Awdal Oo Aan Laga Dareemin Diyaar garowga Xuska 18-ka May, D hagahana Ka Furaystay Fariintii Madaxweynaha Iyo Dareemada Lala Xidhiidhinayo

 


Gobolka Awdal Lagama Samayn Guddida Qaban-qaabada Xuska 18-Ka May


Boorama, May 11, 2011 (TNN) – Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama ayaan haba yaraatee laga dareemin diyaar garowga xuska 20 guurada ee ka soo wareegtay xiligii lagu dhawaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Somaliland ee 18-kii May 1991-kii.

Diyaargarowga maalinta Madaxbanaanida qaranimada Somaliland ayaa si weyn looga dareemayaa qabanqaabadeeda gobolada iyo degmooyinka dalka ee Somaliland, gaar ahaana Caasimada dalka ee Hargeysa, taas oo dadweynuhu si mug leh ugu diyaar-garoobayaan weyneynta maalintan.

Hase yeeshee Magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaanay ka socon wax qabanqaabo iyo diyaargarow ah oo loogu jiro xuska maalinta qaranimada Somaliland oo ku beegan Arbacada todobaadka Soo socda.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Haashim Goth.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan soo saaray fariin ku aadan u Diyaargarawga 18-ka May ee ku beegan 20 guuradii ka soo wareegtay wakhtigii dhidibada loo taagay Jamhuuriyada Somaliland.

Fariinta Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay shacbiga Somaliland oo ahayd in si baaxad leh looga qaybqaato, Isla markaana loogu diyaargaroobo sanadguuradan oo maalmo koobani ka hadhay ayaa waxa ka muuqata gobolka Awdal diyaargaraw la'aan ku saabsan dabaaldega xuska 18 May, taas oo lagu sababayn karo dhawr Arimood oo ay ka mid yihiin hadalhayn la'aanta dadweynaha iyo masuuliyiinta maamuulka Gobolka Awdal, Kuwaas oo aan weli qaadin talaabo badhitaageeraysa fariinta Madaxweynaha ka soo yeedhay.

Ta kale ee lagu sababayn karo ayaa ah in dhawaanahan laga dareemayo Magaalada Boorama mucaaradad la xidhiidha xukuumada cusub, taas oo u muuqata in kalsoonidii shacabka goboladan ee dhanka dawladda ay hoos u dhacday, isla markaana ilaa iyo hada Gobolka Awdal lagama samayn Guddi qaban qaabo oo u xilsaaran qabanqaabada dabaaldega xuska 18-ka May, sidaa si la mid ahna guddida Qaranka ee loo xilsaaray xuska 20-guurada ayaan soo gaadhin gobolkan, waxa kale oo jirta in Siyaasiyiinta metela goboladan ee kaga jira dawladda dhexe marka ay safaro ku soo gaadhaan gobolka ay ula yimaadaan Muusanaw iyo Arimo kale oo niyadjab ku ridaya shacabka.

Magaalada Boorama ayaa mudooyinkii hore xafladan looga xusi jiray Gaardis iyo Gaado ka ciyaar ay ku maraan khayriyada magaalada qaybaha ciidamada ee kala gedisan, xafladana waxaa loo malaynayaa in ay la mid noqoto xafladahaas hore ee shacabku daawanjiray Gaardiska ciidamada oo keli ah, isla markaana aanay jirin masuuliyiin ka socda dawladda dhexe oo shacabka goboladan kala qaybqaata dabaaldegyada qaran, isla markaana u sheega waxqabadka xukuumada ay ka tirsan yihiin iyo kutalogalka xukuumadu u qoondaysay bulshada goboladan ku dhaqan mustaqbalka.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxay dad badan oo ku dhaqan goboladani isweydiinayaan Fariinta Madaxweyne Siilaanyo ma waxay ahayd mid cid gaara iyo gobolo gaar ah ku socotay? Arinta muhiimada u leh Somaliland dabaaldega 18 may ayaa waxay tahay sida looga dabaaldego gobolada darafyada Somaliland oo inta badan loo tirinayo in ay qabaan Saluug dhanka saamiga ah iyo in laga xigtaysanayo ama laga sheeganayo dawladnimada Somaliland, taas oo loo baahan yahay in si Qaranimo loo xuso indhahana loogu eego, isla markaana dalka gudihiisa iyo dibadiisaba laga fogaado xus aan u dhicin si Qaranimo, taas oo noqon karta meel cadawga Somaliland ka soo weeraro dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland.

Source:Haatuf