Adduunka
ama Kownka(Qaybtii 40aad)
Waalidka iyo xaqiisa:
Waalidka
Waalidka waxa la isku yidhaahdaa,Aabbaha iyo Hooyada,iyo iyaga
waalidkooda,iyo walaalohood iyo dadkay is xigaan,ee isu dhow
yihiin,dhamaan waxay kugu leeyihiin ixtiraam iyo qaderin,waxay kugu
leeyihiin,inaad hadalkooda maqasho,oo aad qaadato taladooda,inaad ka
ducaysato,oo markasta u dhibirsanaato,Diinta Islaamku waxay aad
innoogu boorrisey,oo inoogu adkaysay,Waalidka iyo inaynu u ixsaan
samayno,waxa in badan Illaahay ku lamaaniyey Waalidka amridda
cibaadadiisa:
"وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ
إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ
كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ
لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً واخفض لهما جناح الذّلّ من الرّحمة وقل ربّ
ارحمهما كما ربّياني صغيرًا" ( الإسراء)
Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay,inaan isaga mooyee.cid kale la
caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid
ah,ama labaduba,uu da' ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo
gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf),hana dhibin,oo ku dheh
hadal wanaagsan,una debecsanow,oo u dhibirsanow,oo dheh Allow u ugu
naxariiso sidii ay ii soo barbaariyeen yaraantaydii.
Waalidka aad iyo aad,ayaa diinta Islaamku u ilaalisay xuquuqdooda,oo
Alle inoogu dardaarmay,in aynu u samayno ixsaan,iyo wanaag,in fara
badanna waxa la raaciyey Aayadaha amraya,in Alle la caabudo,oo
amarkiisa la qaato,oo aan cid kale loo shariig yeelin,ayaa lagu
daray,oo waa in waalidka loo sameeyo ixsaan,iyo wanaag,halkaas ayaad
ka arkaysaa ahmiyadda uu waalidku leeyahay,iyo in uu yahay shey
diini ah,oo Alle ina farayo,in aad u gudano,sida raalli gelinaysa:
" وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ
إِحْسَاناً ( النساء)
Aayadda:Alle caabuda,oo ha u shariig yeelina,waalidiintana u sameeya
ixsaan.
" قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا
تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً (الأنعام)
Aaydda:dheh(Nebi Allow)kaalaya aan idiin akhriyo,waxa Rabbigiin
idinka xarrimay,oo ah in aydaan Alle waxba ugu shariig yeelin,oo
waalidkana u samaysaan ixsaan,iyo wanaag.
Waxaynu wada ognahay,in qofka waalidkiisa ka ducaystaa,inuu
liibaanayo,oo Alle dariiqa u iftiiminayo,qofka kalena Soomaalidu
waxay yidhaahdaan habaar waalid buu qabaa,waana wax Alle laga magan
galo,mar kasta waalidka ka farxi oo ka ducayso uguna dadaal si hagar
la'an ah.
Waalidku isaga ayaa ilmaha soo barbaariya,oo u soo tababara
nolosha,wuxuna soo siiyaa,duruus iyo casharo joogto ah,ilaa uu ka
hubsanayo,in ilmihii hanaqaaday,oo gaadhey heerkii isku
fillaanshada,ee uu naftiisa iyo ta waalidkii,iyo dadka kaleba,wax u
tari lahaa,oo ka soo bixi karo waajibaadka kala geddisan,bal aynu
wada eegno,sida Luqmaan inankiisa ula dardaarmayey,oo u tababarayey:
وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يابنيّ لا تشرك بالله إنّ الشرك لظلم
عظيم...يا بنيّ إن تك مثقال حبّة من خردل فتكن في صخرة أو في السّماوات
أو في الأرض يأت بها الله إنّ الله لطيفٌ خبير يا بنيّ أقم الصّلاة
وأمر بالمعروف وانه عن المنكر واصبر على ما أصابك إنّ ذالك من عزم
الأمور ولا تصعر خدك للنّاس ولا تمش في الأرض مرحًا إنّ الله لا يحبُّ
كلّ مختال فخور واقصد في مشيك واغضض من صوتك إنّ أنكر الأصوات لصوت
الحمير(لقمان)
Aayadda:waqtigii(sheeg Rasuul Allow)uu yidhi Luqmaan isagoo
waaninaya inankiisa,Inankaygow ha u shariig yeelin Alle,shirkigu waa
dulmi weyne… Inankaygow haddii xabbad khardal ah(iniin yar),ay
dhadhaab ku dhex jirto,ama samada taallo,ama dhulkaba,Alle waa
keenayaa,Alle waa Ladiif oo waa khabiir, Inankaygow salaadda oog,oo
tuko,oo dadka wanaagga far,oo xumaha ka reeb, oo u sabir waxa ku
asiiba,ee kugu dhaca,arrinkaasi waa go'aan adayge,oo dadka afka haw
taagin,oo dhulka ha u socon is qaadqaad,Alle ma jecla qofka kibirka
iyo faanka badane,oo deggeni u soco,sawdkaagana hoos u dhig,waxa
loogu neceb yahay,sawdka ka dameeraha'e.
Waxa sidoo kale,aynu ka dheehan karnaa,barbaarinta iyo nooca
tarbiyada,ee waalidku siiyo,ilmaha sida uu u adeecayo,ee ugu
hoggaansamayo amarradiisa,aan ka hor imanayan manhajka Alle,bal aan
wada eegno sida Nebi Ismaaciil,u adeecayo Aabbihii Nebi
Ibraahim,markuu ka dalbay,in uu wax ka yidhaahdo,riyaduu ku
riyooday,oo runtii ahayd,mid adag,oo ah in uu Ibraahin ku
riyooday,isagoo Ismaaciil gawracaya, ha yeeshee Ismaaciil tarbiyadii
la soo siiyey,ee waalidkii soo siiyey isagoo raacaya,oo og in
Aabbihii aanu wax Alle amray mooyee,wax kale fulinayn,ayuu yidhi
Aabbe samee,oo fuli waxa Alle ku amray,waxad iga heli doontaa
sabire:
فلمّا بلغ معه السّعي قال يا بنيّ إنّي أرى في المنام أنّي أذبحك فانظر
ماذا ترى قال ياأبت افعل ما تؤمر ستجدني إن شاء الله من
الصّابرين(الصّافات)
Aayadda:markuu gaadhey sacyigii,ayuu yidhi;inankaygiiyow waxan ku
riyooday anigoo ku gawracaya,ee bal maxaad aragtaa,oo ay kula
tahay,wuxu yidhi;Aabbow samee waxa lagu amray,insha Allah mid sabra
ayaan noqon doonaaye.
Labada waalid,waxa sii mudan Hooyada,oo xaqeedu ka badan yahay,ka
Aabbaha, waayo Hooyadu waxa ay la soo deristaa,oo la kulantaa,dhibta
inteeda badan,oo ilmaha caloosha,ayay ku soo qaadaa muddo
dheer,culayskiisa iyo dhibtiisa wuu leeyahay,sidoo kale fooshu ma
aha wax sahlan,oo Hooyadu haddana ilmihii way naas nuujisaa,oo la
soo kifaaxdaa,ilaa ay gaadhsiiso heer isku fillaansho,Illaahay khayr
ha siiyo:
ووصّينا الإنسان بوالديه حسنًا حملته أمّه كرهًا ووضعته كرهًا وحمله
وفصاله ثلاثون شهرًا حتّى إذا بلغ أشدّه وبلغ أربعين سنة قال ربّ
أوزعني أن أشكر نعمتك الّتى أنعمت عليّ وعلى والديّ وأن أعمل صالح
ترضاه وأصلح لي في ذرّيتي إنّي تبت إليك وإنّي من المسلمين(الأحقاف)
Aayadda:waxa aannu u dardaaranay Insaanka waalidkiisa,in uu
wanaag,iyo ixsaan u falo,Hooyadii waxay ku qaaday caloosha,si dhib
leh,oo waxay ku umushay si dhib leh,oo qaadista iyo naas nuujintu
waa 30 bilood,ilaa uu ka gaadho awooddiisa,oo adkaado,oo gaadho 40
sanno,markaasuu odhanayaa Rabbiyow igu kaalmee,in aan kuu shukri
naqo,oo kaaga shukri naqo,nimcada aad igu galladaysatay,aniga iyo
labadayda waalid,oo igu kaalmee Rabbiyow in aan sameeyo,camal saalix
ah,oo wanaagsan,oo aad ka raalli tahay,oo ii islaaxi
durriyadayda,waan kuu toobad keenay,oo waxa aan ka mid ahay
muslimiinta.
Waxa Aayadan kale tilmaamaysaa,sida Hooyadu uurka uqu qaado
ilmaha,oo dhibta ugu mudato,sidoo kale naaska nuujiso,muddada
Islaamku u qoondeeyeyna,waa laba sanno,oo buuxa in Hooyadu ilmaha
naaska u dhigto:
ووصّينا الإنسان بوالديه حملته أمّه وهنًا على وهنٍ وفصاله في عامين أن
اشكر لى ولوالديك إلي المصير(لقمان)
Aayadda:waxa aannu u dardaaranay Insaanka waalidkiis,Hooyadii dhib
ayay uurka ugu qaaday,oo naas nuujintuna waxa ay ahayd laba sanno,ii
shukri naqa,Aniga iyo waalidiintaba,xaggayga ayaad,u soo noqon
doontaane.
The verse:And we enjoined on man(to be good)to his parents:in
travail Did his mother bear him,And on years twain was his
weaning:(hear the command),show gratitude to Me,and to thy parents
to Me is(thy final)Goal.
Waxa Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalame,xadiis inoogu
sheegay,in Hooyadu ay tahay,qofka ugu qaalisan,ee shakhsigu la
rafiiqo,ee ugu mudan xaqsiinta,oo saddex jeer ka horreyso,Aabbaha,oo
isagu marka afraad imanayo:
عن أبي هريرة رضيّ الله عنه قال:جاء رجل إلى رسول الله صلى الله عليه
وسلّم فقال:يا رسول الله من أحقّ النّاس بحسن صحابتي؟قال "أمّك" قال
ثمّ من؟ قال"أمّك" قال ثمّ من؟ قال"أمّك" قال ثمّ من؟ قال"أبوك"
Xadiiska:Abi Hurayra,Alle ha ka raalli noqdee,wuxu yidhi;waxa u yimi
Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,nin oo ku
yidhi:Rasuulkii Allow,yaa dadka iigu xaq badan,inaan wanaag kula
rafiiqo?,wuxu Rasuulku yidhi"Hooyadaa"ninkii wuxu yidhi,ka dibna
ayo?,wuxu Rasuulku yidhi;"Hooyadaa",ninkii wuxu yidhi,ka dibna
ayo?,wuxu Rasuulku yidhi;"Hooyadaa",ninkii wuxu yidhi;ka dibna
ayo?,wuxu Rasuulka yidhi;"Aabbahaa".
Qofku waalidkiisa,ma gudi karo abaalkooda,Hooyadana sida aynu soo
aragnay,waxa ay qabataa,hawsha waalidnimo ee ugu culus,waajibkeeduna
waa ka horreeya,ka Aabbaha,labadooduna waxay qofka ku
leeyihiin,xuquuq Alle innagu waajib yeelay,oo ah in aan ixtiraam,iyo
wanaag u samayno,oo haddaynu nolol ku soo gaadhno,u shaqayno,oo ka
ducaysanno,duco waalid waa qaali,oo inay kaa raali noqdaan,Allena
kuu baryaan,waa wax aan hawl yarayn.
Waalidka mar keliya ayaa diinteennu ogoshay in aad adeeci weydo,oo
diiddo amarkooda,waa marka ay ku amraan,wax Alle reebay,iyo wax
shirkiga Alle ah,oo markaa Alle waa kuu banneeyey,in aad diiddo,oo
aanad adeecin,waayo wax macsida Eebbe ah,kuma adeecaystd
cidna,waalidka iyo cid kaleba:
ووصّينا الإنسان بوالديه حسنًا وإن جاهداك لتشرك بي ما ليس لك به علم
فلا تطعهما إليّ مرجعكم فأنبئكم بما كنتم تعملون(العنكبوت)
Aayadda:waxa aannu Insaanka u dardaaranay,in uu waalidka ixsaan u
sameeyo,oo haddii ay ku ijtihaadaan,ama isku dayaan,in aad Alle ugu
shariig yeesho,wax aanad cilmi u lahayn,ha adeecina,xaggayga ayaad u
soo noqonaysaan,oo aan idiinka warramayaa,wixii aad ahaydeen,kuwo
sameeya.
Waalidka waxtarka aad u gudbinayso ka sokow,waa in aad mar kasta,u
ducaysaa,oo Alle u weydiisaa,denbi dhaaf,iyo khayr fara badan,isagoo
nool iyo isagoo dhintayba:
"رَبَّنَا اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ
يَقُومُ الْحِسَابُ(إبراهيم(
Aayadda:Rabbigayow iidenbi dhaaf,aniga iyo waalidiintay,iyo
muuminiinta,maalinta ay xisaabtu taagan tahay.
Camallada Alle agtiisa,loogu jecel yahay,waxa ka mid;waalidka oo loo
ixsaan falo:
عن أبي عبد الرّحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:سألت النبي صلى
الله عليه وسلّم:أيّ عملٍ أحبّ إلى الله تعالى؟قل"الصّلاة على
وقتها"،قلت ثمّ أيّ؟ قال:"برّ الوالدين"،قلت ثمّ أيّ قال:الجهاد في
سبيل الله"متفق عليه.
Xadiiska:Abi Cabdirraxman Cabdillaahi Ibnu Mascuud,Alle ha ka raalli
noqdee,wuxu yidhi;waxa aan su'aalay,Nebiga nabadgelyo iyo
naxariisi,korkiisa ha ahaatee,camalkee ayaa xagga Alle loogu jecel
yahay?,wuxu yidhi Rasuulku salaadda waqtigeeda la tukado,markaas
ayaan ku idhi;ka dibna camalkee loogu jecel yahay?,wuxu Rasuulku
yidhi;waalidiinta oo baarri loo noqdo,oo ixsaan loo sameeyo,maraas
ayaan idhi;ka dib camalkee loogu jecel yahay?,Rasuulka Alle wuxu
yidhi;Jihaadka loo galo dar Alle.
Qofka muslinka ahi,waa in uu ka soo baxo,dhamaan waajibaadka diiniga
ah,ee saaran, waqtiga uu si wanaagsan,u fuliyo waxa naftiisu
dareemaysaa raaxo,iyo kalsooni,waxa qofka muslinka ah,laga rabaa,in
uu waalidka u debecsanaado,oo u dhibirsanaado,sida oo kale dadka
riximka ah,ee waalidka ay isu dhow yihiin,oo aad diinta Islaamku u
ilaalisay xuquuqdooda,iyo xidhiidhintooda,denbina lagu mutaysto
jaridooda:
وعن أنس رضي الله عنه أنّ رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:"من أحبّ
أن يبسط له في رزقه،وينسأ له في أثره،فليصل رحمه"متّفق عليه
Xadiiska: waxa laga weriyey,Anas Alle ha ka raalli noqdee,in
Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi;kii doonaya in Alle
risiqa u badiyo,oo u waasiciyo,oo cimriga loo barakeeyo,ha
xidhiidhiyo riximkiisa.
Riximku aad ayay u yihiin qaali,oo diinteennu inoo bartay
khayrkooda:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم"الرّحم
معلقة بالعرش تقول:من وصلني وصله الله ومن قطعني قطعه الله"متّفق عليه.
Xadiiska:Caa'isha(Ummul muuminiin)Alle ha ka raalli noqdee,waxay
tidhi;Rasuulka Alle nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha
ahaatee,wuxu yidhi: Riximku waxa uu sudhan yahay carshiga,oo wuxu
yidhaahdaa kii i xidhiidhiya,Alle ha xidhiidhiyo,kii i gooyana,Alle
ha gooyo.
Waalidka oo loo dadaalo,oo falowgeed la qabto,sida mar kasta,loo
dabooli lahaa baahidooda,oo loo raalli gelin lahaa,waxa ay ka mid
tahay,waajibka saaran,qofka ay iyagu u ahaayeen sabab,in uu
Adduunkan ku noolaado,Illaahay abuuray ka sokow, waalidku waa kuwii
dhalay,markaa u shaqaynta waalidku,waxa ay u dhigantaa jihaadka,oo
waa goob laga kasbado ajar iyo khayraad badan:
عن عبد الله بن عمرو بن عاص رضي الله عنهما قال:أقبل رجل إلى نبيّ الله
صلى الله عليه وسلّم فقال:أبايعك على الهجرة والجهاد أبتغي الأجر من
الله تعالى،قال:"فهل من والديك أحد حيّ؟"قال نعم بل كلاهما،قال فتبتغي
الأجر من الله تعالى؟قال:نعم،قال:" فارجع إلى والديك فأحسن
صحبتهما"متّفق عليه.
Xadiiska:Cadillaahi Ibnu Camro Ibnu Caas,Alle ha ka raalli
noqdee,ayaa yidhi;nin ayaa qaabilay,Nebiga Alle nabadgelyo iyo
naxariisi,korkiisa ha ahaatee,oo ku yidhi,waxa aan kugula
baayacoonayaa,hijro iyo jihaad,oo waxan Alle ka rabaa,oo ka doonayaa
ajar,Nebigaa weydiiyey;miyay waalidkaa wax ka nool yihiin?,wuxu
yidhi ninkii;labaduba way nool yihiin,Nebigu wuxu yidhi;saw ajar
Alle kama doonaysid? wuxu yidhi haa,Nebigu wuxu ku yidhi;ku noqo
waalidkaa,oo wanaaji dhaqankooda, oo u ixsaan fal,dariiq kale oo
xadiiska loo soo weriyey baa odhanaya:
Labadooda ku jihaad. "ففيهما فجاهد"
Waa hiddahan raacoo
Waa hoyga barashada
Aan ku hanaqaadee
Ma hilmaami karayoo
Waa halbawlahaygiyo
Xididka dhiigga habayee
Hirashada kalgacalkiyo
Hammigayga weeyoo
Harraadkayga tirayee
Haddaan heli karaayana
Hadwalbaba jeclaadaa
Hortayda inay joogaan
Hadalkooda maqashoo
Hiyigaaga dejiyaan
Habbi kaa sameeyaan
Waa hooska noloshoo
Hadhka aad ku nasatoo
Ku hoggaaminaayee
Waa ruuxaa ku hagayoo
Hanuunkii illaahiyo
Janno kuu horseedee
Allahayow hataaq iyo
Habaar waalid iga hay
Haye mooye maan odhan
Hiif wax laga dareemee
Allaa igu hanuuniyey
Hilin toosan oo sax ah
Haybad waxan ku leeyay
Hibadiyo ayaankaba
Waalidkaa had iyo jeer
Ii hibeeya duco oo
Intaa ila horjoogee
Hagarli'i wanaag iyo
Hiil iyo hooba ila wada
Nin kastoo halyayoo
Haybad iyo aqoon leba
Waxa soo hanqariyoo
Caanihii ku soo habay
Hadhowtona afkii baray
Hiddihii ku toosiyey
Hannaankii wacnaa iyo
Hilinkii saxa ahaa
Ku hagaajey dhaqankii
Hooyo iyo Aabbee
Hiilkay ku siiyeen
Abaal miyaad u helaysaa
Habka nolosha taabiyo
Hannaankii wacnaayee
Habboonaa adeegsiga
Bay kugu hagaanoo
Hormood kuu ahaadaan
Hammigaagay ku xidhaan
Hawlkar inaad ahaatoo
Kala haadsha hawlaha
Hufnaanta iyo dhaqankana
Hu' bay kaaga yeelaan
Hadal waxad ku odhanay
Hagardaamo ka ogow
Hiif iyo karoox iyo
Hunuhunnuda qaabka la'
Hortoodaa ka dhawroo
U hur waxad awooddoo
Hilinkaad u mari layd
Habbi inay ahaadaan
Hammigaaga geliyoo
Habeenkiyo maalinta
Hubso waxay muteenoo
Ku horree dadaalkood
Hagarli'i wax ugu qabo
Ducadoodaad hananay
Halkaasaad waxad odhan
Allow ifka is hanannee
Aakhirona jannadii na wada hooy
waxa aan Alle ka baryaynaa in uu innaga dhigo,kuwa adeeca
amarkiisa,oo waalidkana u ixsaan sameeya,ee hela ducadooda,iyo
raallidoodaba,Aamiin.
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|