Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Dayn Ayuu La God galay

 

   

Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland
 


Diyaaradii lagu soo qaadey Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal anaa bixiyey markii Wasiirka Maaliyada la ii magacaabey, waan naxay, cusbitaalkii la dhigey ( marxuum Cigaal) anaa bixiyey dayntisii, hadaladaa qalafsan waxa ku hadley Wasiirka Maaliyada ee Somaliland.

Waligay qof uga maan jawaabin warbaaxinta noocuu doona ha ahaa dee, balse waxa kalifay in aan Wasiir Cawil u jawaabo hadalada damiir la'aanta ah ee ka soo yeedhay ninkaa xilka dowladda loo igmadey.

Maalinba waxaad warbaaxinta kala duwan kala kulmeysaa dhacdooyin la yaable oo ka soo yeedhaya raga xilka dowladda kahaya – waxaana warbaaxinta ku arki jiray canbaarayn dusha laga saaro inta nool mucaarad iyo muxaafadba, balse tani waxay noqotey dhacdo la yaable (This has become an outlandish incident, which prompted my angry reaction) oo kaliftey in aan ka jawaabo hadalkaa ka soo murqamey Wasiir Xuseen Cali Ducaale oo uu wax kaga sheegayo Marxuum Mohamed H. Ibrahim Egal Alle ha u naxariistee – isaga oo mucaaridka kutafaya ( as he was taking a dig at the opposition political parties) balse aan miisaamin hadalka uu jeedinayo( he failed to weigh what he has going to say) iyo maytida uu soo akhiro toosinayo isaga oo muujinaya nacaybka iyo buqdiga gaaxdey ee uu wali u hayo marxuum Mohamed H. Ibrahim Egal( The Father of Nation) oo uu ku sheegey in uu Marxuum Cigaal LA DHINTAY DAYN LAGU LEEYAHEY OO UU KA BIXIYEY Cawil waa sida uu ku andacoonayee oo uu sheegey diyaaradii marxuum siday ay ahayd muxawil (Engaged) cusbitaalkii la dhigeyna uu ahaa dayn.

Waxaan shakhsiyan aad iyo aad ula yaabey( I was personally shocked to the core) naceybka Wasiir Cawil uu wali u hayo madaxweynihii ugu fiicnaa ee Somaliland soo mara( The only best head of State Somaliland ever had) hadii ay noqoto dhinaca nabdeynta iyo hormarka kalaba , Wasiir Cawilna anuu noqdeen Wasiirka Maaliyada ee uu ku naaloonayo isaga la'aantii ( waa marxuum Cigaale) maxaayeeley madaxweyne Rayaallahan ku magacaabey ee aad ku raali galineyso cayda marxuumka ku- xigeen buu u ahaa meeshana sidaas baad ku timid. Hadaba waxaa fajiciso iyo amakaaba ah in Wasiir Cawil kala saari waayo dadkii noolaa iyo kuwa maytida ah.

Daynta aad sheegtey in aad bixisey hadiiba aad bixisey aan taada kuu raacee waanad bixine, waxay tani natuseysaa in aad Hantida Qaranka u haysato wax aad adigu leedahey( you treat the State fund as your private domain).

Cawilow waxaan hadaba ku xasuusinayaa in dayntaa aad sheektey in aad adigu bixisey cid waliba ogtahey in aanad bixin markii la bixinayeyna aad meelahaa iyo Nairabo mee hanaabeysey ( you were languishing in Nairobi and the like) – waxa dayntaa la baxiyey sida uu Prof: Maxamad Siciid Gees uu ku sheegey xusuus qorkisii ku soo bixijirey wargeysaka Jamhuuriya markii ay diyaaradii marxuumka sidey ay timid madaarka BerBera, adiguse halkeed joogtey maxaad se ahayd markaa?. (Your cobblers cannot indoctrinate us to believe).

Cawilow naga dhaadhicin meysid beenta cidwaliba arkeyso dumarka iyo carruurta u sheeg baa lagaa yidh.

Cawilow xumaanta gaaxatey ee aad wali u aheyso Marxuum Cigaal ma waxaad wali xasuusan tahay markii Marxuum Cigaal Alle ha u naxariistee kaa mamnuucey in aad xilka qabato Somaliland inta uu isagu nool yahay ( I think it is still fresh in your mind when you were declare)
 

 

 

 

By: Mukhtaar Maxamed Abby