid magaalooyinka bad an, oo isuga jiraya dhalinyaro, mutacaliimin, odayaal, ardayada iskuulada, siyaa siyiin, fanaaniin, sugaanyahanao iyo masuuliyiinta xisbiyada qaranka Somalil and.

Waxaa kaloo ka soo qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo uu ka mid yahay, Charles Tannock, MEP, Shrikan oo aan noocisa hore  ugadhicin waddankan Ingriiska wuxuu ahaa mid siweyn usoo jiitay dhamaan dadkii kasooqaybgalay hadaba Guddomiye Siilanyo oo khudbad dheer halkaas kaso jediyay ayaa waxaa kamid ahaa khudbadaa.



Dhamaan waad mahad santahiin waxaan umahad naqayaa xubnaha iyo urura da soo qaban qaabiyay xafladan, Sidaad ogtahiin Somaliland waxay ahayd  wad dan madax banan todoba iyo tobankii sanno ee udanbeeyay nasiib xumo  aduu nku namuu anqoon san lakiin waxaanu qabsanay wax badan waxbadana way naga dhiman yahiin, Shacabkayagu way dadaalayan lakiin waxaa dhiman intii dawladu dhisilahayd, Waxaanu nahay Waddan qatay axsaabta badan lakiin nasiib xumo manta dimuquradiyadii aanu kufani jrinay waxaad mooda iney genbi kasii dhacayso.


Axmed Siilanyo isagoo hadalkiisi siiwata wuxuu yidhi maanta Dahir Riyaale wux uu xukunka kali-talisnimada kaga dayanayaa wadamo Afrikaan ah, kagana  cag a jiidayo in dalka doorasho ka dhacdo, Muddadi Riyaale way dhamatay  waxa anu ilaa manta leenay waar doorasho qabo oo nala tartan oo nasiibka qaad waddanka doorashu ubahan yahee hadhacdo waxba hakabaqin doorashada ee nala tartan.


Xukumada maanta way ilowdey wayna iska deysay ictiraafkii ay kahadli jirtay waxaan leeyahay Somaliland waa la-ictiraafaya insha allah malin bay noqon qar ran aduunka kamid ah, meel kastana taas waanu umarayna Wuxuu yiri madax weynuhu tageerayasha Kulmiye ayaa London naga mudaharada'yay waxaan leeyahay tageerayasha Kulmiye iyo Xisbiga Kulmiyeba wuxuu utagan yahay ictiraafka Somaliland kamana daalayno.


Siilanyo isagoo kahadlaya Xisbigiisa wuxuu yiri Insha allah Kulmiye doorashada wuu ku guulaysanaya talada waddanka isagoo umari doona doorasho iyo  nida amka axsaabta, Waxay dadka rer Somaliland heli doonaan sharafta iyo karaamadii ay xaqqa u leeyahiin ee ay mudada badan sugayeen'.


Axmed Siilanyo wuxuu kaloo kahadlay coladaha katagan Geeska Africa iyo iney tahay in Somaliland kafeejig naato isagoo sheegay in Somaliland kufaneyso allena ugu mahad naqeyso nabad galyadeeda: wuxuu ku dheeradey tariikhdii halgankii loo soo maray xoraynta Somaliland iyo SNM tasoo uu yiri waxaanu u hurnay lasoo noqoshadii xornimada dhiig farabadan wana taas maanta meel kasta aynu kaxusayno.


Guddoomiyuhu wuxuu ku dheeradey in aan waxba laga qaban arrimaha  bulsha da sida tacliinta cafiimadka shaqo abuurka, wuxuu amaanay kalintay Qurba-joogu kaga jiraan waddanka , wuxuu wax laga naxo kutil maamay sidey  kusu gan tahay Dekeda Berbera oo ahayd mid kufilan dhamaan Somaliland oo dhan isagoo sheegay in alba bada loo labay Xoolihii kadhoofi lahana loo wareejiyay Dekeda Jabuuti wuxuu aad uga deyriyay Musuq maasuqa kajira waddankii isagoo sheegay in dhulkii danta guud maamulku sii aan sharciga wafaqsanayn u iibiyo hanti dhawre guud oo madax banana aanu jirin wuxuu shegey in uu sulin doono musuq maasuqa markay talada waddanka qabtaan.



Waxaa kaloo shirka ka hadlay mas’uul ku hadlay magaca xisbiga UCID oo si way n ug ahadlay baylahda ka muuqata maamulka xukuumada, uguna baaqaya ina doorashooyinka mar kale dib loo dhigin. Masuuliyiintii xisbiga UDUB ee lagu  casu umay shirka may iman madashii Shirku kadhacayay yadoo anay soo sheegin sababta.
 


 

 

Muniir Axmed Cigaal
Freelance Journalist
E-mail muniir10@gmail.com