Adduunka ama Kownka
Qaybtii 6 aad
 

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Waxan salaantaa qaaliga ah u tebinayaa Bahda Longlivesomaliland iyo Akhristayaasheeda oon u rajeynayaa khayr fara badan.


Xalaasha iyo Xaaraanta

Waxa Eebbe isagaa korreeyee Ummadda u xalaaleeyey  ashya ada qaar waxanu ka xaaraantinimeeyey qaar kale,wixii laguu xalaaleeyey waa kuu bannaan yihiin adeegsigoodu,halka wixii lagaa xaaraantinimeeyey aad denbi ka qaadayso haddaad la timaaddo oo samayso ama adeegsato.

Waxa Alle subxaana watacaalaa u banneeyey dadka oo u  xala aleeyey waxyaalo badan :

ياأيها الناس كلوا مما في الارض حلالا طيبا ولا تتبعوا خطوات الشيطان انه لكم عدو مبين....(البقرة)

Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada ah ee xalaasha  wanaag san ah,hana raacina tallaabada iyo wadada shaydaanka cadaw dhab ah ayuu idiin yahaye.

Waxa Abi Cabdillaahi nucmaan ibnu bashiir laga weriyey Alle ha ka raalli noqdee inuu yidhi waxan maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo leh:Xalaashu waa  caddah ay,Xaaraantuna way caddahay,waxana dhexdooda ah amuur  a an caddayn oo aan dad fara badani garanayn,haddaba kii ka  dh eeraada waxyaalahaa aan caddayn wuxu bari yeelay diintiisa iyo sharaftiisa,kii ku dhaca waxyaalahaas aan caddaynna wuxu ku dhacay xaaraan,waa sida xoolo jir,ku raacaya xoolaha  hare eraha meel seere ah,waxa laga baqaa oo shaki leh in  xoolaha a si ka galaan seeraha,waar hooy boqor kasti seere ayuu  leey ahay,seeraha Allena waa wuxuu xarrimay,waar hooy jidhka  w axa ah waslad haddii ay hagaagto jidhlkoo dhami hagaagayo hadday xumaatona jidhkoo dhami xumaanayo,waar hooy taasi waa qalbiga.

عن أبي عبدالله النعمان بن بشير رضي الله عنهما قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ( إن الحلال بيّن والحرام بيّن ، وبينهما أمور مشتبهات لا يعلمهن كثير من الناس ، فمن اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه ، ومن وقع في الشبهات فقد وقع في الحرام ، كالراعي يرعى حول الحمى يوشك أن يرتع فيه ، ألا وأن لكل ملك حمى ، ألا وإن حمى الله محارمه ، إلا وإن في الجسد مضغة إذا صلحت صلح الجسد كله ، وإذا فسدت فسد الجسد كله ، ألا وهي القلب ) رواه البخاري و مسلم

Waxa jira waxyaalo Alle xarrimay oo ay denbi tahay  adeegsig ooda iyo ku ganacsigooda, sida waxa la kala iibsanayo ee  bann aan,waxana la reebay oo la xaarantinimeyey ribada ama dulsaarka:

(وَأَحَلَّ اللَّهُ البَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا) (البقرة)

Waxa Alle isagaa korreeyee xaaraan ka yeelay ashyaa badan oo ay ka mid yihiin:Meydka,dhiigga,hilibka doofaarka,waxa  bi sinka Alle waxaan ahayn lagu gawracay,neefka la ceejiyey,iyo neefka wax lala dhaco ilaa uu ka dhimanayo,iyo neefka meel  l aga soo tuuro ama ka soo dhaca oo dhinta,neefka neef kale   he rdi ama wax kale ku dilo isna waa xaaraan,iyo neefka uu bahal cuno mid aad gawraca la gaadhaan mooyee,waxa kaloo  xaar aan ah neef loo qalay sanam,iyo waxa lagu sameeyey dhaar iy bakhtiyaa nasiib sanamada loo samaynayo,waxaasoo dhami waa fisqi.

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالْدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنْزِيرِ وَمَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللّهِ بِهِ وَالْمُنْخَنِقَةُ وَالْمَوْقُوذَةُ وَالْمُتَرَدِّيَةُ وَالنَّطِيحَةُ وَمَا أَكَلَ السَّبُعُ إِلاَّ مَا ذَكَّيْتُمْ وَمَا ذُبِحَ عَلَى النُّصُبِ وَأَن تَسْتَقْسِمُواْ بِالأَزْلاَمِ ذَلِكُمْ فِسْقٌ"(المائدة)

Waxaa la iska xaaraantinimeeyey qofka haddii naf ku kelifto oo uu isku badbaadinayo oo aanu wax kale haynin waa u  bannaan tahay inuu cuno:

"فمن اضطر غير باغ ولا عاد فلا اثم عليه ان الله غفور رحيم"(البقرة) "فمن اضطر في مخمصة غير متجانف لاثم فان الله غفور رحيم(المائدة)

Alle wuxu sharciyeeyey in wax kastoo la cunayo ama la  cabba yo ama shey marka la bilaabayo,lagu bilaabo bisinka illaahay:

فكلوا مما ذكراسم الله عليه ان كنتم مؤمنون…. ءاية من سورة الانعام

Aayadda:cuna waxa aad bisinka Alle u qabateen haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.

Alle subxaana watacaalaa wuxuu xaaraantinimeeyey in cid aan isaga ahayn la caabudo oo loola shariig yeelo:

" قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً "(الأنعام)

Aayadda:waxad tidhaahdaa kaalaya aan idiin akhriyo oo idiin sheego waxa illaahay xarrimay,oo ah inaydinaan wax qudha ugu shariig yeelin,waalidkana waa inaad ixsaan iyo wanaag u samaysaan.

Waxa illaahay reebay xoolaha agoonta in la cuno oo  xaaraanti nimeeyey ilaa ay korayaan oo maamulka xoolohooda la  waree gayaan:

وَلا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ(النساء)

Aayadda:ha u dhowaanina Agoonta xooleheeda ama  maalke eda arrin macquul ah mooyee ilaa ay ka gaadhayaan  awoodd ooda ay hawsha kula wareegi karaan.

Waxa Alle isagaa korreeyee xaaraan ka dhigay maalka  Agoon ta markaa ciddii khilaafta amarkaa Eebbe ee cunta maalka  Ag oonta,waxa calooshooda ku gurayaan naar ayaa Alle yidhi.

ان الذين ياكلون أموال اليتامى ظلما انما ياكلون في بطونهم نارا وسيصلون سعيرا(النساء)

Aayadda:kuwa cunaya maalka Agoonta oo si dulmi ah u  cuniy a,si kale ma ahee calooshooda ayay naar ku gurayaan oo naar bay cunayaan,waxana lagu ridi doonaa saciira(cadaabka  saci ira).

Waxa Alle xaaraan ka dhigay khamriga iyo turubka lagu  kham aaro,iyo sanamada oo Alle yidhi ka dheeraada waa camal  shay daane.

ياأيها الذين ءامنوا انما الخمر والميسر والانصاب والازلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون(المائدة)

Waxa Alle reebay oo xaaraantinimeeyey in xoolaha ama  maal ka si xaqdarro ah loo kala cuno,iyadoo ah mooyee tijaaro iyo ganacsi dadka dhexdiisa ah oo ay raalli isaga yihiin,Alle wuxu reebayaa in dil la sameeyo,oo la is dilo.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً (النساء)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeyow ha kala cunina xoolaha iyadoo mid ganacsi dhexdiina ah oo aad raalli isaga tihiin uu yahay mooyee,nafihiinnana ha dilina,Alle waa mid idiin naxariis badane.

Waxa laynoo caddeeyey qofka dumarka ahi markay xayd  leed ahay in laga dheeraado,oo marka daahir noqoto keliya loo tegi karo :

ويسئلونك عن المحيض قل هو اذى فأعتزلوا النساء في المحيض ولا تقربوهن حتي يطهرن فاذا تطهرن فاتوهن من حيث امركم الله ان الله يحب التوابين ويحب المتطهرون(البقرة)

Aayadda:waxay ku warsanayaan ooy ku weydiinayaan xaydka hawayneyda leh sida loola dhaqmayo,ku dheh,waa dhibe ka fogaada dumarka xaydka leh,oo ha u dhowaanina ilaa ay daahir noqdaan,hadday daahir noqdaan,halkii Alle idin amray ee idiin banneeyey uga kaalaya,Alle wuu jecel yahay kuwa toobadda badan ee is daahiriya.

Waxa Alle innaga xaaraantinimeeyey wax kasta oo dhib iyo  xu maani ku jirto,oo waxyeello u keenaya saafinimadda insaanka sida sinada,oo qofka sameeya ee Alle amarkiisa dhaafa way ka muuqataa intaanu xisaabta aakhiro gaadhin,waxay sidoo kale u gudubtaa ehelkiisa oo waa wax Alle laga magan galo sameynteeda.

وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً (الإسراء)

Aayadda wuxu illaahay ku odhanayaa ha u dhowaanin sinada w aa faxshi xun waana waddo aan wanaagsanayne.

Illaahay isagaa korreeyee wuxuu isagu xalaaleeyo cidinna ma xaaraantinimayn karto oo ma aha hawadooda ee sharci Eebbe:

"قل منْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وطيبات من الرزق..."

Aayadda:waxad tidhaahdaa ayaa xarrimaya quruxda iyo  arsa aqda xalaasha ah ee Alle u soo dejiyey addoomadiisa.Illaahay isagaa korreeyee isagoo sifaynaya dadka wanaagsan ee raacay waxa Alle u xalaaleeyey kana dheeraaday waxa Alle ka  xaara antinimeyey

"وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آَخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ يَلْقَ أَثَامًا يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا إِلَّا مَنْ تَابَ وَآَمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا".

Aayadda:kuwa aan Alle la wadaajinayn cibaadada cid kale,ee aan dilayn naftii Alle ka xarrimay xaq inay ku dilaan mooyee,ee aan sinaysanaynin,Ka arrinkaa sameeyaa danbi ayuu ku  dhaca yaa,oo Alle cadaabka wuu u labanlaabayaa qiyaamaha wuxuna cadaabkaa ku waarayaa isagoo yasan oo xaqiran,qofkii isagu toobad keena ee sameeya camal wanaagsan,waxa Alle xumi hii ugu bedelayaa wanaag,Alle waa denbi dhaafee waana naxariis badane.

Waxa Alle subxaana watacaalaa inoo xalaaleeyey waxyaalo  su gan oo inoogu cad Quraanka iyo Sunnaha waa inaynu ku  dada alnaa inay wax kasta hubaal iyo garasho u fulino oo u haysanno daliil cad oo innaga caawinaya arrinkaa,waayo waxkasta ama ha yaraadeen ama ha weynaadeene waa wax laguu qorayo  sa mo iyo xumaan waxay leeyihiin,markaa gacantaada iyo  caloos haada iyo xubnaha kaleba ka dheeree xaaraanta aan Alle kuu bannayn oo kaga kaaftoon waxa Alle kuu banneeyey ee kuu xalaaleeyey:

 

 

Xeerka aan la dhaafayn
Xaakimow Allaa dhigay
Xalaal wuxu ka yeelee
Xaajada aad ku gudaney
Xamdigii illaahiyo
Xusuusnow wanaaggaa
Xaaraan wax laga dhigay
Xayndaabka loo xidhay
Xilkasnimo u garo oo
Xaggiisaa ka dheerow

********
Xoolaha dad kale iyo
Xaqanaaska iska dhawr
Xadka adiga kuu yaal
Xikmad iyo ku raac xeel
Xeeriyoo ha xayirmine
Xalaal quute noqo'oo
Xaaraani yay iman
Xaasha'e ka dheerow
Xukunka Eebbe raacoo
Xadka adiga kuu dhigan

********

Xeerkiisa dhawroo
Xamdi Eebbahaa lehe
Xejiyoo ha sii dayn
Xaraf keliyi yuu lumen
Xoog saar ku dhaqankiis
Xulashadaad samaynay
Xalaashaa bannaan iyo
Xaaraantaa la reebayba
Xad ha kuu lahaadeen
Xuub yaanu fuuline
Xikmad iyo u raac xeel.
Iyo xeerka loo dhigay.

 

 


Waxan Alle ka baryaynaa inuu inaga dhigo xalaal quutayaal oo inaga yeelo kuwa xukunkiisa iyo xeerkiisa raaca eek u dhaqma Aamiin.

 

 

Saeed Ibrahim Hussein