Adduunka ama Kownka
Qaybtii 23 aad
Sifooyinka Gaalada
Gaaladu waa dhamaan wixii aan islaam ahayn,ee aan aaminsanayn
Islaamka:
ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الأخرة من الخاسرين (العمران)
Aayadda:ciddii raadsata ama qaadata diin aan Islaamka ahay laga
aqbali maayo,oo Aakhirona waa kuwa khasaaraya.
Gaalada noocyadeeda oo dhami naarta ayay gelayaan:
إنّ الذين كفروا من أهل الكتاب والمشرلين في نار جهنّم خالدين فيها
أولئك هم شرّ البريّة(البيّنة)
Aayadda:kuwa gaaloobay ee isugu jira Ehlu kitaabka(Kiristanka &
Yuhuudda) iyo Mushrikiintu waxay gelayaan Naarta Jahannama oo ay ku
waarayan,waana kuwa ugu shar badan wax la abuuray oo dhan.
Sifooyinka gaaladu waa
kuwo wada burinaya,oo ka hor imanaya sifooyinka wanaagsan,ee Alle
ina faray in aynu ku sifowno,waxana dhamaan sifooyinkaasi
waafaqayaan oo ay taageerayaan waddada shaydaanka ee ah luminta
dadka,waana kuwa beddela qawlka Alle:
ألم تروا إلى الّذين بدّلوا نعمت الله كفرًا وأحلّوا قومهم دار البوار
جهنّم يصلونها وبئس القرار وجعلوا لله أندادًا ليضلّوا عن سبيله قل
تمتعوا فإنّ مصيركم إلى النّار (إبراهيم)
Aayadda:miyaydaan arkin kuwa beddeley nimcada Alle,way gaaloob
een,oo waxay dejiyeen qowmkooda guri hoog ah,Jahanama ayay ge
layaan,waxa xumaaday meesha ay ku negaanayaan,waxay Alle u ye
eleen cid la wadaagta caabudidda,si ay waddada uga hallaabaan,
waxad ku tidhaahdaa iska raaxaysta,naar ayaad ku danbayn doont
aane.
Gaaladdu waa kuwa raaci
waayey amarka Eebbe,ee shaydaanka wa ddadiisa maray,ee uu
shaydaanku ku guulaystay,in uu duufsado,oo waxay naftooda raaciyeen
hawadoda iyagoo amarkii Eebbe diid ay,oo ka tallaabsaday,oo
baadida doortay:
الشيطان يعدكم الفقر
ويأمركم بالفحشاء والله يعدكم مغفرة منه وفضلا والله واسع عليم (البقرة)
Aayadda:shaydaanku wuxu
idiin yaboohayaa oo idiinku yeedhayaa faqri,oo wuxu idin amrayaa
faxshi iyo xumo,Allena wuxu idiinku ye edhayaa denbi
dhaafkiisa iyo fadligiisa,Alle waa ka cilmigiisu waasic yahay.
Gaaladu waxa ay hanuunkii ku beddesheen baadinimo,oo doorteen:
أُولئك الّذين اشتروا الضّلالة بالهدى فما ربّحت تجارتهم وما كانوا
مهتدين(البقرة)
Aayadda :kuwaasi waa kuwa
baadinimada ku iibsadey
hanuunkii,mana faa'iidayo ganacsigooda sidan ahi,mana aha kuwo
hanuunaya.
Waxa ka mid ah sifooyinka
gaalada in xumaha ay isku booriyaan oo is faraan,oo wanaaggana iska
reebaan:
المنافقون والمنافقات بعضهم
من بعض يأمرون بالمنكر وينهون عن المعروف ويقبضون أيديهم نسوا الله
فنسيهم إنّ المنافقين هم الفاسقون (التّوبة)
Aayadda:munaafiqiinta(labkooda iyo dheddigoodu)badhba badhka kale
ayuu la jiraa,oo waxay is faraan xumaha,waxanay iska reebaan samaha
iyo wanaagga,oo gacmaha iska qabtaan falidda wanaagga iyo
khayrka,waxay illaabeen Alle,markaas ayaa Allena illaab
ey,munaafiqiintu waa faasiqiin.
Xumaha oo lays
faro,wanaaggana la iska reebo waa u caado:
لعن الّذين كفروا من بني إسراءيل علي لسان داوود وعيسى ابن مريم ذالك
بما عصوا وكانوا يعتدون كانوا لا يتناهون عن منكر فعلوه لبئس ما كانوا
يفعلون(المائدة)
Aayadda:waxa lagu nacdalay kuwa gaaloobey ee kaafiriinta ah ee reer
bini-israa'iil hadalkii (Nebi)Daa'uud iyo (Nebi)Ciise bina
Mary am,waayo waa caasinimadoodii, waxana ay ahaayeen kuwa
xadg udba,waxay ahaayeen kuwo aan iska reebin munkarka iyo waxa xun
ee ay samaynayaan.
Waxa sidoo kale sifohooda
ka mid ah,in ay isla weyni iyo kibir ku dhaqmaan:
وإذا قيل له اتّق الله
أخذته العزة بالإثم فحسبه جهنّم ولبئس المهاد(البقرة)
Aayadda:haddii lagu yidhaahdo Alle ka cabsada,waxa qaadaysa is
weyneyn,iyo denbi,waxa ku filan Jahanama,meeshay u noqonaya
anna way xumaatay.
Madax adayg iyo caniidnimo
ayay sifo u leeyihiin:
قالت رسلهم أفي الله شكّ
فاطر السّماوات والأرض يدعوكم ليغفر لكم من ذنوبكم ويؤخركم إلى أجل
مسمًّى قالوا إن أنتم إلا بشر مثلنا تريدون أن تصدّونا عمّا كان يعبد
ءاباءنا فأتونا بسلطان مبين (إبراهيم)-الكفّار
Aayadda:waxay Rusushu ku
tidhi Alle ma shaki baa idinkaga jira,w aa ka abuuray
samooyinka iyo dhulka,wuxu idiinku yeedhayaa,in uu idiin denbi
dhaafo,oo ilaa muddo idin siiyo,waxay yidhaahde en,wa xad
tihiin bashar nala mid ah,waxadna doonaysaan,in aad naga joojisaan
wixii aabbayaashayo caabudi jireen,noo keena xujo cad.
يريدون أن يطفئوا نور الله بأفواههم ويأبى الله إلا أن يتمّ نوره ولو
كره الكافرون(التّوبة)
Aayadda:waxa ay doonayaan in ay ku damiyaan nuurka Alle afkoo
da,Allena ma ogola in uu dhamaystiro nuurkiisa mooyee,hadday doonaan
gaaladu ha karheene.
Sifohoodu waa ku dayasho
indha la',oo aanay caqligooda iyo xaqii qda u dhabba gelin:
وإذا قيل لهم اتّبعوا ما
أنزل الله قالوا بل نتّبع ما ألفينا عليه ءاباءنا أولو كان ءاباءهم لا
يعقلون شيئاً ولا يهتدون(البقرة)
Aayadda:haddii lagu
yidhaahdo raaca waxa Alle soo dejiyey,waxay odhanayaan, mayee
waxannu raacaynaa keliya,waxannu ka helnay Aabbayashayo,oo haddii
Aabbayaashood ay ahaayeen kuwo aan caq li lahayn oo
hadoobaynna,ka warran.
Gaalada beenta way ku caana maalaan oo Allihii abuurtay bay ka been
abuurtaan:
فمن أظلم ممّن افترى على الله كذبًا أو كذب بأءياته إنّه لا يفلح
المجرمون(يونس)
Aayadda:ayaa ka dulmi badan ka Alle ka been abuurta,ee beeneeya
Aayadaha Alle,ma aha kuwo aflaxa mujrimiintu.
Been abuursho darteed ayay Allihii abuurtay u nisbeeyeen,isagaa
nasahane in uu leeyahay wiil,makhluuqa oo dhan ayaa inkiray
wax aa foosha xun,ee ay samaynayan:
لقد كفر الّذين قالوا إنّ الله هو المسيح ابن مريم قل فمن يملك من الله
شيئًا إن أراد أن يهلك المسيح ابن مريم وأُمّه ومن في الأرض جميعًا
ولله ملك السّماوات والأرض وما بينهما يخلق ما يشاء والله على كلّ شيء
قدير(المائدة)
Aayadda:xaqiiqa'e way gaaloobeen kuwa yidhi Alle waa Masiix ina
Maryama,waxad tidhaahdaa;yaa Alle ka hor istaagi kara haddii uu
doono,in uu halligo Masiix ina Maryam,iyo hooyadii iyo dhamaan waxa
dhulka jooga oo dhan,Alle waxa u sugnaaday oo uu iska leeyahay
samooyinka iyo arlada iyo inta u dhexaysa,wuxuna Alle abuuraa waxa
uu doono,wax kastana wuu awoodaa.
Waxa Alle u caddaynayaa gaalada in Nebi Ciise ahaa bashar,oo sida
dadka kale u dhaqmi jirey,oo la mid ahaa:
ما المسيح ابن مريم إلا رسول قد خلت من قبله الرّسل وأمّه صدّيقة كانا
يأكلان الطعام انظر كيف نبين لهم الأيات ثمّ انظروا أنّى يؤفكون
(المائدة)
Aayadda:ma aha Masiix ina Maryam Rasuul mooyee wax kale,oo Rusul
kale ka horreysey,hooyadiina waa run badan,labadooduba cuntada ayay
cuni jireen,eeg sida aannu Aayadahayaga ugu caddaynay,dabadadeedna
eeg sida ay u ilduufayaan ee u dhaafayaan.
ويجعلون لله ما يكرهون وتصف ألسنتهم الكذب أنّ لهم الحسنى لا جرم أنّ
لهم النّار وأنّهم مّفرطون تالله لقد أرسلنا إلى أُمم من قبلك فزيّن
لهم الشيطان أعمالهم فهو وليّهم اليوم ولهم عذاب أليم(النحل)
Aayadda:wax kasta oo ay karhaan Alle ayay u nisbaynayaan,oo afkoodu
been ayuu ku sifoobey,oo wanaag bay sheeganayaan,dhib ma laha oo
naar bay leeyihiin,waanay xadgudbeen oo fogaad een,A lle
ayaan ku dhaartee,waxannu Ummado kaa horreeyey u dirnay
Rusul,dabadeed Shaydaanka ayaa u qurxiyey camalladooda,isagay
kaashadaan waxana ay gelayaan cadaab kulul.
Beentooda waxa ka mid ah,in ay yidhaahdeen Nebi Ciise waannu dilney:
وقولهم إنّا قتلنا المسيح عيسى ابن مريم رسول الله وما قتلوه وما صلبوه
ولكن شبّه لهم وإنّ الّذين اختلفوا فيه لفي شكّ منه ما لهم من علم إلا
اتّباع الظّنّ وما قتلوه يقينًا بل رفعه الله إليه وكان الله عزيزًا
حكيمًا(النسّاء)
Aayadda:iyo qawlkooda annagaa dilney Masiix Ciise ina Maryam
Rasuulkii Alle,mana ay dilin mana ay salbinin,laakiin waa loo
shabbahay,kuwa ku murmay arrinkaas shaki ayaa galay,wax cilmi ahna
uma leh,danni iyo male ay raacayaan mooyee,mana ay dilin yaqiin
ahaan,ee Alle ayaa xaggiisa u kor qaaday,Allena waa casiis xikmad
badan.
Gaaladu waxa ay ka
shakisan tahay Aakhiro iyo isasoo saaridda qiyaamaha,oo waxa la weyn
sida dib loogu soo noolaynayo,dadku markay dhintaan,iyagoo aan ka
fekeraynin,in iyagoon jirin Alle abuuray:
وقالوا أءذا كنّا عظامًا
ورفاتًاأءنّا لمبعوثون خلقًا جديدًا قل كونوا حجارة أو حديدًا أو خلقًا
ممّا يكبر في صدوركم فسيقولون من يعيدنا قل الّذي فطركم أوّل مرة
فسينقضون إليك رءوسهم ويقولون متّى هو قل عسى أن يكون قريبا(ألإسراء)
Aayadda:waxay yidhaahdeen haddaannu lafo iyo burbur noqonno,ma dib
baa naloo soo saarayaa,oo abuur cusub baa nalaga dhigaya
a,waxad ku tidhaahdaa;noqda dhagxaan ama xadiid,ama wax kasta oo
naftiinna ku weyn,waa laydin soo saari,waxa ay odhanayaan,oo yaa na
soo saaraya,waxad ku tidhaahdaa kii markii horeba idin abuuray ayaa
idin soo saaraya,markaasay madaxa kuu ruxayaan,oo odhanayaan waa
goorma,waxad ku tidhaahdaa waxa la arkaa in ay dhowaato.
Gaaladu waxa beenaysay Aayadaha Alle,oo Alle iyo Rasuulkiisa iyo
diintiisa way diideen,cid kasta oo Alle iyo Rasuulkiisa aaminana way
collaystaan,oo way neceb yihiin,oo waxay ku dadaalaan in ay dadku
sidooda wada gaaloobaan:
وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ
مِلَّتَهُمْ (البقرة)
Aayadda:idinkama raalli noqonayaan Yuhuudda iyo Nasaaridu (Kiris
tanku),ilaa aad raacdaan milladooda mooyee.
Gaaladu waxay u taagan
tahay sida dadka ay uga hor istaagi lahaa yeen khayrka,iyo
cibaadada Alle keligii,waxana ay falawgeed mar kasta ku jiraan siday
dadkoo dhan,sidooda gaalo uga dhigi lahaayeen:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تُطِيعُوا الَّذِينَ كَفَرُوا
يَرُدُّوكُمْ عَلَى أَعْقَابِكُمْ فَتَنْقَلِبُوا خَاسِرِينَ (آل عمران)
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii aad adeecdaan kuwa
gaalobey, diintay idinka saarayaan,markaas ayaad isu rogaysaan kuwo
khasaara.
Gaalada waxa u sifo ah isla weyni,waxayna iyagoo khalad iyo
kaaf irnimo ku jira,isu arkaan dad wanaagsan,oo ilbaxnimo iyo
dimuqr adiyad wax ay ula bexeen ku dhaqma:
هل ننبئكم بالأخسرين أعمالا الّذين ضلّ سعيهم في الحيّاة الدّنيا وهم
يحسبون أنّهم يحسنون صنعًا أولئك الّذين كفروا بأيات ربّهم ولقائه
فحبطت أعمالهم فلا نقيم لهم يوم القيامة وزنًا(الكهف)
Aayadda:ma idiinka warramaa kuwa camalkoodu khasaaray,waa ku
wa nolosha adduunka u ordaya,ee isu malaynaya in ay wanaag fal
ayaan,iyagoo xumo ku jira, kuwaasi waa kuwa beeneeyey Aayadaha
Rabbigood,iyo la kulankiisa qiyaamaha, markaasay burtey oo
burb urtay shaqadoodii iyo waxqabadkoodii,oo wax qiimo ah, ama
miis aan ah,oo ay leeyihiin qiyaamaha ma jirto.
Gaaladu iyagoo garanaya,oo arkaya nimcada iyo awoodda Alle ayay
haddana diidayaan,oo wixii laga reebay ku degdegayaan:
يعرفون نعمة الله ثمّ ينكرونها وأكثرهم الكافرون(النحل)
Aayadda:way garanayaan nimcada Alle,haddana way inkiriyaan,oo
intooda badani waa kaafiriin.
Waxay gaaladu awdaan oo xidhaan waddo kasta,oo xaqa iyo khayr
ka lagu gudanayo:
الّذين كفروا وصدّوا عن سبيل الله زدناهم عذابًا فوق العذاب بما كانوا
يفسدون(النحل)
Aayadda:kuwa
gaaloobay,ee xidhaya oo awdaya waddada Alle,waxannu cadaabka ugu
siyaadinaynaa cadaab kale,waxay fasaadinayaan darteed.
Gaaladu waxay la col yihiin Alle iyo Rasuulkiisa iyo Muslimiinta
aaminsanba:
هَاأَنتُمْ أُوْلاء تُحِبُّونَهُمْ وَلاَ يُحِبُّونَكُمْ وَتُؤْمِنُونَ
بِالْكِتَابِ كُلِّهِ وَإِذَا لَقُوكُمْ قَالُواْ آمَنَّا وَإِذَا
خَلَوْاْ عَضُّواْ عَلَيْكُمُ الأَنَامِلَ مِنَ الْغَيْظِ قُلْ مُوتُواْ
بِغَيْظِكُمْ إِنَّ اللّهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ)أل عمران)
Aayadda:waa idinkaa jecel kuwaa aan iyagu idin jeclayn,oo idinku
kutubtoo dhan waad rumaynaysaan,haddii ay idinla kulmaan,waxay
odhanayaan diinta waannu rumaynay,markay idinka tagaanna cadho ayay
faraha qaniinayaan,ku dheh ku dhinta cadhadiina iyo cadaaw
adiina,Alle waa u cilmi badan yahay,oo og yahay waxa laabaha ku
jira,ee la qarinayo.
Gaaladu waa xaasid miidhan,oo haddii wanaag iyo khayr muslinku helo
way ka xumaadaan,haddii dhibi la kulantona way ku farxaan:
ِإن تَمْسَسْكُمْ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ وَإِن تُصِبْكُمْ سَيِّئَةٌ
يَفْرَحُواْ بِهَا وَإِن تَصْبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لاَ يَضُرُّكُمْ
كَيْدُهُمْ شَيْئاً إِنَّ اللّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ ) أل عمران)
Aayadda:haddii wanaag iyo khayr aad heshaan way ka xumaanaya
an,hadday dhibi idin asiibtona way ku farxayaan,haddii aad
sabir taan,oo Alle ka cabsataan, waxba idinma yeelayso
dhagartoodu,Alle ayaa koobaya waxa ay samaynayaan.
Xaasidnimo iyo necayb ay muslinka u qabaan darteed,waxay xataa
hadday awoodaan, jecel yihiin inay indhohooda kugu waxyeele
eyaan,oo kugu legdaan!:
وَإِن يَكَادُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَارِهِمْ
لَمَّا سَمِعُوا الذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُ لَمَجْنُونٌ )القلم )
Aayadda:waxay u dhowaanayaan kuwa gaaloobey,in ay idinku maja
xaabiyaan, oo idinku ridaan indhohooda,markay maqlaan digriga iyo
Aayadaha Eebbe,oo waxay odhanay waa waallan yahay.
Gaaladu waxay raaceen
shaydaanka iyo hawada naftooda,oo waa shaydaanal insi,oo waxa aad ku
garanaysaa,sifooyinka iyo calaamad aha xunxun oo dhan ee
faxshiga ah:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:"علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب
وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee
wuxu yidhi Calaamadaha munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo been ayuu
sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo had dii
wax lagu aamino wuu khiyaamaa.
Xaalka gaaladu sidee
noqonayaa Aakhiro iyo qiyaamaha,waxa iman aysa runta iyo
xaqiiqada,taas oo uu diidanaa,oo uu dhaafsaday nolo sha
adduunka iyo hawadiisa:
إنَّ الَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَن يُقْبَلَ
مِنْ أَحَدِهِم مِّلْءُ الأرْضِ ذَهَباً وَلَوِ افْتَدَى بِهِ
أُوْلَـئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ)أل
عمران)
Aayadda:kuwa gaaloobey,ee
ku dhintay gaalnimada,laga aqbali ma ayo hadday keenaan dhulka
muggiis oo dahab ah,si ay isugu furt aan,kuwaasi waxay
gelayaan cadaab kulul,mana helayaan cid u gargaarta.
Marka qiyaamuhu dhaco,ee runtu run geydo waxa gaaladu jeclaan
aysaa haddii ay muslin ahaan lahaayeen.
وَلَوْ تَرَى إِذْ وُقِفُوا عَلَى النَّارِ فَقَالُوا يَا لَيْتَنَا
نُرَدُّ وَلا نُكَذِّبَ بِآيَاتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ
الْمُؤْمِنِينَ (الأنعام)
Aayadda:haddaad arki lahayd iyagoo taagan naarta,oo leh
hoogaya ga'e,haddii nala celin lahaa,oo aannaanu Aayadaha Alle
beenay nin,oo muslimiin noqonno.
Gaalku wuxu jeclaysanayaa in uu helo wax uu isku furto,si uu u
bad baadao:
يبصرونهم يودّ المجرم لو يفتدي من عذاب يومئذ ببنيه وصاحبته وأخيه
وفصيلته الّتي تؤيه ومن في الأرض جميعًا ثمّ ينجيه (المعارج)
Aayadda:waxay arkayaan
naarta,markaasaa mujrimku jeclaysan ayaa hadduu iskaga furan
lahaa maalintaa cadaabka,ilmihiisa,iyo qofkay is qabaan,iyo
walaalkiis,iyo xigtadiisa(tolkiisa/qabiilkiisa)garab siinaysey,iyo
waxa dhulka jooga dhamidood, dabadeed uu badbaado.
يريدون أن يخرجوا من النّار وما هم بخارجين منها ولهم عذاب
مقيم(المائدة)
Aayadda:waxa ay doonayaan
in ay ka baxaan,naarta,mana aha kuwo ka baxaya,waxa ay leeyihiin
cadaab ay ku waarayaan,oo ku negaanayaan.
كلّما أرادوا أن يحرجوامنها أُعيدوا فيها وقيل لهم ذوقوا عذاب النّار
الّذي كنتم به تكذبون (السّجدة)
Aayadda:markasta oo ay doonaan,in ay naarta ka baxaan waa lagu
celiyaa,oo la odhanayaa;dhadhamiya cadaabka naarta aad ahaydeen kuwo
beeniya.
Gaaladu iyagoo cadaabka ku
jira ayay dhexdooda ka doodayaan,oo kuwii madaxda ahaa,iyo kuwii
kale ayaa is qabsanaya,oo is eeda ynaya:
وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي
النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا
كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنْتُمْ مُغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِنَ
النَّارِ قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ
اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ (غافر)
Aayadda:waqti(xus Nebi Allow)ay naarta ku dhex doodayaan,oo kuwii
ducufada ahaa ku odhanayaan kuwii kibri jirey,waxannu ahayn kuwii
idinka idin raacay,oo idinla jira'e,ma naga furanaysaan qayb naarta
ka mid ah,markaas ayay kuwii kibray odhanayaan dhamaan teen
waan ku wada jirnaa,Alle ayaana Addoomadiisa kala xukum aya,oo
kala gar siinaya.
Gaaladu markay kulaylkii cadaabka adkaysan waayeen,ayay dadka ehlu
jannada ah,ka dalbayaan caawimo:
وَنَادَى أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا
عَلَيْنَا مِنَ الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ قَالُوا إِنَّ
اللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى الْكَافِرِينَ الَّذِينَ اتَّخَذُوا
دِينَهُمْ لَهْوًا وَلَعِبًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا
فَالْيَوْمَ نَنسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَذَا وَمَا
كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ (الأعراف )
Aayadda:waxa asxaabta naartu u dhawaaqayaan asxaabta jannad
a,oo odhanayaan nooga soo fidiya biyaha iyo waxa Alle idinku
arsa aqay waxoogaa, markaasay odhanayaan asxaabta jannadu Alle waa
ka xarrimay gaalada,kuwa diintoodii dheeldheel iyo ciyaar ka
yees hay,ee ay dagtay nolosha adduunku,manta waxa aannu u
illaawa ynaa,sida ay u illaabeen la kulanka maalintoodan,iyo sida ay
Aayad ahayaga ugu dhega adaygayeen,ee u diidayeen.
Waxay gaaladu jeclaanayaan hadday mar keliya noqon lahaayeen,oo Alle
u saamixi lahaa in Aduunkii lagu celiyo oo ay muslin soo noqda
an,si ay cadaabka uga baxaan:
فلوا أنّ لنا كرّة لنكوننّ من المؤمنين(الشعراء)
Aayadda:haddii aannu
heli lahayn fursad noqosho,waxa aannu noqon lahayn
muslimiin.
Sifooyinka kufaartiyo
Saancadaale gaalo ah
Sarta haddaan ka qaadoo
Kuu sargooyo qaabkood
Sidaas weeye baad odhan
Sarreeyow Illaah bay
Saluugeen jidkiisii
Sadbursiinyo iyo dhawr
******
Shaydaanka siiyeen
Saliiteye nimankani
Saxariirta naartiyo
Silic bay mudanayaan
Dadka saatir raacee
Suuradaha quraankiyo
Sunnuhii Rasuulkeen
Ku sugnaaday amarrada
Gaalo way sannifaysaa
Samohooda ma ogola
******
Silic bay la
jecelyiin
Iyo suluf colaadeed
Sabool inay ahaadaan
Sacabbada u hoorsada
Sekedohooda tuugsada
Isku soogan weligood
Sinnaan aan ku dhaqminoo
Anigaa sarreya iyo
Seefaha isu afaystoo
Saacidada islaamkana
******
Selel bay ka qaadaan
Sina uma heshiisaan
Haddaanad sidoodiyo
Sawrocooda yeelanin
Salaadda iska daynoo
Ku soognaan xumaanshaha
Sirta hooy bal fahanoo
Sibiq yaanu kugu gelin
Xumuhoo la saafoo
Saxaafaddu xor weeyaan
******
Dimuqraadi waa sidan
Inta xaqa sugaysana
Seef la booddo weeyaan
Sijni bay mutaysteen
Sama kuuma ogolee
Yay ku seejin khayrkiyo
Saamigaaga Aakhiro
Suuradahaa caddeeyee
Sixir yay ku saarine
Soorta iyo carruuraha
******
Saatirku uu u
badiyeyna
Sannadaha Adduunkaa
Sahay looga yeelee
Haysa siinin hawadiyo
Suuradooda dagista ah
Sadkaagu waa jannada iyo
Saacidada Adduunkee
Saafi iyo cibaadiyo
Iimaanka sugo oo
Yuu ku saban dhalaalkood
******
Yuu ku sirin
Adduunkani
Ku sugnow jidkii Alle
Sifo gaal ka dheerow
Suubbi oo cibaadada
Sawdkaagu xaqa iyo
Samaha yuu ka leexanin
Salaadda iyo Soonkiyo
Sakada iyo Sadaqada
Saad ka yeelo weligaa oo
Saatirkaa u mahadceli
|
Alle ayaan ka baryaynaa inuu inugu sugo iimaanka oo inaga dhigo kuwo
If iyo Aakhiroba liibaana,oo isaga keliya ku tiirsada oo talas
aarta.Aamiin,Aamiin.
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|