Adduunka ama Kownka
Qaybtii 2 aad
 

salaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu. Waxan salaan qaali ah u dirayaa Walaalahayga Bahda Longlivesomaliland , oon mar kasta leeyahay go forward with your fair and smooth work to gain Awards of us.


SAKHIRAADAHA

Adduunka illaahay Subxaana watacaalee wuxu ku diyaariyey dhamaan waxyaalaha ay u baahan yihiin Uumiyaha ku dhaqani,wuuna u sakhiray oo u laylyey una geliyey anfaco buuxisa oo daboosha baahidoodoo dhan:

هو الذي جعل لكم الارض ذلولا فامشوا في مناكبها وكلوا من رزقه واليه ترجعون... ءاية من سورة الملك

Aayaddu waxay odhanaysaa(Alle) waa kii ka yeelay dhulka mid laylisan oo sakhiran si aad ugu dul socotaan oo aad cuntaan risiqiisa dabadeed Illaahay ayaad u soo noqon doontaan aakhirka.

Dhulku waa makhluuq ka mid ah waxyaalaha Alle abuuray, mar kii amaanada aynu sidno loo bandhigay inay qaadaan way diideen oo culayskeedayna ka carareen:

قال تعالى (انا عرضنا الامانة على السماوات والارض والجبال فأبين ان يحملنها واشفقن منها وحملها الانسان انه كان ظلوما جهولا)

Aayadda macneheedu waa Alle wuxu yidhi waxannu u  bandh ignay Amaanada Samooyinka iyo Dhulka iyo Buuraha dabadeed way diideen oo way dhibsadeen culayskeeda dabadeed waxa qaaday insaanka waa dulmi badane jaahil ah.

Haddii Quraanka lagu soo dejiyo Buur waxad arki lahaydeen iyadoo khushuucsan oo la wareersan cabsida illaahay:

يقول تعالى في سورة الحشر:{لو أنزلنا هذا القرآن على جبل لرأيته خاشعا متصدعا من خشية الله وتلك الأمثال نضربها للناس لعلهم يتفكرون}

Wax kasta oo Alle abuuray way adeecaan oo u tasbiixsadaan, inkastoo aynan fahmayn

تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَنْ فِيهِنَّ وَإِنْ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا

Ayaddayni waxay sheegaysaan in Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku suganiba Alle u tasbiixsadaan,shey kasti illaahay ayuu u tasbiixsado laakiin waxaydinaan fahmeyn qaabka iyo sida uu u tasbiixsanayo.

Waxa Quraanku ina barayaa in san ku neefle dhamaantii mid dhulka ku nool iyo mid baalashiisa ku duulaba in ay yihiin Ummado innala mid ah:

قوله تعالى: {وما من دابة في الأرض ولا طائر يطير بجناحيه إلا أمم أمثالكم ما فرطنا في الكتاب من شئ} ألأنعام

Sidoo kale Suuradda Alnamli waxaynu ku arkaynaa in qudhaanjada hadalkeeda Nebi Saleebaan maqlay oo ku qoslay oo dhoola caddeeyey Aayaddaa illaahay darteed oo dabadeed illaahay u shukri naqay:

حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِنْ قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَى وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَدْخِلْنِي بِرَحْمَتِكَ فِي عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ...النمل

Aayadda macneheedu waxa weeye:Markay waadigii soo  gaadh een(Saleebaan iyo Ciidankiisii) ayay Qudhaanjadii  tidhi:Qudha anjooyinkow gala godadkiina yaanay idin burburin Saleebaan iyo Ciidamadiisu iyagoon war idiin hayn,markaasuu maqlay  Sal eebaan hadalkaa Qudhaanjada oo dhoola caddeeyey oo yidhi  r abbow igu caawi inaan kuugu shugri naqo nimcadaad iigu  nimc aysay,iyo labadayda Waalid iyo inaan sameeyo camal  wanaags an oo aad ka raali tahay,raxmadaadana igaga dhig mid ka mid ah addoonadaada saalixiinta ah ee wanwanaagsan.

 

 

Wax kastoo Qadhaabtoo

Quudkooda raadsada

Waa Qoomam kula mida

Qaadirkaa Abuuroo

Qaabkoodan siiyoo

Qormo hadal u gaaray

*******

Qorshohooda ku fushaan

Adigu waanad qoolayn

Oo macnohooda qabanayn

Qudhaanjaba Suleymaan

Qawlkeeda garayoo

Qaadirkii u mahadceli

 


Rabbi subxaana watacaalee wuxu ka dhigay Bini'aadanka mid ka fadilan oo ka sarreeya makhluuqaadka kale:


ولقد كرمنا بني ادم وحملناهم في البر والبحر ورزقناهم من الطيبات وفضلناهم على كثير ممن خلقنا تفضيلا سورة الاسراء


Alle wuxu yidhi subxaana wataacaalaa:xaqiiqa'ewaxannu  kar aamaynay oo mid sare ka dhignay Bini'aadamka oo Berriga iyo baddaba u suuragelinnay inuu ku noolaado oo ku irsaaqnay  day ibaad wanaaqsan oo ka fadilnay in badan oo ka mid ah  makhl uuqa aanu abuurnay.

Illaahay Bini'aadamka wuxu u sakhiray dhamaan  makhluuqaa dka kale si uu u gudan karo ujeedada loo abuuray oo ah inay Illaah caabudaan:

وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)

Umaan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane  wa x kale kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan illaahay ayaa Raasiq ah oo leh quwad xoog leh.

Waxa illaahay u sakhiray insaanka dhamaan koonkan oo uu anfacadiisa iyo baahidiisa u adeegsado:

والآهكم اله واحد لا اله الا هو الرحمن الرحيم ان في خلق السماوات والارض واختلاف اليل والنهار والفلك التي في البحر بما ينفع الناس ومآانزل الله من السماء من مآء فأحيا به الارض بعد موتها وتصريف الرياح والسحاب المسخر بين السماء والارض لآءيات لقوم يعقلون.


Aayadda macneheedu waxa weeye:Illaahay waa Illaah keliya Illaah kale oon isaga ahayni ma jiro waa illaaha Raxmaanka ah ee Raxiimka ah,Abuuridda Samooyinka iyo Arlada iyo isbedelka Habeenka iyo Maalinta iyo Doonta badda maraysa si anfaco  da dka ugu gudbiso,iyo biyaha cirka ka soo da'aya ee dhulka  noola ynaya markuu dhinto ka dib iyo kala gediska dabaylaha iyo  Dar uuraha loo sakhiray Samada iyo Arlada dhexdeeda(ooy  sabbay nayaan) aayado ayay u yihiin ciddii caqli leh.

Waxa illaahay u sakhiray Insaanka Xiddigaha si ay ugu noqdaan calaamado ay tilmaansadaan kuna xisaabtamaan oo waqtiga iyo jahooyinka ku gartaan:

وهو الذي جعل لكم النجوم لتهتدوا بها في ظلمات البر والبحر قد فصلنا الآيات لقوم يفقهون… ءاية من سورة الانعام

Aayaddu waxay odhanaysaa:(Alle) waa ka ka yeelay Xiddigaha kuwo aad calaamadsataan oo tilmaansi idiin noqda marka aad mugdiyada berriga iyo badda ku jirtaan waanuna u fasilnay Aayadaha qawmkii fahmaya.

هو الدي جعل الشمس ضياء والقمر نورا وقدره منازل لتعلموا عدد السنين والحساب ما خلق الله ذالك الا بالحق يفصل الايات لقوم يعلمون...(ءاية في سورة يونس)

Aayadani waxay cilmi ahaan ku baraysaa in waqtiga ay  samee yaan Qorraxda iyo Dayaxu Illaahay isagaa korreeya'e wuxuu  o dhanayaa (Illaahay)waa kii ka yeelay Qorraxda mid iftiin bixisa Dayaxana ka yeelay mid nuur bixiya si aad ugu garataan tirsiga sannadaha iyo xisaabaha Illaahay xaq mooyee wax kale uma abuurin,Aayadahan wuxu u kala caddeeyey cidii garanaysa ee fahmaysa.

وسخر لكم اليل والنهار والشمس والقمر والنجوم مسحرات بأمره ان في ذالك لايات لقوم يتفكرون… ءاية من سورة النحل

Aayadda macneheedu waxa weeye:(Alle) wuxu idiin sakhiray Habeenka iyo Maalinta,iyo Qorraxda iyo Dayaxa iyo Xiddigaha amarka Eebbe ayay ku sakhiran yihiin arrinkaasi waxay u yihiin Aayadaho cidda fekeraysa.

وذللناها لكم فمنها ركوبهم ومنها ياكلون... ءاية من سورة يـسين

Aayaddu waxay leedahay waxanu u laylinay oo hayin uga dhignay Xoolaha oo isugu jira kuwo ay fuulaan ama rartaan iyo kuwo ay cunaan oo qashaan.

يقول الله تعالى: (وَإِنَّ لَكُمْ فِي الأَنْعَامِ لَعِبْرَةً نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِ مِن بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَناً خَالِصاً سَآئِغاً لِلشَّارِبِينَ) النحل

Aayadda macneheedu waxa weeye Xoolaha cibro ku qaadasho ayaa idiinku sugan waxanu cabbitaan(dhamitaan) idinka siinnaa waxa calooshooda ku jira ee dhiigga iyo uuska dhexdooda ayaannu idiinka soo saarnaa caano cabbitaanka ama dhamidda ku wacan oo wanaagsan.

وجعلنا الليل لباسا وجعلنا النهار معاشا...سورة النبأ

Illaahay korreeye wuxu inoo sakhiray Habeenka iyo Maalinta oo wuxu ka dhigay Habeenka mid aynu ku nasanno Maalintana mid aynu xoogsanno oo wax macaashno.

Waxa la gudboon qof kasta inuu fahmo oo garto Adduunkan iyo ujeeddada loo sameeyey oo uu ka faa'iidaysto waqtiga inta uu ku sii sugan yahay oo cabsida iyo cibaadada Eebbe si dhab ah u guto oo ku noolaado muddada uu Adduunka ku sii baaqi yahay oo Illaahay ugu shugri naqo nimcada uu siiyey ee u sakhiray..

 

 

Dhulka siman eed ku soconay
Sidaad rabto u qaadayso
Tallaabada sifaalkeeda
Sakhiraadda Eebbiyo
Waa samaha khayraade
Saatirkaa u mahadceli
Samada saqafka laga yeelay
Xiddigaha la seemaalay
Qorrax meeris sugan raacda
Dayax soohdin loo qoolay

*******

Daruuraha sabbayntooda
Samadiyo dhex mara Saraca
Saatir uu ka shubo roobka
Sakhiraadda Eebbiyo
Waa samaha khayraade
Saatirkaa u mahadceli
Badaha aad salkoodaasna
Cunto aad ka soo saarto
Doontuna sabbaynayso
Safarka aad ku beegayso

*******

Sakhiraadda Eebbiyo
Waa samaha khayraade
Saatirkaa u mahadceli
Xoolaha aan sabaal doonin
Sahay kuu ah dhuuniga
Solaygiyo dubashada
Maraqa aad ka saarayso
Caanohooda saafiya
Ku samaato cabbidood
Saadka aad ku qaadayso

*******

Sahanka aad ku geley qaarna
Sarta gogosha laga helayo
Sifo kuma dhamayside
Sakhiraadda Eebbiyo
Waa samaha khayraade
Saatirkaa u mahadceli
Suuraddaada quruxda leh
Alle uu ku siiyee
Kuu sameeyey qaabkaa
Sirta noloshu leeday

*******

Saatir uun ayaa garan
Suuree Adduunyada
Sii feker saxoo dhab ah
Sabir yeelo weligaa
Salfudayd ayuu iman
Kala saafiddeediyo
Sargoynteeda meelee
Saatirkaa u mahadceli
Siraad iyo iftiin iyo

*******

Haddaad saani u fekeri
Saatir waad ka biqi oo
Sahwi waad ka dheeraan
Sakhiraadda Eebbiyo
Waa samaha khayraade
Saatirkaa u mahadceli
Saxo oo amuuraha
Seeto xidho samaha oo
Ku sugnoow cibaadada.

 


Waxaan Illaahay ka rajeynaynaa inuu ina waafajiyo inaan ugu shugri iyo mahadnaqno nimcada uu inoo sakhiray oo u gudanno cibaadada siduu raalli ka yahay oon helno ixsaan If iyo Aakhiro oo guul iyo khayr ku waarno.

 

 

Saeed Ibrahim Hussein

 

 



As/w/w