Alla Reer Awdal Dood Xumaa !!!!!!!!!!!!!!

 

Waxaan doonayaa in aan in yar maanta ka idhaado shacabak Awdal oo noqday hadal haynta wargaysyada somaliland .Horta ka hadal ismaan lahayn, lakiin markaan dooda reer Awdal ark ay, baan maanta qalinka u qaatay,waxa aan doonayaa su aalo aan naftada waydiiyey in aan halkan ku soo qoro maanta


Waxa aan naftada waydiiyey !!!!!!!!!!!!




1. Reer Awdal miyaan hore cidi uga dhiman jirin ?

2. Reer Awdal se miyaanay hore u soo gelin dagaal lagu hoobto ?

3. Reer Awdal miyaanay is qaban, ma isku wad caqli baa ?

4. Reer Awdal hanjabaadan ay Silaanyo la  hortaagan yihiin iyo xukuumadiisa, maxay taariikh da Soomaaliyi sheegato dhinac uga qormi wayeen haddii ay Halyeeyo leeyihiin ?

5.Reer Awdal afarta marxuun ilaahay haw naxariistee, ee ay meel walba la taagan yihiin dad kii laayey baa Siilaanyo soo qaban waayay, maxay markii Daahir Rayaale joogay ee arinkuna qoyanaa , u wada qaylin wayeen ,muuxuse Daahir ugu soo qaban waayay?

6.Ta kale dadku waa is dilaa oo maalin keliyaa Garxajis 70 iska dilay sanadkii 2006 kiiye, oo sh alay ahayde afartan marxuun,  ee Saamroon oo dhami la qaylinayaan ,miyaanay wali aasin oo dibadday u yaalin maydkii,  ilayn waxani qaylo ka badane, waaxan ku soo gaabinaya su'aalah ayga maanta aan soo qoray ta ugu danbaysa oo ah

7. Reer Awdal ma ogyihiin dadku in uu is idilo, oo hadana la heshiiyo ,reer Awdal miyaan cidiba la dagaalamin berigii habar habarta ?

Ta kale reer Awdal,  hadii ay ka maarmi la yihiin Afartii Marxuun,ilaahay   naxarista jano ha ka warabiyee , intay barooranayaan , oo marba Calan qaadanayaan, may wax dilaan ama wax is ka celiyaan,  ama naga aamusaan dee ?

Waxa aan leeyahay anigu waxaa aan idiin arkaa in aydaan is dhaamin oo wallahi hadii aad sid an tihiin ,xaga aad somaliland ka xigtaan dabayl baa ka xigta, anigu waan idin aqaandee , wali giin maalin baad tariikh yeelateen ,oo malintaa  ilaahyba idiin keenay tariikhdaa oo waxay ah ayd 1993 , markii shirkii Somaliland laydin ku qabtay.

Car maalin kale sheegta waligiina ninba idinka dhashay oo waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Laba tole , oo halyeey ah Somaliland soo maray , hadii aad naf leedihiin malinkii halyeeyadii SNM soo direen ,ee yidhahdeen orodoo  reer Awdal ciidan ka soo kaxee, Siddeed Nin ,kumaydaan  soo darteen , ee ama waad wada diidi lahydeen ,ama wax muuqdaa us oo dhiibi lahydeen, malink aas oo ahaa malinki magacu u baxay Muj kaa cabdiraxmaan .

Markaa reer Awdal anigu la yaabi maayo caqligoodaa kaas ah maanta in aad tidhaahdaan Taliye Xudhun baa la eryay ,uma dulqadanayno waanu muda haradaynaa,  ilyar foqol ilyar, Nuux Taaniba ka danbeeyey uma dul qadanayno , nimanbaa la laayey uma dul qadanayno,cad kayagiiba maqan uma dulqadanayno ,siyaasadiinuna maha Taliye Xudhunba la eryay ,ee waa Nuux Taani oo aanu qabiil ahaan col nahy baa erigiisa ka danbeeya ,saad u wada hadasheen ba.

Reer Awdal timirbaa laf ku jirtee ,dee iska badheedha shacabkani waa idin fahmayaa cida aad ku kacsan tihiina maha Somaliland ee waa reer Hargaysee iyo shacabka Gabilay degee,  waxa la yidhi Sakaaro Saalo la arkayayay qarisaa !!!!!!!!!!!!!!!!!!

Ama dee dhaha reer Gabilay baanu uga tegaynaa Somaliland , taariikh xumaday idiin ku biiray saaye ,kolba laydina yeelimaayo, lakiin dee foolxumo idiinku filan. Horta anigu ma ihi reer Har gaysa ama seddexda Gobol ee Galbeed toona, mana ihi nin maanta siyaasad idin kula hadlaa ya, lakiin waxaan la yaabay mawqif xumadiina aad meel walba la tagan tihiin ama Mareykan ha ahaato ama Qaradda adduunka ha ahaatee ,adduunka lama arag Quruun dhan ,oo aan wa x si fiican u hadlaya lahayne .


Waxaana idiin kula talinayaa, walaalyaal idinkoo rag is haya, hadana sidii nin loo hadlaa, waxn a la qaataa ,waxna la didaa, mamulka hada Dalka ka taliyaana ,waxba ciidda haysku marinina ee boogta caadi u taabta
 

 

 

 

Sanaag Bilicdii Bari
Email: ooge_7@hotmail.com