Adduunka ama Kownka
Qaybtii 19 aad

 


Sifooyinka Muuminka


Sifooyinka laga rabo qofka muuminka ah,in uu ku sifoobo,waa kuwa diinteennu ina farayso,oo ay aasaas u tahay taqwada ama cabsida Eebbe oo koobsanaysa dhamaan ku sifowga sifooyinka wanaagsan oo ay ka mid yihiin;sabirka iyo dulqaadka,furfurnaanta iyo weji furnaanta,calool xaadhanta iyo hufnaanta,iyo  deeqsinim ada iyo geesinimada, runsheegga iyo  daacadnimada, musuulnim ada iyo xaqsoorka,iyo dhamaan sifooyinka wanaagsan ee  diintee nna xaniifka ahi ina barayso:


Taqwadu waxay u tahay sifooyinka wanaagsan aasaas iyo saldh ig,qofka muslinka ah,ee iimaankiisu buuxo,Allena tala saarta oo itaalkiisa aan waxba la hadhin ee dadaal ula yimaada cibaadada Alle faray,waxa u suurtagasha in uu kasbasdo sifooyinka wanaagsan ee qofka muuminka ah laga rabo:


وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا وَالَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا(الفرقان)


Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi waa kuwa dhulka u socda si deggan oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan jaahiliintu salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya iyagoo Alle u sujuudsan iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan,oo odhanaya;Rabbiyow naga badbaadi cadaabka  jahanna ma,waxa weeye cadaab halis ah oo darane.


Muslinka iimaankiisu buuxo ee taqwada iyo cabsida Eebbe ku  no oli wuxu Alle u caabudaa sidii oo uu arkayo oo kale,waayo wuxu og yahay in Alle arkayo,oo og yahay wax kasta oo uu fulinayo oo samaynayo:


الإحسان: "أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك‏"


Ixsaanku waa in aad Alle u caabuddo sidii aad arkayso oo  kale ,haddii aanad arkaynin isaga ayaa ku arkaya'e.


Waxa arrinkaasi qofka muslinka ah dhaxalsiinayaa in uu ahaado mid mar kasta diyaar ah,oo heegan ugu jira inuu kasbado ajar iyo derejo sare,oo uu xagga Alle ka helo:


Waxa dadku yidhaahdaan hebel waa fariid ama waa nin daran oo fiican,haddaba run ahaantii qofka fariidka ahi waa muslinka  dhab ta ah ee huwan kuna sifooba,sifooyinka wanaagsan ee Islaamka:


وروي عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: (الكيس من دان نفسه وعمل لما بعد الموت، والعاجز من أتبع نفسه هواها وتمنى على الله)، قال الترمذي:


Xadiiska:waxa laga weriyey Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu yidhi;qofka raganimada lihi waa ka naftiisa ilaaliya,ee u shaqaysta waxa mowdka ka  danbeeya, caa jiskuna waa ka naftiisa raaciya hawadeeda,ee haddana Alle ka fila.

Xadiis kale ayaa Rasuulku salawaatullaahi wasalaamu calayhi ku sheegay in uu yahay qofka muuminka ahi ka fariidka ah ee maskaxda furan ee xaqa ku dadaala:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"المؤمن الكيس الفطن"


Xadiiska:Muuminku waa ka fariidka ah ee maskaxda furan.
Qofka muslinka ah isagoo adeegsanaya garashada Alle siiyey ayuu ku fekeraa waxa ku xeeran,ee kala geddisan,oo dareemaa  awoo dda Alle iyo caajaa'ibta kownkan:


"ويتفكرون في خلق السموات والأرض ربنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النار"( آل عمران)


Aayadda:waxay ku fekerayaan abuurta samooyinka iyo arlada,oo odhanayaan; Rabbiyow uma aad abuurin baadilnimo,adigaa nasah ane naga badbaadi naarta.


Qofka Muslinka ahi waa ka iska ilaaliya ee ka feejigan  shayda anka iyo meelaha uu ka soo gelayo,iyo waswaaska iyo cabsida uu ku abuuri karo oo dhan:

إنّما ذالكم الشيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).

Aayadda:kaasi waa shaydaan bajinaya kuwa raaca ee  wehesha da,ha ka biqina,oo aniga iga baqa haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.


Qofka Muslinka ahi wuxu ku nool yahay kalsooni oo wuxu si  habs ami ah ugu dhaqmaa waxa Alle faray iyadoo naftiisu ku raaxaysanayso oo raalli ka tahay:

إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون(النحل)


Aayadda:Alle wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan oo dadka ehelka ah la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo  diida yaa in xumaha iyo munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin yaboohayaa oo idiin yeedhayaa waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

Ku dhaqmidda sida diinteennu dhigayso,oo ah mid ku habboon oo daboolaysa baahida dadka dhinac kasta,ayaa qofka wanaagsani baraa naftiisa oo caado ka dhigtaa,Waxana uu ka dheeraadaa oo ka fogaadaa waxa la reebay oo dhan,iyo waxa u horsedi kara oo dhan,waxa naftaadu diiddo ama shaki iyo dareen xun ku geliyaa ma fiicna:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ ، وَالإِثْمُ مَا حَاكَ فِي صَدْرِكَ وَكَرِهْتَ أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ.


Xadiiska:Wanaaggu waa dabeecadda iyo akhlaaqda  wanaags an,denbiguna waa wixii dhiba laabtaada,ee aad karaahiyaysato in dadku kugu arkaan.

Sifooyinka wanaagsan waxa ka mid ah in qofku u ahaado  waalidk iisa baarri oo u debecsanaado,si uu u hanto ducadooda iyo jacayl kooda:


"وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً" ( الإسراء)


Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay inaan isaga mooyee cid kale la caabudin oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah ama labaduba uu da' ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin oo ku dheh hadal wanaagsan.


Waxa Ayad kale Alle inoogu sheegayaa in keligii la caabudo,oo aan loo shariig yeelin,sidoo kale loo sameeyo waalidka iyo dadka qaraabada ah iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka,qofka laga helo fulinta arrimahan oo dhami,wuxu ku sifoobayaa sifada qofka muuminka ah ee wanaagsan:


واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب(النساء)


Aayadda:caabuda Alle oo shayna ha ugu shirki samaynina, una sameeya ixsaan waalidka iyo dadka qaraabada ah iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka kuu dhow, iyo jaarka kugu xiga iyo saaxiibkaaga kugu xiga(culimada qaarkood waxay ku fasiraan qofka aad isu dhaxdeen ee ixqabtaan).


Qofka muslinka ah waxa loo baahan yahay inuu ku sifoobo sabir iyo dulqaad:


Sabirku waa in uu qofku wixii dhib ah ee la soo dersa uu u  sabra a,oo Alle ka baryaa in uu khayr ugu beddelo,sidoo kale nimcada Alle siiyo,waa in uu u sabraa oo aanu ku kufriyin oo nimcada Alle siiyey ku shukri naqaa oo ay ka muuqataa:


"وأمّا بنعمة ربّك فحدث"(الضّحى)


Aayadda:nicmada Allena sheeg yacni ku shukri naq oo ha kaa muuqato.

Samirku waa sifo looga baahan yahay qof kasta oo ah muumin:


يا أيّها الّذين ءامنوا استعينوا بالصّبر والصّلاة إنّ الله مع الصّابرين(البقرة)


Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyow kaalmaystay oo  taagee rsada sabirka iyo salaadda,Alle wuxu la jiraa kuwa sabra'e.
Waxa sidoo kale qofka muslinka ah laga rabaa inuu isagu sabir la yimaaddo,dadka kalena faro sabirka oo ku taageero:


يا أيّها الّذين ءامنوا أصبروا وصابروا ورابطوا واتّقوا الله لعلّكم تفلحون(العمران)


Aayadda: kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyow sabra oo dadka  sabri ya,oo ku sugnaada xaqa,oo ku adkaada goobihiinna,Allena ka baqa waxa la arkaa in aad aflaxdaan oo guulaysataane.

Qofka muslinka ah haddii arrin la soo gudboonaado wuxu qaataa dariiqa iyo wejiga ugu fudud ee dhibta yar,isagoo doorbida inuu cafis iyo saamaxaad bixiyo,oo sabro:


ولمن صبر وغفر إن ذلك لمن عزم الأمور(الشورى)

Aayadda:kuwa sabra ee denbi dhaaf sameeya(saamaxaadda),arrinkaasi waa go'aan qiimo badan.

Sifooyinka wanaagsan ee muuminka looga baahan yahay waxa ka mid ah dulqaadka iyo cadhada in uu loqo oo is illawsiiyo:


"والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين " (آل عمران)


Aayadda:kuwa cadhada laqa(illaawa/qariya) ee dadka cafiya Alle waa jecel yahay kuwa ixsaanka iyo samafalka sameeya. Waxa sifooyinka wanaagsan ka mid ah xishoodka iyo dhowrsoonaanta:


قال : { الإيمان بضع وسبعون شعبة أو بضع وستون شعبة، فأفضلها قول لا إله إلا الله، وأدناها إماطة الأذى عن الطريق والحياء شعبة من الإيمان } [رواه البخاري(


Xadiiska:wuxu yidhi Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam  iima anku waa dhawr iyo todobaatan qaybood,ama dhawr iyo lixdan qaybood,oo uu ugun sarreeyo,uguna faddilan yahay qawlka laa illaaha illa Allaah,oo ay ugu hoosayso dariiqa oo laga leexiyo ama laga baydhiyo,waxyaalaha dhibta leh,xishoodkuna waa qayb iimaanka ka mid ah.

Waxa laga rabaa muslin kasta in uu ku daydo oo sameeyo,wixii Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee samayn jirey:

"لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيراً)"الأحزاب)


Aayadda:xaqiiqa'e wuxu idiin ahaa Rasuulkii Illaahay ku dayasho wanaagsan,kii rajeyna Alle iyo yawmul aakhiro,ee Alle in badan xusuusan ee xusaya.

Nebigu sallallaahu calayhi wasalam wuxu ahaa mid xishood  bad an,oo ay waajib tahay in aynu ku deyano,oo sifooyinkiisii ku sifowno:

قال أبو سعيد الخدري رضي الله عنه : " كان النبي صلى الله عليه وسلم أشدّ حَياء مِن العَذْراء في خِدْرِها " . رواه البخاري ومسلم

Xadiiska:wuxu yidhi Abu Siciid Alkhudri raalli Alle ha ka  noqde e;wuxu ahaa Nebigu sallallaahu calayhi wasalam wuxu ahaa mid ka xishood badan gashaantida aan la guursan weli.

Xishoodku waa shey ku amaanan Islaamka oo looga baahan yahay muslin kasta,bal u fiirso sida labadii hablood ee Nebi Muuse u  war aabiyey xoolaha,ugu timi mid ka mid ahi iyadoo xishood ka  muu qd,si ay ugu wargeliso in Aabbeheed uga abaalgudayo hawshii uu u qabtay:

فجاءته إحداهما تمشي على استحياء قالت إنّ أبي يدعوك ليجزيك أجر ما سقيت لنا...(القصص)

Aayadda:waxa timi middood iyadoo u soconaysa si xishood leh oo ku tidhi Aabbahay ayaa kuu yeedhaya si uu kaaga abaaliyo xoolahaad noo waraabisay…

Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu ahaa mid xishood badan,oo waxa uu inoo yahay halbeeg aynu ku  daya no,oo siduu u dhaqmi jirey oo kale u dhaqanno.


Dhawrsoonaantu waa in aad ceebta ka dheeraato,oo waxa Alle kaa xarrimay sida sinada ka fogaato,oo aad ahaato qof daahir ah oo naftiisa ilaaliyey,waxan tusaale u soo qaadanaynaa  dhawr  so onaanta Maryama bint Cimraan calayhaa salaam iyo Nebi Yuusuf calayhi salaam,Maryama waxa ay ahay haweeney dhawrsooni  ba dan oo u ah dumarka wanaagsan tusaale iyo ku deyasho wanaagsan:

ومريم ابنت عمران الّتي أحسنت فرجها فنفخنا فيه من روحنا وصدّقت بكلمات ربّها وكتبه وكانت من القانتين(التحريم)


Aayadda:iyo Maryama ina Cimran tii wanaajisey farjigeda ee ilaalisay,waxannu ku afuufnay ruuxdayada waxanay rumaysay kelimaadkii Rabbigeed iyo Kutubtiisa waxanay ka mid ahay kuwa iimaanka leh ee cabsada.


Nebi Yuusuf dhawrsoonaantiisa darteed waxa damacday oo  doon tay inuu si aan bannaanayn wax ugu sameeyo,oo ka  sinays  to,la akiin gaashaankuu u daruuray,oo wuxu ahaa shakhsi leh iimaan iyo taqwo Alle,kuna sugnaaday dhawrsoonaan:

وراودته الّتى هو في بيتها عن نفسه وغلّقت الأبواب وقالت هيت لك قال معاذ الله إنّه ربّي أحسن مثواى إنّه لا يفلح الظالمون(يوسف)


Aayadda:waxa nafteeda la doontay tii uu gurigeeda joogey,oo albaabadii intay xidhay ku tidhi kaalay haddaba,markaasuu yidhi Alle ayaan ka magan galay waxaa, Rabbigaygu wuxu wanaajiyey meeshaan ku sugnaanayo,mana aflaxaan kuwa daalimiinta ahi.

Waxa jira dad danyar ah oo sabool masaakiin ah,laakiin  dhawrso onaan darteed aan dadku garanayn in ay yihiin dad baahan:

للفقراء الّذين أُحصروا في سبيل الله لا يستطيعون ضرباً في الأرض يحسبهم الجاهل أغنيآء من التّعفف تعرفهم بسيماهم لا يسئلون النّاس إلحافاً وما تنفقوا من خير فإنّ الله به عليم(البقرة)

Aayadda:Fuqarada ah kuwa dariiqa Alle loo koobay ee aan  awoo daynin in ay dhulka maraan,oo uu u malaynayo jaahilku in ay aqniyo yihiin,oo wax haystaan,taasina waa dhawrsoonaantooda awgeed,waxad garanaysaa calaamadahooda oo dadka waxba ma waydiisanayaan,wixii aad khayr u bixisaan sadaqo,Alle waa og yahay.

Runtu waxay ka mid tahay sifooyinka qofka muslinka ah looga baahan yahay,waxa qiimaha runta ina baraya diinteenna oo Alle subxaana watacaalaa qawlkiisu yahay run,innagana ay tahay in aynu run ku dhaqnno:

ومن أصدق من الله قيلا ". النساء


Aayadda:ayaa ka run badan qawlka Alle.
Runtu waa sifo wanaagsan oo qofka ay hawl yar tahay sida uu u baro naftiisa,oo isaga ilaaliyo in uu afkiisa ka sheego wax aan run ahayn,waayo qofku hadduu fududaysto oo aanu runta ku adkaysan way ka fogaanaysaa oo waxay dhaxalsiinaysaa been.


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: " إن الصدق يهدي الى البر والبر يهدى الى الجنه وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقا. وإن الكذب ليهدي الى الفجور والفجور يهدي الى النار وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند الله كذابا". البخاري


Xadiiska:wuxu yidhi Rasuulkii Alle nabadgelyo iyo naxariisi  korkii sa ha ahaatee; runtu waxay kugu hanuunisaa  wanaagga, wanaa gguna wuxu kugu hanuniyaa Jannada, qofku runtuu sheegaa ilaa looga qoro Alle agtiisa run badane,beentuna waxay kugu  hanuu nisaa faajirnimada,oo faajirnimadu waxay kugu hanuunisaa  naar ta,qofku beentuu sheegaa ilaa looga qoro Alle agtiisa beenaale.

Waxa qofka muslinka laga rabaa inuu ku sifoobo sifaha  wanaa gsan ee muslinku leeyahay,oo ka dheeraado sifooyinka  munaa fiqiinta iyo gaalada oo beentu ka mid tahay:


"علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان"


Xadiiska:Calaamadaha munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo  be en ayuu sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo haddii wax lagu aamino wuu khiyaamaa Qofka muslinka ah waxa looga baahan yihiin in uu ku sifoobo fur furnaan iyo  bashaashni mo,iyo dabeecad wanaagsan:


"وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )


Xadiiska:dhoola caddayntaadu aad wejiga walaalkaa ku  qaabish aa waa sadaqo.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa in uu dadka u muujiyo oo ku qaabilo weji furan, oo aan ahayn weji macbuusnimo,sidoo kale isa saamaxa iyo liqida cadhada:

"والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين" ( آل عمران)

Aayadda:kuwa laqaya cadhada(cadha burburaya)ee cafiya  dadka Alle waa jecel yahay kuwa muxsiniinta ah ee ixsaanka iyo wanaagga sameeya.

Waxa la rabaa oo loo baahan yahay in qofka muslinka ahi ahaado mid calool xaadhan,oo dadka muslinka ah wada jecel,oo  sifooy inka wanaagsan ku doorta oo ku ixtiraama,laakiin aan ku ixtira amin wax kale sida qabiil iyo wax la mid ah:

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : "لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه.

Xadiiska:Abu Hurayra waxa laga weriyey in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi;ha is xaasidina,oo ha isku eryina(sida ganacsiga..iwm),oo ha isu cadhoonina,oo ha isu  dha bar jeedinina,oo yaanu iibsan badhkiinba waxa badhka kale  doo nayo inuu iibsado,oo ahaado Addoomada Alle ee walaalaha ah Muslinku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo oo ma hoojiyo mana xaqiro,taqwada iyo cabsidu waa halkan(ayuu yidhi  Rasu ulku)isagoo tilmaamaya laabtiisa saddex jeer,waxa ugu filan  qof ka muslinka ah shar in uu xaqiro walaalkiisa muslinka ah,Muslin kasta muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisuba.


Sifooyinka muslinku waa in uu kaashado,oo taageersado isna  taa geero u fidiyo dadka muslimiinta ah:


وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(المائدة)

Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku  ca awinina,denbiga iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu waa mid daran oo adage.

Sidoo kale sifooyinka muslinku waa in ay dadka muslinka ah is  far aan wanaagga oo iska reebaan xumaha:


وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)


Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin oo isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan  xumah a,oo Salaadda oogayaan Sakadana bixinayaan,Alle iyo  Rasulkii sana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka qaaliga ah ee xakiimka ah.

Sifooyinka muslinka waxa ka mid ah xaqsoor iyo cadaalad  sama yn,mar kasta:


ياأيها الذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهدآء لله ولو على أنفسكم أو الوالدين والأقربين إن يكن غنياً أو فغيراً فالله أولى بهما فلا تتّبعوا الهوى أن تعدلواً(النساء)


Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow ahaada kuwo ku qumma oo sameeya xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato nafihiinna,ama waalidiinta,ama dadka qaraabada ah,qofku ama taajir wax haysta ha ahaado,ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor Alle ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiina inaad caddaalad samaysaan.
Waxa ka reebban muslinka dulmiga in ay iyagu is dulmiyaan oo cid kale dulmiyaan:


قال رسول الله " إتقوا الظلم فإن الظلم ظلمات يوم القيامة }"واه مسلم{


Xadiiska:ka baqa dulmiga oo ha samaynina,dulmigu waa mugdi maalinta qiyamaha'e
Waxa ka mid ah sifaha laga rabo muslinka in uu ku sifoobo raxmad iyo naxariis,waa sifo Alle inaga rabo,oo haddaynu ku sifowno Alle inoogu naxariisanayo:


وعن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال: قال رسول الله : ((من لا يرحم الناس لا يرحمه الله)) [رواه البخاري ومسلم] ، ورواه أحمد


Xadiiska:Jariir Ibnu Cabdillaahi Alle ha ka raalli noqdee wuxu  yid hi Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:kaan dadka u naxariisan Alle uma naxariisto.

Sifooyinka wanaagsan waxa ka mid ah in qofka muslinka ahi  noq do mid sadaqada bixiya,oo waxa uu jecel yahay dadka kalena la jeclaada:


لن تنال البر حتّى تنفقوا ممّا تحبّون وما تنفقوا من شيء فإنّ الله به عليم(العمران)


Aayadda:heli maysaan wanaagga ilaa aad bixisaan waxaad  jeces hihiin,wax aydin bixisaanna Alle waa og yahay.

Qofka kibirka badani ma galo jannada oo waxa muslinka la  faray aa kibir la'aan iyo isqaadqaad la'aan:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "لا يدخل الجنة من كان في قلبه مثقال ذرة من كبر"


Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha  ahaa tee wuxu yidhi;ma galo jannada qof in yar oo kibir ahi qalbigiisa ku jirto.

الحديث: "من تواضع لله رفعه ومن تكبر وضعه "

Xadiiska:qofkii tawaaduc iyo kibir la'aan u dhaqma Alle wuu kor qaadaa,kii kibrana wuu hoos dhigaa.

Sida qofka sifaha wanaagsan leh loo tixgeliyo ee loo doorto  loog ana doorbido ciddii kale,waxay ku tusaysaa in lagu qiimeeyo qofka dhaqankiisa iyo wuxuu ku sifoobo:

حديث:"إذا أتاكم من ترضون دينه وأمانته فزوجوه إلا تفعلوا تكن فتنة في الأرض وفساد كبير"

Xadiiska:hadduu idiin yimaaddo mid aad ka raalli noqotaan  diintii sa iyo amaanadiisa u guuriya,haddii kale dhulka fitno iyo fasaad ayaa ka dhacaya'e.


Sifaha iyo astaamaha qofka muuminka ah lagu gartaa way badan yihiin waxana sal iyo aasaas u ah taqwada ama cabsida Eebbe.


Waxan Alle ka baryaynaa inuu inoo fududeeyo oo ina jeclaysiiyo sifooyinka wanaagsan inagana dhigo kuwo leh sifooyinka  muum inka dhabta ah,kuna muta raalli noqodka Eebbe iyo jannadiisa

Aamiin Aamiin.

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w