BAROORDIIQ

انا للة وانا الية راجعون

 

Marxuum Ali Muse Elmi

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar, xaaskiisa Ruqiya Xasan iyo carruurtooda oo deggan magaalada Bolton ee dal ka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan; dhammaanba tafiirta reer Cali Muuse Cilmi oo ku baahsan daafaha caalamka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Wajaale, iyaga oo ka tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee aabbo Cali Muuse Cilmi oo maalintii Salaasadii oo ay bishani Diisambar a hayd 15ka/ 2020ka ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska.


Waxayna baroordiiqdaasi si gaar ah ugu dirayaan: ubadkiisii iyo tafiirtooda iyo dhammaanba ehelada kale e e ku sugan dalka Somaliland iyo dibadiisaba - waxayna si gaar ah uga tacsiyaynayaan; walaalkood Injineer Maxamed Cali Muuse iyo reerkiisa oo deggen magaalada Ottowa ee dalka Kanada (Canada).
 
Waxayna Ilaahay ka baryayaan, in uu aabbe Cali Muuse geeyo jannadiisa Firdowsa; ubadkiisa, ehelada iyo asaxaabtana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 


 

Allahayoow Aamiin

 

 


 

TACSI TIIRAANYO LEH , MARXUUM ALI MUSE ELMI,OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA LONDON EE CARRIGA INGIRIISKA

 انا للة وانا الية راجعون

 

Marxuum Ali Muse Elmi

 

Dhammaan hawl wadeenda shabakada Wararka ee TIMACADE NEWS NETWORK TNN, ee ku kala sugan  dunid a daafaheda,waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u dirayaan Mulkiilaha,Webmaster & Tafatiraha Guud,Eng. Mohamed Ali Muse,oo Aabihii Ali Muse,oo maalintii Salaasada,15 December,2020,xaqu ku yimid,kuna geeriyo oday magaalada London ee carriga Ingiriiska.Marxuumka,Ali Muse Elmi,ayaa waxaa uu ka mid ahaa Mujaahi diintii Tacabka,Maalka & Daawooyinkaba ku bixiyey ,dib u xoreyntii Somaliland,isagoo waqtigaa deganaa dal ka Saudi Arabiya.

Waxaan sidoo kale tacsi u diraynaa qoyskiisii,walaaladii,ehelkii,qaraabadii,xigaalkii,gacalkii, asxaabtii & guud ahaan shacabka Somaliland, ee uu  marxuumku ka baxay.Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu ma rxuumka, naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaaf u fidiyo, iilka u nuuro, neecaw udgooniyo , ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan saadiqa innaga siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin.
 

 

 

 

BAHDA TNN