Illaahay isagaa korreeyee wuxu Adduunka u dejiyey Qawaaniin iyo Xeerar aanay dhaafayn oo ay ku sugnaanayaan dhamaan makhluuqaadka kala gedisani,tusaale Samooyinka iyo Arlada,Qorraxda iyo Dayaxa,Xiddigaha iyo dhamaan Meerayaasha kale ee jira waxay ku socdaan amar Eebbe oo meelo iyo waqti loogu talo galay bay ku sugan yihiin sidoo kale noolaha oo ay dadku ka mid yihiin: (وهو الذي خلق الليل والنهار والشمس والقمر كل في فلك يسبحون ) الأنبياء Aayadda macneheedu
waa:(Alle) waa ka abuuray Habeenka iyo Maalinta iyo Qorraxda iyo
Dayaxa dhamaantoodna majiire iyo meelo loo cayimay ayay ku
wareegayaan oo dabbaalanayaan. يقول تعالى: “والشمس تجري
لمستقر لها ذلك تقدير العزيز العليم” (يس) Aayadda macneheedu waa :Alle wuxu leeyahay isagaa korree yee:Qorraxdu waxay socotaa oo haysataa jid go'an iyo waddo sugan oo loogu talogalay oo u qaderey illaaha qaaliga ah ee cilmi badanaha ah. Sidoo kale ayaa Aayad kale sheegaysaa in Dayaxa loo qadarey meelo uu dego oo si muddaysan u maro oo u socdo ilaa uu ka noqdo sidii caleen qalashay oo soo koktay oo kale: وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّى عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ... (يس) Aayaddu waxay ina tusaysaa in dayaxu aanu ka baxaynin meel aha loogu talo galay inuu ku sugnaado. Waxa kale oo Aayad kale ina baraysaa in meerayaashu waqtiyo go'an oonay kana dib dhacayn kana hor marayn ee ku sugnaan ayaan oo aanay ka baxayn majiirohooda. Waxa aynu ognahay in Dayaxu wareegiisa ku dhamaysto sodd on maalmood,halka Qorraxdu wareegeeda ku dhamaysato 365 iyo rubuc maalmood,markaa waxaa halkaa ka cad in Dayaxu ka dheereeyo Qorraxda oo wareeggiisu ka gaaban yahay ta Qorraxda: لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ [سورة يس ] Aayadda macneheedu waa:Qorraxda uma suurtowdo inay hale esho oo gaadho Dayaxa,ama Habeenku ma aha suuragal inuu dhaafo oo ka hormaro Maalinta dhamaanna meere kasti wuxu ku sugan yahay majiire aanu ka bixin ee uu ku dhexjiro oo dhex dabbaasho. Wax kasta illaahay wuxu u sameeyey qaanuun iyo manhaj uu raaco oo aanu ka bixin: ....لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا...سورة المائدة Aayadda macneheedu waa:waxanu u samaynay wax kasta sha rci iyo manhaj u gaar ah. Waxa Alle Ummadda farayaa inay qawaaniintaa iyo sharcigaa loo dejiyey raacaan oonay raacin sharci kale iyo xukun kale: افغير الله ابتغي حكما وهو الذي انزل اليكم الكتاب مفصلا… ءاية من سورة الانعام Aayaddu waxa odhanaysaa:ma xukun aan ka Alle ahayn ayaad raacaysaan isagoo ah ka idiin soo dejiyey kitaab sharraxan oo cad. Waxa kuu waajib ah dadkoo dhan inay isku xukumaan sharciga illaahay kaas oo uu Alle u diyaariyey insaanka ahna mid ku ha bboon waayo illaahii abuuray isagaa og oo u cilmi badan waxa ku wanaagsan dadkan iyo waxa kale: ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون...المائدة Aayaddu waxay caddaynaysaa
ciddii aan isku xukumin waxa Eebbe u soo dejiyey sharci ahaan inay
yihiin kuwo gaaloobay. قال صلى الله عليه وسلم من
أحب لله و أبغض لله و أعطى لله و منع لله فقد استكمل الايمان(رواه ابو
داود) Rasuulka Alle naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate ayaa yidhi qofkii Alle dartii wax u jeclaada Alle dartiina wax u naca oo Alle dartii wax u baxsada Alle dartiina u joojiya wax bixinta aan habboonayn qofkaasi wuxu buuxsaday oo dhamaystirtay ii maankiisa,qofkuna heerkaas ma gaadho ilaa iyo uu illaahay wa x kasta ka jeclaado. قوله تعالى ( قل ان كنتم تحبون الله فاتبعونى يحببكم الله ويغفر لكم ذنوبكم والله غفور رحيم ) ال عمران) Aayad baa Rasuulku Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaa tee ku odhanayaa haddaad Alle jeceltihiin I raaca markaasaa Allena idin jeclaanayaaye oo idiin denbi dhaafayaa waxa weeye denbi dhaafe naxariis badan illaahay: Qofku waa inuu dar illaahay wax u jeclaado oo aanu u eegin in uu xigo sida Aabbihii ama Carruurtiisa ama Walaalkii ama Ehe lkiisa iyo Xigtadiisa ee Islaanimo ku qiimeeyo: لا تجد قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حاد الله ورسوله ولو كانوا آباءهم أو أبناءهم أو إخوانهم أو عشيرتهم }الحشر) Aayadda macneheedu waxa weeye:heli maysid qowm Alle iyo yawmul qiyaamaha rumeeyey oo garab ka yeelanaya ama ku tiirsanaya oo jeclaanay mid Alle iyo Rasuulkiisa la col ah haba ahaadeen Aabbayaashood ama Carruurtooda ama Walaalohood ama Qaraabadooda'e. Qofka muslinka ahi waa inuu sidoo kale Rasuulkeenna oo ah ka khalqigoo dhan ugu khayr badan waa inuu jeclaadaa oo naftiisa iyo naf kasta ka jeclaadaa: لقوله صلى الله عليه وسلم لايؤمن أحدكم حتى اكون احب اليه من ولده و الناس اجمعين ( متفق عليه) Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxu midkiinna ma rumayn Alle ilaa aan noqdo mid uu ka jecel yahay ilmihiisa iyo dadkoo dhan. Waxa sidoo kale qofka weyneeya ee qiimeeya waxyaalaha waa jibaadka diiniga ah gaadhay qalbiga cabsidiisa dhabta ah: قال تعالى: ومن يعظم شعائر الله فانها من تقوى القلوب (الحج) Salaaddu waa Tiirka 2aad ee Tiirarka Islaamka waana sheyga u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta,waxana lagu waajib yeelay maalintii shan salaadood waxanay leedahay salaad kasti waqt igeeda: ان الصلاة كانت على المؤمنين كتاباً موقوتا(النساء) waana waxa ugu horreeya oo qofka lagu xisaabayo qiyaamah a,Salaaddu sidoo kale waa waxa lagu kala garto Muslinka iyo Gaalka,Salaaddu waxay qofka tukada ka reebtaa xumaha iyo faxshigoo dhan: قال تعالى : (إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر والبغي ولذكر الله أكبر ) العنكبوت. Aayadda macneheedu waa Allaa yidhi isagaa korreeyee Salaa ddu waxay reebtaa faxshiga iyo xumaha iyo sinada digriga illa ah ayaa weyn. Sakada oo ah rukniga 3aad ee arkaanta Islaamka waxayna sida guud u qaybsantaa mid laga bixiyo waxaad maal u leedahay iyo ta ah inaad naftaada ka bixiso waxana loo yaqaan sakaatul fid ri,ta maalka waa inay sannad ka soo wareegto maalkuna gaad ho qadarka(nisaabka)ay ka baxdo sakadu markaa ayaa la qiya asayaa inta laga bixinayo maalkaa leh tirade ama qiimaha go'a n ee la garanayo. " إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات وأقاموا الصلاة وآتوا الزكاة لهم أجرهم عند ربهم ولا خوف عليهم ولا هم يحزنون) "البقرة) Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee camalka saalixa ah sameeyey,salaaddana oogey,ee la yimid sakada waxay leeyihiin ajarkooda ooy illaahay agtiisa ka helayaan wax cabsi iyo muru go ahina uma sugnaanin. Waxyaalaha kale ee Illaahay sharciyeeyey waajibna uga dhigay Muslimiinta waxa ka mid ah Soonka oo soo gala bisha Ramad aan oo ah bisha 9 aad ee taariikhda hijriga ah: يقول تعالى في كتابه الكريم [ يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ] (البقرة) Illaahay subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane. Soonku waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa sidoo kale isha iyo hadalka xun een wanaagsanayn. Waxa isna ah rukniga 5aad Xajka oo isagu ku xidhan awoodid da ama calaa karaan qofkii awoodi karaya ayuu xajku ku waa jibey ka kale Alle ma kellifo qofna oo awoodiisa wax dhaafsii san kama dalbo isagaa u cilmi leh addoomadiisa. يقول الله تعالى : " الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى الحج" Shanta rukni ee Islaamku ku dhisan yahay waxay kala ahaaye en: عن ابى عبد الرحمن عبد الله
بن عمر بن الخطاب رضى الله عنهما ‘ قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه
وسلم يقول: Xadiiskan oo uu weriyey C/raxmaan C/llaahi ibnu Cumar ibnu Khadaab Alle ha kaa raalli noqdee wuxu yidhi waxan maqlay nebiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee leh": Islaamka waxa lagu dhisay shan:Shahaada in Alle mooyee Alle kale jirin Maxe'dna Rasuulkii Alle yahay,2-Oogidda Salaadda,3-Sakadda la imaansheheeda,4-Soomidda bisha Ramadaan,5-iyo Xajiyidda guriga Eebbe. Waxa illaahay waajib yeelay waxyaalo fulintooda iyo la imaad kooda ajar lagu kasbanayo ka tegistoodana ciqaab lagu mudan ayo,tallaabo kasta oo la qaadayo waxay leedahay dariiq loo ra acayo oo uu Islaamku ina baray,hadday ganacsi tahay metelan in aan miisaanka la dhimin dadkana la bakhsin sidoo kale la ka la qorto waxa la kala iibsanayo ee ganacsi ahaan dadka dhex maraya een ahay mid joogto ah oo degdeg ah: ...ولا تسأموا أن تكتبوه صغيرا أو كبيرا إلى أجله ذلكم أقسط عند الله وأقوم للشهادة وأدنى ألا ترتابوا إلا أن تكون تجارة حاضرة تديرونها بينكم فليس عليكم جناح ألا تكتبوها وأشهدوا إذا تبايعتم ولا يضار كاتب ولا شهيد وإن تفعلوا فإنه فسوق بكم واتقوا الله ويعلمكم الله والله بكل شيء عليم(البقرة) Sidoo kale wixii deyn la kala qaadanayo waa in la kala qorto m aragna loo sameeyo. Qofka hadday ku timaaddo kedisoba oo uu sakaraado waa in d ardaaranka laga qoraa oo marag loo sameeyaa,laba nin ah ha ddii laba nin la waayo,nin iyo laba dumar ah,si haddii mid illaw doba ta kale u xusuusiso,wax kasta Alle subxaana watacaalee wuxuu u dhigay xeer iyo sharci go'an oo ku munaasib ah. Waxa Alle isagaa korreeyee inaga reebay waxyaalo badan sida uu inoo faray waxyaalo kale,waxa ayna tahay in wixii layna far ay aynaan ka tegin,waayo amar diiddo waxad ku mutaysanay saa ciqaab,sida waxyaalo badan oo illaahay insaanka ka dalbay inaanay u dhowaan baa jira وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً [الإسراء Aayadda wuxu illaahay ku odhanayaa ha u dhowaanin sinada waa faxshi xun waana waddo aan wanaagsanayne. Sidoo kale waxa layska reebay oo illaahay inoo sheegay inayn aan u dhowaan xoolaha agoonta oo layna amrayaa inaynu ka dheeraanno wixii macquul ah mooyee. ولا تقربوا مال اليتيم إلا بالتي هي أحسن )النساء) Alle subxaana watacaalee wuxuu inaga reebayaa inaan maalka iyo xoolaha si xaqdarro ah oo baadila u kala qaadno oo u kala cunno,waxa kaloo inoo diidayaa inaan islayno oo qudha iska jarno waayo Alle waa inoo naxariisanayaa: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً (النساء) Sidoo kale qofkii qof muslin ah u dila ula kac waxa laynoo shee gay inuu jahanama ku waarayo: وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ (النساء) Waxa xusid mudan in qofku ogaado in naftiisu la mid tahay nafta qofka kale ee muslinka ah oo aanay u bannaanayn inuu dilo,waana amaano illaahay u dhiibtay oo lagala xisaabtamayo siduu ula dhaqmo oo dhan. ولكم في القصاص حياة يا أولي الألباب لعلكم تتقون (البقرة) Waxa illaahay sharciyeyey in qofkii qof dila loo dilo taasna wa xa ku jira nolosha oo waa la kala baqanayaa,qofna kuu dhiiran mayo inuu qof iska dilo waayo isna waa la dili doonaa hadduu cid dilo.Diinteenna xaniifka ahi waxay ina baraysaa cadaaladda iyo xaqsoorka,Allena waa caadil oo cidna ma dulmiyo ee qof ka sti waxu shaqaystay buu wax ugu sii daraa,waana u denbi dhaa fa addoonka Alle ka dalba denbi dhaaf ee khaladkuu sameeyey ka dhiidhiya ee ka murugooda oo aan dib ugu noqon,waxa suur tagal ah in qof lagu khasbo wax denbi ah iyadoo iimaankiisu bu uxo oo aanu ka raalli ahayn samaynta denbigaa markaas illaa hay wuxu eegaa qalbiga qofka iyo wuxu dareensan yahay ee u ma qaado waxa lagu khasbay ama si kama' ah uga dhacay: لا يؤاخذكم الله باللغو في أيمانكم ولكن يؤاخذكم بما عقدتم الأيمان...(المائدة) Aayaddu waxa odhanaysaa Alle idiin qaadi mayo oo idiin qori mayo wax kama' idiinka dhacay,ee wixii qalbigiina ka soo go'ay eed u qasadeen ayaa la idiin qabanayaa:
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiis ku kala sheegay waxa wanaagga ah iyo waxa denbiga ah wuxuna yidhi: :الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ ، وَالإِثْمُ مَا حَاكَ فِي صَدْرِكَ وَكَرِهْتَ أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ. Wanaaggu waa dabeecadda iyo akhlaaqda wanaagsan, denbig una waa wixii dhiba laabtaada,ee aad karaahiyaysato in dadku kugu arkaan:
Wax kasta illaahay isagaa
korreeyee sharci iyo xeer buu u dhig ay,oo wax kasti nidaam
go'an ayay leeyihiin.
|