Indhawaydba maansada ma ulan, lay astayn jiraye
Uurkayga waataan ka jaray, tixaha alifidoodiiye
Unugeynta geeraar xamsaw, eed yar baan dhigaye
Idayaay markii ay tagtaan ooday hibadiiye
Abeesaw mareegaha u nacay waa abwaan culuse
Wariyaha agnaanka a markii agabka loo dhiibay
Idaacadaha markii loo fasaxy kaan waxka aqoonin
Isaguna dhigiisiyo midhyare ababshay uu faanshay
Inyar garadku maantuu waramay buu afkii goaye
Iga geedu waa waxa kharibay awyo-faro wayne
Abdo malaha heesuhu hadaan loo ishaar togane
Afar laha xigtiyo baa makalay eegatiyo tuuge
Budhcad ereygu waa kaa xayiray ararahaygiiye
Inta gabayo uurdooxu jiro aamuskaan bidaye
Inaan awdo baa iga goŽnayd waana la ogaaye
Maanta dantaa odho ilee maba idhaahdeene
An afuufo waataad inbadan iga filayseene
*****
Sibiq ereygu ii gama tagee waw abtiriyaaye
Anoo iimatiray baan tirshaa tii aqiibo lehe
Sida ubaxa dayrtay iftaa jiifto aan idhiye
Maqal abu hurayrow murtida waan adimayaaye
*****
Ibtilada inkaaraha jiriyo garasho eedaadka
Dhaqan ololka ayaaha gubtiyo abaso haaneedka
Inxun tabinta erey laga nixiyo iimo xadaynta
Is wareenka eebada suntaŽa oofo ku wareenka
Edeb dilanka anshax iyo xayiyo samo agoomaynta
Il adayga asluub xoorka hidaha aadyar ka carawga
Aayada quraankiyo xadiis amaradii diinta
Meel lagu asteeyiyo hadii udubka loo saaray
Hadaan laga ajoon wuxuu eebe naga reebay
Alleylehe dadkaan hadlayaw waad il daran tiin
*****
Afartaa karkii uurka jiray ooda maka qaaday
Sida aar hamaansaday miyaan uurka ka higooday
Arin igu cuslaa iyo dantii uunka ma u sheegay
Ubucdiyo xaqiiqdii miyaan oogta ka cadeeyay
*****
Afar kalana waa qoon buktiyo midaad iloowdeen
Markay garasho iimawda ee iiilka lagu weecsho
Cadli laysku oofshiyo haduu qodobku aafoobo
Inta lagu arooree hidaha loo abshaxan sheegto
Aqal iyo abloo raaco, iyo haday odayo baasawdo
Arimaha dhexdeeda ah markay oofin kari waydo
Ibtilada kusoo maqan ah haday oolin kari waydo
Albaqriyo watiin iyo duxaa ereyga yaasiinka
Baryadii ilaahay markay oogi kariwaydo
Agoonteeda maantay qubteey eegan kari waydo
Ugubkeeda guudkale markay soo asturi waydo
Danyarteeda awdal markii loo arxami waayo
Edeb iyo aqoon haday diin akhriyi waydo
Ambataye haday fool luntooy eri dhabyoonayso
Umadiba waxay hoobataa, markay gadato iimaanka
*****
Onkod dhacay hilaac oogta shiday fadad awaareeyay
Sagal ooda goostiyo gudgude awlaxyada qaaday
Anqad baxay danabkoo adimay danano ugaamay
Daadkoo arlada soo xawilay oodo waxa yaalay
Mayay goo aroor curtoo oosha wada gaadhay
Ufo dhabatay gufaaciyo dabayl mawjad ololaysaa
Sida aar hamaansaday miyaan uurka ka higooday
*****
Ma asturay ma aymaray tixaha iimo ma u diiday
Ma afjaray ma awdalay sarbeeb ooda ma u yeelay
Ma alwaday ma oogsaday miyaan ololay-yoon reemay
Ma irkaday iliishii naxwaha iyo adhaxdi suugaanta
Ma abaarey eeshiyo halkay ubucdu sii taalay
Uhdii iyo miyaan weedhsamaw aagag culus taabatay
Afartaa intaan dhigay murtida udubka maw taagay
*****
Afarkalana waa qoon buktiyo midaad iloowdeen
Ugbaadkiyo caleentiyo dhirtaa teedsan agahaagu
Ayy meesha taaliyo ka dheer taydun aragtaane
Dawo oonka biisa kutaal ubaxyadoodaase
Manka oogadooda biyaha soo unkoo heleŽe
Laamaha asoolaa hawad eega oo saxaŽe
Cirka ibo ku yaaliyo dhirtani waa ilma adeere
Ilaahii sameeyaa u dhigay waana amarwayne
Dhibic aanay deegaantu ulan eeday laga qaadaye
Geedkaa engegay waa biyo ka goŽan dayrti imanlayde
Ha ugaadhsan geedaha ayaan omosku dheeraane
*****
Arimaha ilaahay ka dheer taydun aragtaane
Hadii aad unuunkiyo jartaan adhaxdi deegaanta
Afka iyo mugiisiyo hadaad dhuunta ka ilmayso
Oon dhaxalkii loo aabo dayin aayihiyo moodka
Abley loogu xiiriyo kulayl uumi iyo moofo
Olol iyo hadii aad badeen guditan loo iishey
Oo aad galoolkiyo gubteenn geedsankiyo aadka
Adigaa abaaraha wacdee dharaqso uus miirka
*****
Danab awle anqad iyo gariir aad u dananaaya
Ufo dhabatay asqo iyo dabayl mawjad ololaysaa
Afartaa karkii uurka jiray ooda ma ka qaaday
Sida aar hamaansaday miyaan uurka ka higooday
Arin igu cuslaa iyo dantii uunka ma u sheegay
Ubucdiyo xaqiiqdi miyaan ooogta ka cadeeyay
Ma asturay ma aymaray tixaha iimo ma u diiday
Ma afjaray ma awdalay sarbeeb ooda ma u yeelay
Ma alwaday ma oogsaday miyaan ololay-yoon reemay
Ma irkaday iliishii naxwaha iyo adhaxdi suugaanta
Ma abaarey eeshiyo halkay ubucdu sii taalay
Uhdii iyo miyaan weedhsamaw aagag culus taabatay
Afartaa intaan dhigay murtida udubka maw taagay
Afartaa intaan dhigay murtida udubka maw taagay
*****
Afarkalana waa qoon buktiyo midaad iloowdeen
Ugurida iniinyaha midhuhu waa cilaad adage
Marna aabo geed kale dhaliyo waa ayeey dhab ahe
Marna waa anfaaciga cuntiyo oomatiyo quudee
Marna waa adeegsiga hubkiyo aarmigaa culuse
Marna waa aloolkiyo kabdaha aqaladeenaase
Marna waa ardaa lagu hirtiyo edegyo waawayne
Marna waa intii lagu kiciyo awr kabaaladaŽe
Marna waa itaashiga dantiyo oosha wehelkeede
Marna waa ilayskaa bixiyo nuur iftiin badane
Marna waa ildoogsiga naftiyo shay udgoon badane
Marna waa aqoolada jarjaran ila xidhkoodaase
Ha ugaadhsan geedaha dalkoo yay aradin beeshu
*****
Afarkalena waa qoon buktiyo midaad ilowsdeen
Indhaheena oo shana dadkii ayda dabar gooyay
Indhalaha bulshiyo bay jareen eel xanuun badane
Irbad waxay ku taagneed wadniyo aag halbawleŽahe
Indho qaran ku leeyeey rideen waanad aragtaane
Ugbaad dhadhiye, asal dooriyiyo eebo ku halgaade
Bir afayste ubax qaadhiyyo uunka halakeeye
Orgobaha cadaawaha maskee aburka sii daaya
Dhuxulaha aboorkiyo dilaal dhaxalka iibgeeya
Danta oloka lagu soo shidiyo aaye danbasoobay
Haka iibsan waxay iibiyaan waa iimo kugu yaale
*****
Afartaa karkii uurka jiray ooda maka qaaday
Sida aar hamaansaday miyaan uurka ka higooday
Arin igu cuslaa iyo dantii uunka ma u sheegay
Ubucdiyo xaqiiqdii miyaan oogta ka cadeeyay
Ma asturay ma aymaray tixaha iimo ma u diiday
Ma afjaray ma awdalay sarbeeb ooda ma u yeelay
Ma alwaday ma oogsaday miyaan ololay-yoon reemay
Ma irkaday iliishii naxwaha iyo adhaxdi suugaanta
Ma abaarey eeshiyo halkay ubucdu sii taalay
Uhdii iyo miyaan weedhsamaw aagag culus taabtay
Afartaa intaan dhigay murtida udubka maw taagay
*****
Afarkalana waa iin bukhtiyo midaad ilowdeen
Urdun iyoi baxrayn iyo dubaay amase iiraanba
Abuqaalka geedaha ku baxay waad ogsoon tahaye
Saxarahii awaaraha lahaa ay-yo lagu beery
Iyagoo kuwoodaa dhaqeey keena oloshaane
Idhankiyo dhuxushii ka timid geedkan agaheena
Eedyar baa maraakiib lagu raraa aad u dhumucwayne
Una dhoofe wadamada qalaad waa Ah iyo ciile
*****
Dhirtii ubaxa fiiliyo lahayd quruxda aad yaabi
Dhirtii ooda laga goosan jiray oosha lagu dayro
Dhirtii arinka lagu goosan jiray amaradii beesha
Dhirtii odaygu dooyaysan jiray eexda ka fogaaday
Dhirtii ii ahayd difaaciyo hub iyo ciidan I ilaasha
Dhirtii ulo madheedh iyo lahayd uduga yaaquudka
Habda inan carbeed ku shiday shiishad la afuufo
*****
Caro edeg hadii aad ogtiin eega waxa yaala
Iridaha hargaysiyo burciyo awdal iyo saaxil
Ilaamaa awaar iyo kobaha iimey iyo dacalkeeda
Albaabada buŽaaliyo wardheer dhinaca uubaale
Afgooyiyo jamaamiyo wajeer adhaxda mooyaale
Idilkeed jabuutiyo dhulkaad aad u garanayso
Ido dixida daaqiyo loŽdiyo ayro nirigteeda
Gurgurshaaga awrkiyo fardiyo gaabanaw adhiga
Inta edeg la geeyiyo xeriyo oodo lagu dayro
Iyo aadmi wuxuu dheefsan jiray aadu baa helay
*****
Inta iligu kuu maanka yahay waad ildarantiine
Aduunyada hanbaa lagu kacaa loo ujeed dhigoŽe
Waayaha adkaada waxbara aadmigi jirae
Ibtilada su"aalbaa ku ladhan aanad dhuganayne
Qof inkaray xalkiisaa is dhigay goob ayaandarane
Adaa iilka seexdee warlaay laguma aaseene
Adigoo xilkaagii gabaad hadana eersataa qoloŽe
Aqli keenso ugaasbaad u noqon uunka gabigiise
|