Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Dhoofay Maanta Dalka Isaga Oo Ukicitimay Dalka China Waxana Uu Madaxweynuhu Sii Marayaa Dalka Ethiopia

 


Madaxweynaha somaliland ayaa kala hadli doona dalka China sidii uu dalka uga caawin lahaa dhinaca kheyraadka ....
   Daawo Sawiradda




Hargeysa (TNN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hugaaminayo ayaa maanta Galinkii Danbe Ka Amba baxay Garoonka Diyaa raduhu ka haadaan ee Egal International airoport ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha iyo weftiga uu horkacayo ayaa ukicitimay Dalka China ka dib markii ay marti qa ad rasmi ah ka heleen halkaasi, waxana ay sii marayaan dalka Ethiopia, oo ay joogayaan hal m aalin.

Madaxweynaha Somaliland Ayaa waxa usii galbiyay Dhanka Madaarka Madaxweyne ku xigeenk a somaliland, Gudoomiyha Goloha wakiilada iyo ku xigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano isugu jira lab ada Gole waa Wakiilada iyo Guurtida e, Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya, Aqoonyahano, Siyaas iyiin, iyo Waliba boqolaala qof oo marti sharaf kale ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu Salaan Sharaf ka Qaatay isaga oo ku sugan Mad arka Diyaaraduha Ka Haadaan ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Waliba Ciidamada Bombooyda.

Ujeedada uu ku tagay madaxweynuhu dalka china ayaa lagu sheegay in ay daba socotay xidh iidh iyo wada hadal usocday dalka china iyo xukuumada cusubi intii ay jirtey.

Madaxweynaha somaliland ayaa kala hadli doona dalka China sidii uu dalka uga caawin lahaa dh inaca kheyraadka sidii looga faaiidaysan lahaa shidaalka, Beeraha, Macdanta, Tamarta ee Wa danka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay Dalka China kala hadli doonaa sidii D alka somaliland loogu raadin lahaa Maalgashi Caalamiya , waxa sidoo kale ugu waa weyn waxya abaha ay ka wada hadalyaan labada dawladood dhinaca biyaha, Wadooyinka iyo waliba waxya alo kale oo ka soo dhex bixi karaan wada hadalada labada dawladood.
Weftiga Madaweynaha ayaa waxa ku wehelinaya Safarkiisa Afar Wasiir, Mareeyaha Dekada, Marwada koowaad ee Madaweynaha.

Isku soo wada duuddub oo Safarkan uu madaxweynaha Somaliland ku tagay Dalka China Ayaa Noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo uu ku tago dalka China tan iyo intii uu xilka Madax weynenimo ku guulaysatay, China waa dal weyn oo dihin waana dal weyn oo horumar leh waxa na la saadaalinayaa in uu wax weyn ka tari doono safarkani xidhiidhka labada dawladood isla m arkaana wax wyn laga dhexli doono haday ahaan lahad xaga dhaqaale iyo xag mashaariicaad l abadaba.



Cali-Mahdi Osman Ahmed
Mahdi092@hotmail.com
Timacade News Desk
Hargeysa/Somaliland