WAR SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dha mbaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-

Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kaloon aaminsanahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena Dal uu noqondoono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada.

Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aan u Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.


 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.