Shahaado Abaalmarin Ah Oo Maanta La Gudoonsiiyay Wariye Axmed Siciid Cige, Daawo

 


Hargaysa,(TNN)- Gudiga Kamooshinka Qaranka ayaa maanta shahaadad sharaf qaali ah oo ka samaysan Silver-isla markaasna ah mid aad u culus gudoonsiiyay Mudane Axmed Siciid Cige, o o ah wariyaha Hargysa uga soo warama ama u jooga idaacada BBC-Laanta ku hadasha af'ka Somaliga.


Ahmed Siciid Cige ayaa shahaadadan ku mutaystay shaqo wanaag iyo dhex dhexaadnimo  xili yadii lagu guda jiray diwaan galintii iyo doorashadii dhawan ka dhacday Somaliland, iyada oo wariye Axmed uu si dhex dheaxaad ah oo siman uu uga qayb qaatay soo gudbintii wararkii doorashooyinka oo mucaarid iyo muxaafidba ay laanta af'somaliga ee BBC-da ay si siman uga helayeen wararkooda., taasi oo ay gudiga doorashooyinka qaranku ay goosteen in BBC-laan ta af Somaliga ay siiyaan wariyahooda uga soo warama Hargysa uu mutaystay abaal marin.


Ahmed Siciid Cige ayaa ah rugcadaa aad ugu xeel dheer, xaga arimaha saxaafada isaga oo meelo badan ka soo shaqeeyay ayaa idaacada BBC-laanta af Somaliga ku biiray 1999'kii, isga oo in mudo ahna ka soo waramaayay Bush House London.


Axmed ayaa sidiisaba ah qof aad u fir fircoon oo aad looga qadariyo guud ahaan Somaliland, taasi oo ay aad uga helaan wararkiisa dhex dhexaadka ah qurbo jooga reer Somaliland iyo dadyowga kale ee ku hadla afka Somaliguba meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, gaar  aha na geeska Afrika


Wariye Ahmed Siciid Cige oo maanta saxaafda la hadlay ayaa aad iyo aad u soo dhaweeyay abaal marintan uu helay, waxa aanu aad iyo aad ugu mahad naqay gudiga doorashooyinka qaranka.


Abaal marintan ama shahaadad sharaftan maanta la siiyay idaacada bbc-da laanta af  Somal iga ayaa ah tii ugu horaysay ee uu hel wariye ka tirsani, taasi oo ay bixiyeen hay'ad madax b anaan oo umada oo dhan dhex u ah.

Source:Qaran News