Ruug cadaagii Saxaafada,weriyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo geeriyooday

 

 

(TNN) - Rabbi naxariitii janno fardawsa ha ka waraabiye,waxaa magaalada Jig jigaa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday ruug cadaagii saxaafada,weriyihii caanka ahaa ee Axm ed Xasan Cawke.

Dhammaan maamulka iyo weriyayaasha shabakada wararka ee Timacade News Netwo rk,ee ku kala sugan dunida dacaladeeda, waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan qoyskii , caruurtii,ehelkii, qaraabadii,asxaabtii,bahda saxaafada iyo  dhammaan umada afka So maliga ku hadasha,geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen ,marxuum Axmed Xas an Cawke.

Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu marxuumka janno fardwasa ka waraa biyo dhammaanteena samir iyo iimaan ka siiyo,aamiin

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 



Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland