Adduunka ama Kownka
Qaybtii    24  aad

 


Amaanada iyo Daynta

Alle subxaana watacaalaa wuxu makhluuqaadka uu abuuray,u kala  saa ray kuwo caqli leh,iyo kuwo aan caqli lahayn,kuwa caqliga leh waa  sad dex Malaa'igta,Insaanka iyo Jinka,waxa ay wadaagaan Malaa'igta iyo Jinku in aynaan arki karin innagu,haddaynu Insaan nahay,iyaguse ina arkaan,waxa sidoo kale Insaanka iyo Jinku wadaagaan,waxa ay  labado odu yihiin mukallafiin,ay saaran tahay amaanada diinta xaqa ahi:


وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)

Aayadda:Umaan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan  mooyaan e,kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah oo leh quwad xoog leh.


Labadaba Insiga iyo Jinka waxa Alle u abuuray in ay caabudaan Alle keligiis,wax kale oo loo abuuray ma jiraan.


Amaanadu waa shey culus oo leh shuruudeheeda iyo waajibaadkiisa,oo ay tahay in looga soo baxo,oo loo guto sida la iska rabo,ee waajibka ah,waxana Alle isagaa korreeyee inoo soo diray Rusul ina barta,oo inoo caddaysa sida iyo dariiqa loo guto,ee Amaanadaa waajibkeeda looga soo boxo.


Waxa Alle subxaana watacaalaa u soo bandhigay makhluuqaadka oo  dh an,in ay amaanada diinta qaadaan,laakiin way ka cudur daarteen,Allena waa ka aqbalay, waxase qaaday oo ogolaaday Insaanka:


قال تعالى (إنا عرضنا الأمانة على السّماوات والأرض والجبال فأبين أن يحملنها وأشفقن منها وحملها الإنسان إنه كان ظلوما جهولا) الأحزاب


Aayadda:waxannu u bandhignay amaanada samooyinka iyo arlada iyo buuraha, dabadeed way diideen in ay qaadaan,oo culayskeeda ayay dhibsadeen,waxase qaaday Insaanka waa dulmi badane jaahil ah.
Alle subxaana watacaalaa Adduunkan wuxu u abuuray si xaq ah,oo ujeeddo ku dhisan,uma abuurin dheeldheel iyo ciyaartoonna,amaanada Insiga iyo Jinka saaranina ma aha mid la fududaysan karo,maadaama amar Eebbe ay tahay:


وما خلقنا السّماء والأرض وما بينهما لاعبين(ألأنبياء)


Aayadda:uma aannu abuurin samooyinka iyo arlada iyo inta u dhexaysa ba si dheeldheel iyo ciyaar ah.


Qofka muslinka ahi waa in aanu dhayalsan noloshan iyo ujeeddada ka dambaysa,iyo amaanada ina wada saaran,ee ah in diintu waxay ina farayso aan la nimaadno,waxa ay innaga reebaysona ka dheeraanno,oo hoggaansamid dhab ah la nimaadno.


Qof kasta amaanada waa lagala xisaabtami doonaa,oo xataa naftiisu waa amaano Alle u dhiibtey,isagu iskama leh,waxana laga rabaa in uu xaqeeda mariyo,ma halligi karo mana dili karo,oo waxay la mid tahay hadduu is dilo isagoo qof muslin ah dilay:


ومن يقتل مؤمنًا متعمدًا فجزاءه جهنّم خالدين فيها(النسّاء)


Aayadda:kii u dila qof muumin ah,si badheedh ah jasaa'igiisa iyo  abaalk iisu waa jahanama oo uu ku waarayaa.


Ma aha noloshu ciyaar ciyaar iyo sidii filin la metalayo,oo diintan Alle  ay aa soo dejiyey,sharcigeeda iyo waajibkeeda ina baray,innagu ikhtiyaar uma lihin in aynu ciddaynu doonto diinta ka saarno,ama u  deyno,waxa ynu doonnona xalaalayno,waxa aynu doonnona xaaraan ka  dhigno,d iintani waa amaano ina wada saaran,qof kastana waa lala xisaabtami doonaa,dheeldheel iyo sidaynu jecel nahay ma aha:


أفحسبتم أنّما خلقناكم عبثاً وأنّكم إلينا لا ترجعون فتعالى الله الملك الحقّ لا إلـه إلا هو ربّ العرش الكريم(المؤمنون)


Aayadda:ma waxad u malaynaysaan in aannu idiin abuurnay dheeldheel iyo ciyaar,oo aan xaggayaga la idiin soo celin doonin,Alle ayaa kor  ahaa day,boqorka xaqa ah,ee isaga mooyee aan Alle kale jirin,waana ka carshiga kariimka ah iska leh.

Waxa laga rabaa qofka muslinka ah,in uu ilaaliyo amaanada Alle ku  wa ajib yeelay,oo ay uga soo baxaan masuuliyadda ay leedahay  amaanad ani sida la rabo,oo aanay ka gaabin,oo khiyaamin amaanada saran,ee waajibka ku ah:


يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لاَ تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ) الأنفال(


Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,ha khiyaamina Alle iyo  Ras uulkiisa,oo ha khiyaamina amaanooyinkiinna,idinkoo og,oo garanaya.


Alle wuxu ina amrayaa in aynu ilaalino amaanada oo u celino ciddii iska lahayd,iyada oo sideedii ah,oo aan nusqaan lahayn iyo ceeb  kale,waq tigeeda iyo muddadeedana waa in la ilaaliyo,oo aan lala dib dhicin,ee loo celiyo ehelkeeda ama ciddii lahayd:


إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعاً بَصِيراً(النساء(


Aayadda:Alle wuxu idin amrayaa in aad u celisaan amaanooyinka  ehel koodii iska lahaa,oo haddii dadka aad kala xukumaysaan,aad si  cadda alad ah u kala xukuntaan, Alle wuxuu idiinku yeedhayaa oo idiin  yaboo hayaa wanaag,Alle waa ka maqlaya ee arkaya wax kasta.


Waxa diinteenna xaniifka ahi ina faraysaa in aynu ilaalino amaanada,oo aynaan marna samayn khiyaamo,xataa haddii adiga lagu  khiyaa mo,aanad adigu sidooda yeelin:


)قال رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ أَدِّ الأَمَانَةَإِلَى مَنْ ائْتَمَنَكَ وَلا تَخُنْ مَنْ خَانَكَ‏.‏(مسند أحمد


Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaat e e yidhi; amaanada u celi ciddii ku aaminta,oo ha khiyaamin adigu ka ku khiyaama.


Amaanadu waa mas'uuliyad si guud dadka midba si gaar ah u  saara n,mid waa la wada wadaagaa,oo waa ta diiniga ah,ee waajibka ina wada saran,ta kale qof kasta wixii si gaar ah,ama loogu aamino ee loo dhiibto,ama xil ha ahaado,ama xoolo iyo alaabo,ama ha ahaado ballan iyo sir…iwm,waxa qofka looga baahan yahay in uu masuuliyadaas ka soo baxo:


قال رسول الله صلى اللّه عليه وسلم" كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته فالإمام راع و مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها و مسئولة عن رعيتها والخادم راع في مال سيده و مسئول عن رعيته فكلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته"


Xadiiska:Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi kulligiin waxa tihiin masuul,waxanad ka masuul tihiin waxa la idin raaciyey,ee mas'uulka la idiinka dhigay,Iimaamku waa masuul waxanu masuul ka yahay Ummadda la raaciyey,Haweenaydu waa mas'uul  waxa nay ka masuul tahay,guriga ninkeeda oo la weydiinayaa,Khaadimkuna waa masuul oo maalka iyo xoolaha sayidkiisa(kuu u shaqeeyo)ayuu masuul ka yahay oo la weydiinayaa, kulligiin waxad tihiin masuul waana laydin weydiinayaa waxaad masuulka ka tihiin.


Qofka waxyaalaha lagu qiimeeyo,ee lagu qadariyo,waxa ka mid  ah,aa min nimada:


قال النبي عليه الصلاة والسلام: "ألا لا إيمان لمن لا أمانة له، ولا دين لمن لا عهد له"


Xadiiska:wuxu yidhi Nebigu calayhi salaatu wasalaame,waar hooy  iima an ma laha,qofka aan amaano lahayni,oo diin ma laha qofkaan ballan lahayni.


Rasuulkeenna sallallaahu calayhi wasalam,waxa loo yaqaanney saadiqul amiin,oo ah run badanihii aaminka ahaa,xataa ka hor intaanu nebiga noqon,ka dib Alle wuxu ku sifeeyey aamin:


مطاع ثمّ أمين(التكوير)


Aayadda:waa mid muddeec ah,oo aamin ah.

Aaminnimadu waa sifooyinkii anbiyadoo dhammi lahayd, iyo muslin  kas too khayr jecel,dhamaan waxa ay Anbiyada ama Rusushu sifo u  lahaay een aaminnimo, iyo dhamaan sifooyinka Islaamku ina farayo,waayo waxay inoo ahaayeen ku dayasho:


إذ قال لهم أخوهم نوح ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم هودٌ ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم صالح ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم لوط ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم شعيب ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين (الشعراء)


Dhamaan aayadahani waa isku mid waxana Nebiyada Nuux,Huud,Saalax iyo Shucayb, mid kasti qowmkiisa u sheegayaa in uu yahay Rasuul Alle u soo diray,oo ah mid aamin ah,waxaynu soo qaadanaynaa qawlka Nebi Nuux:
Aayadda:waqti(xus Nebi Allow)uu ku yidhi walaalkood Nuux miyaydaan cabsanayn waxan idiin ahay Rasuul laydiin soo diray oo aamin ah.
waxa tusaale aynu u soo qaadanaynaa dhacdooyin inoo muujinaya aaminnimada iyo qiimeheeda:


Nebi Yuusuf markii boqorkii Masar u yeedhay wuxu u sheegay Yuusuf sifadiisa:


قال اجعلني على خزائن الأرض إنّي حفيظ أمين(يوسف)


Aayadda:iga dhig ninka khasnadaha ka masuulka ah,waxan ahay mid wax xifdiya,oo ilaaliya oo ah aamine.


Nebi Muuse ayay gabadhi u sifaynaysaa Aabbeheed si uu shaqaale uga dhigo:


قالت ياأبت استجره إنّ خير من استئجرت القويّ الأمين(هود)


Aayadda:Aabbow shaqaale inooga dhig,waxa shaqaale u khayr badan qof xoog weyn,oo aamin ahe.
Cirfiid isagoo Nebi Suleyman isu sifaynaya,oo leh carshiga waan keeni karaa:


قال عرفيت من الجنّ أنا ءاتيك به قبل أن تقوم من مقامك وإنّي عليه لقويّ أمين(النمل)


Aayadda:wuxu yidhi cirfiid oo jinka kamid ahaa,anigaa ayaa keenaya(carshiga),inta aanad ka kicin meeshaada,oo waxan ahay mid xoog leh oo aamin ah.


Amaanadu waa shey culus,inta badanna dadka muslimiinta ahi way ilaaliyaan,oo way ka soo baxaan waajibkeeda,laakiin gaalada iyo munaafiqiintu ma laha aaminnimo,oo waxay sifooyinkooda ka mid ah in ay khiyaamaan,oo buriyaan amaanada:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:"علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان"


Xadiiska:Calaamadaha munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo been ayuu sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo haddii wax lagu aamino wuu khiyaamaa.


Sida diinta islaamku u adkaysay amaanada iyo daynta,qofka haddii uu dhinto,iyadoo dayn lagu leeyahay,haddii aan laga bixin,ama aanu saamixin qofkii uu deynka ka qaatay, jannada way ka hor istaagaysaa deyntaasi:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"إذا إستشهد أحد ورجع وإستشهد ورجع وإستشهد لن يدخل الجنّة إذا كان عليه شيء من الدين.


Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi; haddii uu qof shahiido,oo la soo celiyo,oo uu haddana shahiido,oo mar kale la soo celiyo,haddana uu shahiido,jannada ma gelayo,haddii wax dayn ah lagu lahaa.


Ilaalinta sirta iyo ceebaha qofka kale waa amaano:


قَالَ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم "إنما يتجالس المتجالسان بالأمانة، ولا يحل لأحدهما أن يفشي على صاحبه ما يكره"


Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi;laba waxay ku kulmaan oo ku wada fadhiistaan amaano,ay is aaminaan,midna uma xalaal aha,in uu saaxiibkii ka fidiyo wax uu karhayo.


Waxa Alle ina amrayaa in aynu oofinno,heshiisyada iyo ballamaha,oo aynan ballanka iyo heshiisyada ka bixin oo khiyaamin,ee waqtigooda iyo waajibkoodaba dhawrno:


{يا أيها الذين آمنوا أوفوا بالعقود} المائدة


Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow oofiya heshiisyada.

Waxa la sifaynayaa dadka muslimiinta ahi saday amaanada u xifdiyaan:
Waxa Ummad kasti leedahay dad ku caan baxa aaminnimada,oo marka amaanada laga hadlayo la soo xusuusto,Ummaddeenna waxa Rasuulku inoo sheegay in uu u yahay amiin ama aamin saxaabiga la odhan jirey Abu Cubeyda,sida xadiiskan ku cad:

قَالَ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم:اِنَّ لِكُلِّ اُمَّةٍاَمِينًا، وَاِنَّ اَمِينَنَا اَيَّتُهَا الاُمَّةُ اَبُو عُبَيْدَةَ بْنُ الْجَرَّاحِ‏‏‏(صحيح البخارى)


Xadiiska:waxa Rusuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaat ee yidhi; Ummad kasti waxay leeday amiin(aamin),innagana  amiinkeen nu ummad yahay waa Abu Cubayda Ibnu Jarraax.


Soomaalidu waxay dhaqan ahaan iska ilaaliyaan daynta iyo  amaanad a,haddii ay dantu ku khasabtona,waxa ay ku dadaalaan in ay  masuliya deeda ka soo baxaan,oo ay culayskeda iska qaadaan,sida ugu dhaqsaha badan,waxana ay ku maahmaahaan:


Amaano kugu raagtay yaddaadaad mooddaa,iyo amaano cirkaa diiday oo dhulkaa diiday oo aadamaa qaaday…iwm,oo wada caddaynaya sida ay u dareensan yihiin.

Waxa qaab dhaqameedkaas ku aaddan amaanadu ina tusayaa sida ay uga feejignaayen ee u ilaalin jireen amaanada,xilna isaga saari jireen.
Daynta iyo amaahdu waa shey culus oo Alle ina amray in haddii aynu wax kala deynsanno,aan qorno iyadoo marag leh,Aayadda deynta ka hadlaysaa,waa Aayadda ugu dheer Quraanka,ee ah Aayadda 282aad ee suuradda Albaqra:

) يا أيها الذين آمنوا إذا تداينتم بدين إلى أجل مسمى فاكتبوه وليكتب بينكم كاتب بالعدل ولا يأب كاتب أن يكتب كما علمه الله...( البقرة)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii dayn aad kala  deyns at aan,qora oo ha idiin qoro dhexdiinna qore caadil ah,oo yaanu diidin qoruhu in uu u qoro sidii Alle u baray.

Amaanadu way balaadhan tahay waxa hoos imanaya;amaanada weyn oo ah diinta,ka dib nimcada Alle ku siiyey ee amaanada kugu ah,sida nafta iyo xubnaha kala geddisan ee maqalka iyo araggu ka mid  yihii n,waa in uu ilaaliyaa waa amaano lagala xisaabtamayo'e,sidoo kale cirdigiisa iyo sharaftiisa qofka waa amaano dul saaran, ubadku waa amaano rabbayntooda iyo masuuliyadoodu qofka saaran tahay,camalka iyo xilka ama shaqada qofka loo igmaday waa amaano:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " إذا ضيعت الأمانة فانتظر الساعة "


Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee  wu xu yidhi; haddaad dayacdo amaanada sug saacadda(Qiyaamaha).

Sidoo kale Rasuulku sallawaatullahi wasalaamuhu calayhi wuxu tilmaa may camalka sida loo baahan yahay in loo guto:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " إذا عمل أحدكم عملا فليتقنه "


Xadiiska:haddii midkiin shaqo qabanayo ha uga soo baxo si fiican,oo hagarla'aan ah.
Waxa amaanada ka mid ah ilaalinta iyo xifdiyidda sirta,qofka ama dadka waa in aan sirtooda la faafin,waa amaano,wixii laguu dhiibto ee alaab ama maal ahina waa amaano,lagaa rabo xifdinteeda iyo ilaalinteeda.


Waxa ka mid ah sifooyinka qofka muslinka ah aaminnimada:

(والذين هم لأماناتهم وعهدهم راعون) المؤمنون


Aayadda:kuwa amaanadooda iyo axdiyadooda ama ballamohooda  ilaal inaya.

Laba qiso oo Rasuulku kaga bixinayo tusaale aaminnimada aan soo  qaa danno:


Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,isagoo  asxa abtiisa u sheekaynay ayuu yidhi;nin baa wuxu nin kale ka iibsadey  dhu l,dabadeed dhulkii uu iibsadey,ayuu ka helay dahab,markaasuu ninkii dhulka ka iibiyey u geeyey,oo ku yidhi dahabkan dhulkii aad iga iibisey ayaan ka helaye qaado,dabadeed ninkii dhulka iibiyey wuu diidey,oo yidhi anigu dhulka iyo waxa ku jiraba waan kaa iibiyey,ka dib ayay isula tageen nin kale oo u kala gar qaada,ninkii u kala gar qaadayey markuu dhegaystey labadii nin ee arkay sida mid kasti uga cararayo amaanada iyo waxa aanu lahayn,ayuu ku yidhi wax carruur ah ma leedihiin,mid  ba a ydhi wiil baan leeyahay,kii kale ayaa yidhi anigu gabadh baan  leeya hay,markaasuu yidhi ninkii u gar naqayey, waxa aad yeelaysaan wiilka iyo gabadha ayaad isu guurinaysaan oo dahabkan uga dhigaysaan  wa xay ku noolaan lahaayeen,sidii bay ku heshiiyeen,oo yeeleen.


Qisada kale wuxu Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame sheegay in nin reer Bini-Israa'iil ahi waydiistey nin kale in uu amaahiyo kun  diinna ar,dabadeed wuxu ninkii ku yidhi ii keen markhaatiyo,aynu marag ka dhiganno,wuxu ninkii amaahda rabey yidhi; Alle ayaa innoogu filan markhaati,markaasuu yidhi waayahaye ii keen cid kafiil ah, wuxu yidhi ninkii Alle ayaa innoogu filan kafiil,wuxu ninkii yidhi run ayaad sheegtay wuxu siiyey amaahdii oo u qabtay waqti go'an,ninkii wuu qaatay  deynk ii,dabadeed wuxu ka gudbay badda oo u tallaabay halkuu degganaa,oo hawlihiisii iyo muraadkiisii fushaday,markii ay gaadhey muddadii  ballan ta,ayuu lacagtii soo qaaday oo raadraadiyey markab,uu raaco oo u  gud biya meeshii ninka kale joogey,dabadeed markuu waayey markab  maa lintii ballantuna joogto,ayuu wuxuu sameeyo garan  waayey,amaanidii iyo ballantuu qaadayna wuu arkaa,wuxu soo qaaday loox,dabadeed wuu xordhay,oo meel godan ka dhex sameeyey,markaasuu lacagtii ku  rida y,oo geliyey meeshii uu qoray,oo warqad uu ninkii u dirayona  raaciy ey,oo dusha ka awdey,wuxu isasoo taagey baddii oo yidhi;Allow waad og tahay in aan hebel kun diinnaar ka amaahday,oo markuu i weydiiyey kafiil aan idhi Alle ayaa innoogu filan kafiil,oo uu ka raalli noqday,ka dibna waqtigii ballanta aan waayey markab aan raaco,Allow adaan ku talo saaranayaa,wuxu looxii ku tuuray badda,marku looxii badda galay ayuu iska tegey,isagoo weli markab kale,deydeyaya,dabadeed ninkii uu lacagta ka amaahday ayaa is yidhi waqtigii way gaadhee bal soo eeg in wax markab ahi yimi,ma uu arag wax markab ah,wuxu xeeligii badda ku arkay loox yaalla, markaas ayuu looxii sii qaatay si uu dabka ugu  shit o,oo xaabo uga dhigto,markuu looxii jejebiyey,wuxu ka helay lacagtii iyo warqaddii ninku soo qoray,halkii buu lacagtiisii ku qaatay,muddo yar ka dib ayuu yimi ninkii wax amaahday isaga oo sida kun diinnaar,isagoo cudur daaranaya ayuu ku yidhi,ilaa intaan kaa maqnaa waxan ku  hawla naa sidaan u heli lahaa markab,oo aan lacagtaada kuu soo celiyo,ma  a anse helin, wuxu ninkii waydiiyey;miyuu jiraa wax aad ii soo dirtay? ,wuxu yidhi waxan kuu sheegayaa in aanan helin wax markab ah,kan aan hadda ku imi mooyee!,wuxu ninkii ku yidhi Alle ayaa kaa furtay,oo looxii aad soo dirtay i soo gaadhsiiyey,lacagtiina waan helay,markaas ayuu ninkii kunkiisii diinnaar iskala noqday.


Waxa labadan qiso ee gaagaabani ina tusayaan sida ay tahay qiimaynta amaanada iyo talosaarashada Alle aad ku talosaarato wixii niyad  wan aag iyo khayr ah,amaanada Alle waa kugu gargaarayaa haddaad  oofi nteeda iyo ilaalinteeda ku dadaasho.

 

 

 

Amaanada qofkii oofiyaa
Waa akhyaar mudane
Abaal buu helaayaa
If iyo Aakhiro'e
Alle wuu ka baqay
Oo amarka wuu qaatay
Adeec buu la yimid
Oo Aayadaha diinta
Idil waxay faraayaan
Aqbalay intuu yidhuu

*****

Adeegsadoo fuliyey
Addoonkii Illaahay
Waa ehelu khayrkaase
Ixtiraam iyo qadderin
Amaan iyo wanaag
Ixsaan iyo samaan
Ehel buu u yahay
Ayniguu yahayba
Wuu istaahilaa uuye
Odhaah horaa lahayd

*****

Amaanada middii
Aminteeda badan
Ooddaada taal
Adhigaad ku dari
In aad leedahaad
Isku odhanaysaa
Ood u iilataa
Isticmaal ahaan
Addoonyohow ogow
Amaanadu ma aha
Arrin sahal ahoo

*****

Eeddeeda aad ka adkaysatee
Is ilaaliyoo heedhe
Amaan aad heshide
Ummaddoo dhamina
Ha ku aamintee
Amarrada Illaah
Deyntiyo amaah
Ballan iyo ogaal

*****
Asalkiyo cirdiga
Naftan kugu alkuman
Adimada dhegaha
Indhaha iyo gacmaha
Adigaa masuul
Alle kaaga dhigay
Amaanada adkee
Oo oofiyoo
Ehlul khayrka noqo

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w