Gobolka Awdal Iyo Xukuumada Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Kala War Isuma Hayaan. !

 


Awdal waxay doonaysaa waxii ay uga baratay xukuumadii inankoodu gadh wadeenka ka ahaa, taas oo naas nuujis iyo dheef gaar ah ku qabtay oo aan Gobalada kale ee Somaliland la qabin.

Hadaba, Waxaa hada Awdal gubanaya meelihii bartay macaanka aan kala go’a lahayn ee ay ku qabtay xukuumadii Riyaale, xeebaha Galbeedku waxaa laga sameeyay Dekedo suuq madaw ah oo laga masruufo dad gaar ah oo reer Awdal ah, taas uu Gobolku ka heli jiray dhaqaale gaar ah oo aan ku soo xaroon jirin khasnada dawlada, xukuumadii Riyaalena u xalaalaysay Gobolka Awd al ,waxaa Madax ay ka dhigteen oo ay geeyeen booskaas nin danahooda fuliya waa Captain Xudhuun , oo Daahir Riyaale isku reer yihiin.


Sheekadaasi way sii durugtay ka bacdi markii loo isticimaalay xeebta wadooyin khalad ah sida in laga dhoofiyo dad tahriibaya iyo in laga soo dejiyo alaab kootara baan ah oo uu xitaa hub ku jiro ilaa aakhirkii cuptan xudhuun ka soo dejiyay ONLF.

Intaas wixii ka danbeeyay xeebaha galbeedka iyo weliba gobalka Awdal waxay xukuumada go,a ansatay in ay gacanteeda ku soo noqdaan, maantana talaabada dawladu qaaday waxaa weeye in xeebaha iyo Awdalba loo diray askar badan iyo weliba tikniko dagaal oo loogu tala galay hadii reer Awdal isku dayaan in ay qalalaase abuuraan talaabo sharciya laga qaado

 

 

 

 

Ibrahim Jama
ibrahimjama2004@hotmail.com