Axmed Ismaaciil Samatar: Dhuuso Geel ma
baaqato mana urto
 

 


 

Waxaan dhegeystay doodii jimcihii BBC-da 17.12.2010 ee Axmed Ismaaciil Samater. Waxaan u mahad naqayaa shabekedda hadhwanaagnews ee intii aan dhegeysan , waxaasi doodda lagu sheegay balse aflagaadada ahayd u soo bayaamisay.

Axmed Ismaaciil Samater iyo walaalkiis Cabdi ,waa la wada ogyahay cuqdada ay qabaan ee dadkii ay walaalaha  ahaaye en ay cimrigooda ku dhammaysteen xinka iyo xaasidka ay ku hayaan. Waxaan leeyahay, "Dhuuso Geel ma Baaqato mana Uurto".

Axmed Ismaaciil Samater , oo maanta laga bilaabo aan ugu baaqayo umadda samaha jecel inay ugu y eedhaan isaga iyo walaalkiis "Waliid Binu Muqiira", waxaa uu ka sheegay mikrifoonka uu u sallaxay Yuu suf Garaad, oo la iskaga daba iman doono aflagaada iyo beenta soo socota:


1. In siyaasiga keli ah ee wadaaniga ah Somali oo dhan uu yahay Cabdirizaaq Xaaji Xuseen ( Cabdi Aba ar ), ka soo labeeyaana yahay Adam Cadde {Ubax la mood}.

2. In doorashadii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo Cigaal ee 1968 ay ku shubteen.


3. In Somaliland aaanay midnimada Somaliya ka tegi karin oo xalaal ahayn oo ay tahay inay matagaan ....... Waa yaabe.


Waxaan leeyahay Waliid Binu Muqiira , oo ahaa nin munaafaq ahaa oo been ka sheegi jiray Nebi  Muxa mmad SCWS, oo ku soo gabban jiray waxyaabo kale, ayaad la mid tahay. Waxaan ku leeyahay sidii uu Illaahay ugu jawaabay aayadihiisa ninkaasi munaafaqaahaa ayaa sidan ahaa:

"Ha maqlina mid kasta oo xaqiir ah, dhaar badane ah, dira diraale ah, xadgudbe ah, sharwade ah, kib ir-badane ah, oo weliba aan aqoon halkuu ka soo jeedo"!


Ma waxa uu dadka ka dhaa dhicinayaa in Cabdillaahi Ciise, Cigaal , Cabdillaahi Majoor, Sheekh Cali Jimca ale, Cumar Carte Qaalib, Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo kuwa kale oo badani , aanay ahayn siyaasiyiin daacad ah ...Waa la ogyahay waxa aad u kool-kooli-saan Cabdirizaaq Abaar inay tahay keliya wuxuu nebcaa dadka Reer Somliland , ee aad cuqdada ka qabtaan ..Laakiin yeel kadiin idinkaa u dhiman cuqda da uurka idiin fadhida.


Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ,uma baahna cid ammaanta ama qiimeysa ee taariikhda ayuu galay nin neceb iyo nin jecelba ... Qorraxda sacabka lama saari karo ..Bal eeg waxa uu qabtay intii yareyd ee uu Ra'iisalwaraaraha ka ahaa Somaliya 1968-1969. Waxa uu hagaajiyay xidhiidhkii dalalka deriska ah ee akhriso bayaankii Caruusha ee 1968..



Wuxuu meeqaam sare gaadhsiiyay sumcadii ummadda Somaliyeed oo keentay in xataa madaxweyne xigeenkii Mareykanku Henpheri uu soo booqdo Muqdisho.

 

Xagga Gudaha. Yaa sameeyay jidka Beledweyne ilaa Burco ee dowladdii shiinaha?! Miyaanu Cigaal so o saxeexin? Mise macallinkaagii Afweyne ee sidaada beenta badnaa ayaad u haysataa inuu keenay jik aasi...

 

Cigaal , miyaanuu sameyn Dugsiyada caanka ah ee 15ka May Xamar, 26ka June Hargeysa, Cumar Sa mater Gaalkacayo, Lafoole oo uu Jaamacad ka dhigay iyo kuwa kale...Cigaal , miyaanuu samayn Biyo g elinta Xamar, Hargeysa, Baydhabo iyo kuw kale.

 


Bal Waliid Binu Muqiirow,  car sheeg mashruuc keliya oo uu hirgeliyay Cabdirizaaq Abaarka aad buuga agta Beenta ah ka qoreysaan?...Beeni raad ma leh....

 

Waxaan ku soo gebo gabeynayaa oo Reer Somaliland iyo walaalaha kalaba leeyahay,  nin hooyadii had h u jiidi waayay habaryartii ma kaalmeeyo...Waxaan ku soo gegogabeynayaa jawaabteydan oo aan Ba hda Saxaafadda ka rajeynayaa inay sideeda u soo daabacaan: DHUUSO GEEL MAA BAAQATO MANA UR TO ......
 

 

 

 

 Idle Cawad
yaaquut3@yahoo.co.uk
Washington DC