Marwada Koowaad Oo Badhasaabada Iyo Maayarada Dalka Ugu Baaqday Inay Wax U Qabtaan Bulshada


 


Hargeysa (TNN)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina sh. Maxamuud Jirde (Aamina War is) ayaa maanta ka qeyb gashay xaflad lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada oo  Badhasa abada Gobolada dalka qaarkood lagu gudoon siinayay qalabka xafiisyada iyo agabka  nadaafadada.wax aana qalabkaasi ugu deeqday Ha’yada Caritas.

Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Maayarada iyo Guddoomiyeyaasha gobolada Maroodijeex, Togdheer, Ooddweyne, Saaxil, Billi-Gubadle , iyo kuwo kale.

Madaxda Hay’adda Caritas ee Somaliland Marwo Nuura C/laahi Magan oo ka hadashay furitaankii  xafla daasi ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeddada qalabkan oo ka kooban qalabaynta xafiisyada maamulka gobolada Degmooyinka, Computerro, Mishiinada dabka dhaliya, kuraas, Keeriyoonayaal, qalabka wacyi gelinta iyo agabka lagaga shaqeeyo nadaafadda in ay ugu talogaleen sidii kor loogu qaadi lahaa  masuu liyadda hawlaha maamul iyo waxqabad ee gobolada iyo degmooyinka ay xilkooda hayaan, loona baahan yahay inay ka muuqdaan midhaha deeqdaasi.

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, oo ka hadashay xafladaasi ayaa uga mahad celisay Ha’yadaasi deedqan qalabka xafiisyada iyo kuwa nadaafada iskugu jiray ee ay ugu deeqday xafiisyada Badhasaabada iyo Maayarada magaalooyinka dalka qaarkood.

Marwo Aamina Waris waxay u soo jeedisay Badhasaabada iyo Maayarada Magaalooyinka inay dedaal u galaan sidii ay u muujin lahaayeen wax qabad kor loogu qaadayo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje) iyo Duqa Caasimadda Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa ka mahad naqay wareejinta deeqdaasi, iyagoo xusay inay qeyb ka noqon doonto fududaynta hawlaha bulshada ee ay hayaan.



Source: Somaliland.Org