Madaxweyne Silaanyo Oo Kormeer Kedis Ah Ku Tagay Xarumaha Dawladda
Qaarkood, Bulshadana La Qaxweeyey
Hargeysa (TNN) :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Axmed Maxamed Sil aanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda
Madaxtooyada, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka
Booliska iyo Taliyaha Ciidammada Ilaalada Madaxtooya da, ayaa
subaxnimadii hore ee saaka (16.01.2017) kormeer kedis ah ku tegay
Hay’adaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha: Ganacsiga,
Beeraha, Waxbarashada, Warf aafinta iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Kormeerkan Kediska ah ee Madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu ahayd
dardar-gelinta hawla ha Qaranka iyo u kuur-galka sida ay u socdaan
hawl maalmeedka Hay’adaha Xukuumaddu. Goobihii uu Madaxweynuhu
subaxnimadii hore booqashada ku tagay wuxuu xog warran ka dhegeystay
masuuliyiinta iyo maalmulka Hay’adaha Xukuumadda ee waqtigaa ku
sugnaa goobta shaqada ama xarumahooda.
Ugu horreyn waxa uu Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa Kediska ah ka
bilaabay Wasaara dda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Mad axweynuhu warbixin ka
dhegeystay Wasiir-ku-Xigeenka Wasaarada, Mudane, Axmed Max amuud Nuur
iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane, Cabdirashiid Axmed
Guuleed, oo uu wehelinayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane,
Maxamuud Warsame Jaamac. Ma daxweynuhuna wuxuu shaqaalaha iyo
Masuuliyiinta Wasaaradda ugu duceeyey in ALLAH ku asturo shaqada ay
qaranka u hayaan.
Madaxweynuhu waxa uu uga sii gudbay Wasaaradda Beeraha, waxaanu
warbixino la xidh iidha shaqada Wasaarada ka dhegeystay Wasiirka
Wasaaradda Mudane Maxamed Aw Daa hir Ibraahim, oo uu wehelinaayo
agaasimaha guud ee wasaaradu, isagoo Madaxweynuhu soo kormeeray
dhismayaal ka socda Wasaaradda gudeheeda oo loogu tala-galay inay
noq daan Xarumaha Shaybaadhka Wasaaradda. Ka dibna Madaxweynuhu wuxuu
booqday Was aaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waqtigii uu ku
sugnaa Wasaaradda waxa xafiis xafiis u geeyey sharraxaadna siiyey
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Mu dane, Professor Cabdi
Cali Jaamac. Madaxweynuhu waxa kale oo uu warbixino ka dhegeyst ay
Agaasimaha Tacliinta Sare iyo qaar ka mid ah Madax qaybeedyada
Wasaaradda.
Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu bahda Waxbarshada ugu duceeyey in
Alle la qabto dedaalka horumarineed ee ay ugu jiraan tayeynta
tacliinta dalka.
Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray
Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaana Madaxweynaha halkaasi
ku soo dhaweeyey Guddoomiya ha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane
Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle), oo war bixin dheer Madaxweynaha ka
siiyey hannaanka shaqo iyo shaqaalaynta ee ay Hay’addu u qabato
Qaranka iyo weliba sida ay ugu caddaalad sameeyaan da’yarta faraha
badan ee hamigoodu yahay inay ka hawlgalaan qaybaha kala duwan ee
qaranka Somaliland, wakhti gaa uu madaxweynuhu kormeerka ku joogay
hay’adda shaqaalahana waxa ku sugnaa dha linyaro faro badan oo shaqo
tag ah, guddoomiyaha oo madaxweynaha arrintaasi xog ka si iyeyna waxa
uu sheegay in uu kefed ka turjumaysa miisaanka xaqa ah ee ay ugu
garso oraan shaqaalaha ay miiska u saaran tahay, kuna qanciyaan
shacbiga inay ku taloga laan sinaan iyo caddaalad inay kala kulmaan
halkan.
Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray
Wasaaradda Warfa afinta iyo Wacyigelinta, markii uu gaadhayna waxa
Madaxweynaha barxada hore ee Wasa aradda ku soo dhaweeyey Maareeyaha
Televisionka Qaranka Somaliland, Khadar Maxamed Cakule oo isagu
madaxweynaha warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey baaxada iyo
miisaa nka ay ugu fadhido qaranka, waxaanu madaxweynuhu kormeeray
qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay isagoo mid walba is
dultaagay warbixina ka dhegeystay agaa sime waaxeedyada iyo
agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Haldoor Axmed Abokor Maxamed
iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinat Mudane, Guuleed Cabdi
Xasan.
Madaxweynuhuna waxa uu shaqaalaha iyo masuuliyiinta bahda
warfaafinta iyo wacyigelin ta kula dardaarmay inay dedaalkooda
halkaasi ka sii wadaan oo aanay is dhigan, isagoo ugu duceeyey.
Kormeerkaa Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ka dib, Madaxweynuhu
waxa uu qadar nasasho ah la qaatay qaybo ka mid ah bulshada
Somaliland gaar ahaan kuwii saaka ku sugnaa Hotel Maansoor Hargeysa,
oo uu Madaxweynuhu la qax weeyey dadweyne aan ka filanayn in
Madaxweynuhu ku soo booqdo goobtaasi isaga oon wax shaqo ama hawl
maalmeed ah ku lahayn, balse si kedis ah uun uga mid noqday
dadwe ynihii ku sugnaa gudaha Hotelka.
Dadkii ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ka dareen celiyey sida ay u
arkaan booqashada Madaxweynuhu ku yimid Hoteelka, waxaana ka mid
ahayd dadkaasi haweenay qurba-jooga reer Somaliland ah oo maalmo ka
hor dalka Norway ka timid waxaanay tidhi:
“Runtii farxad weyn ayey ii tahay maanta in aan halkan kula kulmo
Madaxweynaha kuna sa laamo aniga oo ka imid waddan fog, muddo yar oo
gaabana joogay Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay
suurto gal ii noqoto in si kedisa oo lama filaan ah aan kula kulmay
Hotel Maansoor maanta madaxweynaha oo aan salaamo farxad ayey I
tahay aad iyo aad u weyn, halkana ka maan filayn runtii meel”.
Sidoo Kale waxa isna ka mid ahaa dadkii la kulmay madaxweynaha
siyaasi Cabdilaahi Baka yle waxaanu yidhi “Meesha kamaanu filayn
madaxweynaha oo sidaanu u fadhinay ayaanu aragnay madaxweynihii
kelidii socda, waanu boodnay runtii oo salaanta ayaanu la boobnay
qolo ayaanu ku balan sanayn halkan balse tani waxay ku tusaysaa in
madaxweynuhu dadkiisa la dhaqmo oo inuu gaar ugu yimaado uu jecel
yahay, waxa kale oo ay ina tusaysaa inuu qof caadiya yahay oo goor
walba loo tegi karo lana heli karo uu yahay, ummaddiisana keer
garaynaya, waana aanu ku soo dhawaynaynaa hotel maansoor weliba
koofigana anagaa u shubayna maanta kana bixinayna”.
Isku soo wada duuboo kormeerkan madaxweynuhu saaka ku tegay
wasaaradaha iyo goo baha ganacsigu maaha kii ugu horeeyey taariikhda
balse waxa uu ka mid yahay taariikho mug leh oo uu madaxweyne
Maxamed Maxamed Silaanyo u dhigay dadkiisa iyo dalkiisa oo uu barri
ilaa galbeed tuullo iyo degmoba ku soo kormeeray safaridii
dhaadheera uguna waa-weynayeen safaradii Hilaaca Xeebaha, Buur iyo
Banaan, safarkii xaalada abaaraha ee la magac baxay Tabantaabo, iyo
kormeero iyo socdaalo tiro badan oo uu ku gala bixiyey guud ahaan
Dalka.
Ma aha markii ugu horaysay ee uu Madaxweynuhu Xarumaha Hay’adaha
Xukuumadda iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto soo kormeero ee waxa
ka horeeyey kuwo taariikhda ku suntan oo uuu ugu horeeyey kii
2010kii uu Madaxweynuhu markii uu talada dalka la waree gay uu ugu
kuurgalay xaalada wasaaradaha dalka loogu shaqeeyo iyo qaab
dhismoodko oda, waxaana ku xigay kuwo dhawra. Ugu danbayn waxa uu
Madaxweynuhu ku soo laabt ay Xafiiskiisa oo uu ka sii watay saacadaha
uga hadhay shaqada xafiiskiisa.
WA-BILAAHI TAWFIIQ
Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL
|