Arki jirey, maqli jirey

 

 

Qoloqoladan loo degey kama dhalan dadwenaha daadihiyayaashu maamulkay ku duran yihin”. Maxamed xaashi Dhamac (Gaariye)


Akhristow sheekadan waxaa ii soo gudbiyey weedh-xayir, war-xayir amma war dadabe kolba kaad u taqaano. Wuxuu soo akhriyey wararkii ugu danbeeyey ee xaadhimaha internet-ka lagu faafiyey todobaadkan.


Sida aad warbaahinta ka aragteen waxaa jira shir beeleedyo bulshada Somaliland mid waliba gaar keeda iskugu habar wacanayso, oo la doonayo in xusbiyadii jiray looga diga rogtey hab beeleedkii hidaha iyo dhaqankeena aan u lahayn, islamarkaana aan kuwa hor leh cidina u furan.

Waxaa todobaadkan innagu soo fool leh, ka dhici doonaa magaaladan London shir ay iskugu imman ayso, beesha Saaxiiliyada oo udbaheedii iyo dhigaheedii wadata.

Shirkan oo la leeyahay coofaadh iyo heeliyo loo kala hadhi maayo, waxaa hormood ka ah baa la yi dhi qaban qaabadiisa la taliyayaasha Madaxweynaha ee beesha, xildhibaanadeeda, culimadeeda, aqoonyahankeeda, gancsatadeeda rag iyo dumarba iyo weliba Gud. ku xigeenka xusbiga UDUB iyo Xubnaha beesha ee ka tirsan golayaasha dhexe ee sedexda xusbi qaran, iyo dabcan odayaal dhaq ameedkeeda oo daadihiyayaal ka ah.

Shirkan oo ujeedooyinkiisa lagu qeexin warbaahinta, qarsoodi ma ah ee waxaa Xaadir ah TV-ga HornCable , waxaa la tuhunsan yahay in la taliyayaasha soo qabanq aabiyey ay M/weynaha adha dh ka haystaan oo sheekadu qaybi oo xukun tahay oo ay sidaa ku heshiiyeen oo ay isla ogyihiin, a mma ay dareemeen in uu hab beeleed M/weynuhu wax ku maamulayo oo ay la ficiltamayaan, oo xayntooda intay goori goor tahay isku dubaridanayaan. Waa yaabka yaabkii.

Waxaa kale oo jirta in shir aan loo kala hadheen hal iyo awrtoona ay beesha ina Ceergaabo isla ma rkaana ah ah ina Burco, islamarkaana ah ina Hawd , islamarkaana ah ina Salaxley, islamarkaana ah ina Hargeysa, islamarkaana ah ina Saaxil ay isku habar wactay oo ay shirkaa Saaxil shir la mid ah loo qaban qaabiyey. Shirkana waxaa hormood ka ah qabanqaabadiisa shirkaa Saaxil inta soo qaba n qaabisay dhigooda. Madaxda soo qaban qaabisay waxaa la tuhunsan yahay in ay UDUBsan tah ay oo Qaramaysan tahay oo UCIDeysan tahay.

Waxaa kale oo intaa wararku ku dareen in Chief of Staff Mr. Xirsi, oo ka soo jeeda beesha beelaha kor ku xusan u dhiganta ee ina Togdheer, uu ku sugnaa magaalada Burco todobaadkan isaga oo b eesha ku wergelinayey baa la yidhi in ay diyaarsadaan jaanleefahooda, midiyahood, madiilahooda, tooriyahooda, galxadkooda, bilaawahooda, warmahooda iyo eebooyinkooda, laakiin qoriga iyo ras aastu ay reeban yihiin, isla markaana la socdaan shirarka iyo dhaqaaqyada beelaha kale. Wuxuu u sheegay beesha ayaa la leeyahay in aan shirkii Gar adag shir uga danbayneyn, go’aankuna kii yah ay, weli laga midaysan yahay, hawluhuna sidii loogu talagalay u socdaan. Haddii loo baahdo shir ka le wuxuu noqon doonaa shan sano ka dib iyo cala laheeda.

Mar la weydiiyey maxaa u dhexeeya dawladii UDUB ee hore iyo tan uu ka tirsan yahay ee Kulmiye?

Wuxuu ku jawaabey wuu cad yahay faraqa u dhexeeyaa labada dawladood. Tii hore waxay ka duu leysey habka saami qaybsiga (Share holders) oo beelaha yaryar iyo kuwa waaweyniba saami bay ku lahaayeen inkasta oo la kala badsanayey oo dhabtii libaaxa iyo xusbiga UDUB saamiga ugu bad an lahaayeen. Habkani oo ay ku shaqayso shirkada Qaran oo aad la socotaan in dad badani saam iyo ku leeyihiin.

Dawladan Kulmiye waa ganacsi keliyaale (Sole trade) waa sida shirkada Dahabshiil oo kale oo ku tanaaday saami qaybsi la’aanta. Beelahan iska dhex doon doonaya iyo xusbiyaduba may garan ha bka dawladan cusubi ku shaqaynayso.

Mar kale waxaa la weydiiyey furashada xusbiyada maxaa laga yeelayaa?

Habka dhaqankeenu inna furayo, diinta islaamkana waafaqsan tahay, waa habka beelaha ee aan hidaha iyo dhaqanka u leenahay oo weliba lagu fadhiisiye xikmada ah iyada oo aan lab iyo dhidig la kala soocayn: “Habeenkiina waa habar habar, maalintiina waa oday oday”. Waxaa dawladu xoojine ysaa shirarka beelaha sidii kii Garadag ee guulaha waaweyn u soo hooyey Somaliland. Berigii hore shirarka beelaha qaarna way la xishoon jireen, qaar way ka faani jireen, qaarna qarsoodi buu ah aa. Immikase shaaca laga qaadayaa, go’aamadoodana warbaahinta lagu faafinaya. Markay beela ha kale qabsadaan shirkii Gar adag oo kale waxba la isla diidi mayo. Xusbiyadu way jiri doonaan ma gac ahaan si loo raali geliyo deeq bixiyayaasha ku hawlan meel marinta dimoqraadiyada.

 

 

 

 

Hamud Duale