LA-TALIYAHA
MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XAS AN CARWO OO TACSI U
DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN SULDAAN BARRE SHIRE WARSAME.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga
Axmed Xasan Carw o wa xa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii,
Asxaabtii, iyo si gaar ah Beesha Isaxaaq iyo Gobalka Maroodijeex.
Suldaanku isagoo waajib qaran ku jira oo gurmad nabadeed ah ayuu
daad ku qaaday Dac ar-bu dhuq maanta 22/08/2013. Suldaanka oo ka mid
ah intaan sida tooska ah u bartay, waxuu ahaa nin firfircoon oon ka
hadhin meel kasta oo hawl bulsho iyo siyaasadeedba ta alo, nin
nabadeed oo hadal aqoona ah.
Geerida Suldaanka waxaan ka tacsideynayaa ehel, tafiir, qaraabo,
saaxibo, dawladda sedd exda Gole, Xisbiyada, Salaadiinta iyo guud
ahaan shacbiga Soomaliland gaar ahaan gobalka Maroodij eex ee uu ka
soo jeeday.
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka SULDAAN BARRE SHIRE WARSAME,
inuu Jann atul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo
samir iyo duco.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga
eci.advisor@gmail.com
http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl
http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/ |