Adduunka ama Kownka

 

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Waxan salaantaa sare ee qaaliga u dirayaa dhamaan Bahda Longlivesomaliland.com oon leeyahay ku waara wanaag iyo khayr.


Adduunka ama Kownka

Adduunka ama Kownku waa mid ka mid ah Makhluuqaadka ama waxyaalaha Alle subxaana wataacaalaa abuuray.

Adduunku waa Daar ama Hooy leh waqti xaddidan oo Allihii abuuray ugu talagalay ujeeddo iyo sababo go'an,Aduunku waa kelmed carabi ah oo macneheedu yahay tii dhoweyd yacni ma aha meel lagu waarayo,Aduunkan Alle wuxu ku diyaariyey muddo gaaban oo ah 6 maalmood iyadoo wax daal iyo dhibi aanay jirin:
قال تعالى : ( ولقد خلقنا السموات والأرض وما بينهما في ستة أيام وما مسّنا من لغوب(

Aayadda macneheedu waa Allaa yidhi xaqiiqadii waxanu ku abuurnay samooyinka iyo dhulka lix maalmood iyado aanay wax daali nala kulmin oo na taaban.

Alle isagaa korreeya'e wax kasta markuu abuuray ayuu ku hadeeyey oo baray sida iyo dariiqada ay u noolaanayaan ama u jirayaan iyo hawlahay gudanayaan:

َقالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَى كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَى (طه)
Alle subxaana watacaalee wuxu cirka ama samooyinka taagey iyadoo aan wax tiirar ah aanay haynin waa awoodda illaahaye:

الله الذي رفع السماوات بغير عمد ترونها ثم استوى علي العرش وسخر الشمس والقمر كا يجري لاجل مسمى يدبر الامر يفصل الايآت لعلكم بلقاء ربكم توقنون.... ءاية من سورة الرعد

Aayadda macneheedu waxa weeye Alle waa kii kor yeelay  samooy inka tiir la'aan,dabadeedna carshiga ku ekaaday oo sakhiray  qorra xda iyo dayaxa,midkasti ajal go'an buu ku socdaa,Alle isagaa  arri maha kala debberaya oo Aayadaha fasilaya oo kala dhigdhigaya waxa la arkaa inaad yaqiinsataan kulanka rabbigiine(yacni inaad la kulmi doontaan Alle)

Alle subxaana watacaalee wuxu dhulka ku rakibay buuro miisaamaya oo ay dariiqyo iyo waddooyin ka baxaan cirkuna yahay saqaf oo kale oo ka sarreeya Allena sidaa u ilaalinayo oon soo dhacayn:

وجعلنا في الارض رواسي ان تميد بهم وجعلنا فيها فجاجا وسبلا لعلهم يهتدون وجعلنا السماء سقفا محفوظا...ءاية من الانبياء

Aayad macneheedu:Waxanu dhulka ku samaynay buuro si ay u sugaan oo u miisaamaan waxanuna u yeellay meelo bannaan iyo waddooyin waxa la arkaa inay ku hanuunaan oo hadoobaan oonay lumin waxanuna ka dhignay samada saqaf ilaashan oo xafidan.

 

 

Dhismahaa Adduunyada
Dheehoo bal daymoo
Dhinac kasta ka bogo'oo
Dhaygag iyo la yaabiyo
Dhamaad aanad gaadheyn
Dhismahaa adduunyadu
Dhayal iyo ma uu aha
Dheeldheel ciyaareed

*******

Dhidib li'i cirkaa jira
Dhulka gogasha laga dhigay
Lagu dhaabay buuraha
Dhinacyadana badihiyo
Webiyadu dhabbaysteen
Dheeldheel ciyaariyo
Dhayal looma keenine
Miyaanadba dhaadayn oo

*******

Meesha soo dhigan
In maalintay dhanaan tahay
Cadceeduna ay dhowdahay
Dhibtu ay kadkadan tahay
Dhitadu inay abaal tahay
Waxad idinku dhigateen
Dhab ahaan u helaysaan
Dhigaalkiyo cibaadada
Dhibici aanay dhuldhacayn
Dhamayskeeda aad heli
Dhab u raac hanuunkoo
Hooy Cabsida dhaqangelin

 


Alle subxaana watacaalaa wuxu Malaa'igta u sheegay inuu Abuuri doono oo u samayn doono dhulka khaliifad ama cid maamusha oo hogaanka u qabata deed Malaa'igtii waxay yidhaahdeen ma waxad u samaynaysaa cid fasaadisa oo dhiig ku daadisa,annaguna waannu kuu tasbiixsanaynnaa oo ku weyneynaynnaa.Alle wuxu ku yidhi Malaa'igtii waxan ogahay waxaydinaan ogayn,dabadeed waxa uu Illaahay Aadan baray magacyadoo dhan,ka dib ayuu Alle waydiiyey Malaa'igta magacyadii waxay yidhaahdeen Allow adaa nasahane ma naqaanno waxaad na bartay mooyaane adiga ayaa cilmi badan oo xakiim ah,markaas ayaa Alle Aadan ku yidhi u sheeg magacyada,markuu u sheegay Aadan magacyadii,ayaa Alle yidhi miyaanan idinku odhan waxan ogahay waxa qaybka ah ee qarsoon ee samooyinka iyo arladaba iyo waxad muujinaysaan iyo waxad qarinaysaanba:

...ءاية من سورة البقرة


markaas ayaa Illaahay ka dalbay Malaa'igta inay u sujuudaan  Aa dan Malaa'igtii oo dhami way u sujuudday Ibliis mooyaane wuu isweyniisiiyey oo is kibriyey oo kuwa gaaloobay noqday,waxa Alle waydiiyey maxaa kaa manciyey oo kuu diiday inaad u sujuuddo Aadan haddaan ku amray,wuxu yidhi Ibliis anigaa ka khayr badan oo waxad iga abuurtay Naar isagana waxad ka abuurtay Dhoobo halkaas baa Ibliis lagu eryey oo la nacladay,markaas ayuu isaguna Alle ka dalbayaa inuu daayo oo aanu dilin ilaa iyo Qiyaamaha. Alle na waa u yeelayaa ilaa waqti Alle ogyahay baa loo  ogolaaday, hal kaas ayuu ballan ku galay in Bini'aadamkii dartii jannada looga  sa aray ee dartii loo nacladay inuu dariiq kasta u fadhiisto oo lumiyo oo u qurxiyo denbiga iyo kufriga:

قال فبما اغويتني لاقعدن لهم صراطك المستقيم ثم لآتينهم من بين ايديهم ومن خلفهم وعن ايمانهم وعن شمائلهم ولا تجد اكثرهم شاكرين... ءاية من الاعراف

Aayadda:wuxu yidhi sababta ay iigu noqdeen eryidayda darteed haddaanan u fadhiisan jidkaaga iyo dariiqaaga toosan oo waxan kaga iman doonaa xagga hore iyo xagga danbe dhanka midigta iyo dhanka bidixdaba mana heli doontid in intooda badani kuu shukri naqdo.

Alle subxaana watacaalaa wuxu shaydaanka ku yidhi dheerow adiga iyo ciddii ku raacdaba Jahanama ayaan ka buuxin doonaa.
Aadan iyo Xaawo Jannada ayaa Illaahay dejiyey waxana lagu yidhi cuna wax kastoo jannada yaalla bes ha u dhowaanina geedkaas oo qudha:

وقلنا يآءدم اسكن انت وزوجك الجنة وكلا منها رغدا حيث شئتما ولا تقربا هذه الشجرة فتكونا من الظالمين....ءاية من سورة البقرة

Waxana Illaahay uga digay oo digniin ka siiyey Shaydaanka oo yidhi iska ilaaliya cadaw buu idin yahaye yuu jannada idinka saarin oo yaydinaan deed dhibaato mudane

يا آدم إن هذا عدو لك ولزوجك فلا يخرجنكما من الجنة فتشقى ...ءاية من سورة طه

Waxa Shaydaanka oo ballan qaaday inuu Insaanka lumin doono bil aabay inuu Aadan iyo Xaawo khalkhal iyo dareengelin ku  samee yo,wuxu ku yidhi:ma idin tusaa geedka haddaad cuntaan aad  waar aysaan weligiin oo barwaaqo iyo mulki aan dhamaad lahayn  helay saan!,markuu ku qanciyey ee waswaas ku ridey ayay dhadhamiyeen geedkii;markaas ayaa cawrooyinkoodii isu muuqdeen,dabadeed si degdeg ah ayay caleemihii Jannada Cawrooyinkoodii ugu  asture en,Aadan rabbigiis wuu caasiyey oo amarkii la siiyey buu jebiyey oo denbi galay.

فوسوس إليه الشيطان قال يا آدم هل أدلك على شجرة الخلد وملك لا يبلى ، فأكلا منها فبدت لهما سوءاتهما وطفقا يخصفان عليهما من ورق الجنة وعصى آدم ربه فغوى...من سورة طه


Illaahay ayaa ku odhanaya Aadan iyo Xaawo miyaanan Geedkaa idinka reebin oo idin odhan Shaydaanku cadaw dhab ah ayuu idiin yahay:


وناداهما ربهما الم انهاكما عن تلكم الشجرة واقل لكما ان الشيطان لكما عدو مبين.... ءاية من سورة طه


Waxay Aadan iyo Xaawo yidhaahdeen Rabbiyow naftayada waanu dulminnay haddii aanad noo denbi dhaafin khasaare ayaanu ku dhacaynaa oo kuwo khasaaray baanu noqonaynaa:


قالا ربنا ظلمنا انفسنا وان لم تغفر لنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين.... ءاية من سورة طه

Alle subxaana watacaalee wuu u denbi dhaafay waa naxariis  bada ne'e kolkaas baa Aadan iyo Xaawo Jannadii inta laga soo saaray la dejiyey Dhulka oo la yidhi waxa badhba badhka kale u ahaan  doon aa cadaw oo waxad ku sugnaan doontaan muddo go'an,dhulkan waa laydinka abuuray waadna ku dhiman doontaan waana laydinka soo saari doonaa.


قال اهبطوا بعضكم لبعض عدو ولكم في الارض مستقر ومتاع الي حين قال فيها تحيون وفيها تموتون ومنها تخرجون.. ءاية من سورة الاعراف

Halkaas ayay ka bilaabantay cadaawadda iyo dagaalka ay ku wada jiraan Insaanka iyo Shaydaanku in badanna Illahay waa inoo  cadd eeyey inaynu ka digtoonaanno Shaydaanka oo iska ilaalino si aanu inoo fidmayn siduu Aabbayaasheen Jannada uga soo  saaray, waxa na Alle inoo sheegay in Shaydaanku ina arkayo innaguse aynaan arkayn:

يابني ءادم لا يفتـنـنكم الشيطان كما أخرج أبويكم من الجنة ينزع عنهما لباسهما ليريهما سوءاتهما إنه يراكم هو وقبيله من حيث لا ترونهم إنا جعلنا الشياطين أولياء للذين لا يؤمنون ) . سورة الأعراف

Waxaa Aayado badani ina amreen inaynu Shaydaanka si dhab ah cadaw uga dhiganno oo ka taxadirno si aanu inoo dagin oo inoo weydaarin karkaarka cadaabkana ina gelin:


ان الشيطان عدو لكم فأتخذوه عدوا انما يدعوا حزبه ليكونوا من اصحاب السعير...ءاية من سورة فاطر

Shaydaanku waa cadawgiinna ka yeesha oo ka dhigta cadaw,wuxu idiinku yeedhayaa xisbigiisa si aad Asxaabta Saciira(cadaabta) gelaya uga mid noqotaan.

Waxa Illaahay ka dhigay Adduunka meel ama goob shaqo oo qofba wuxu kasbado uu u helayo abaalgud ama Janno ama Naar:

قلنا اهبطوا منها جميعا فإما يأتينكم مني هدى فمن تبع هداي فلا خوف عليم ولا هم يحزنون ، والذين كفروا وكذبوا بآياتنا أولئك أصحاب النار هم فيها خالدون ) البقرة

Illaahay wuxuu soo dejinayaa Aadan iyo Xaawo iyo Ibliis  Adduuny ada degga dhamaantiin kii la yimaadda hanuunkayga waa kii raaca amarkayga iyo wadadayda wax cabsi iyo wax murugo ahna ma  ar kayo,kuwa gaalooba ee beeneeya Aayadaha Illaahay,kuwaasi waa Asxaabta Naarta oo way ku waari doonaan.
 

 

 

Ma Ogtahay adoonyohow
Aduunkanaad arkaysaa
Ujeedduu u Yaalloo
Allihii abuuraa
U asteeyey sidatane
Amar Eebbe bixiyaa
Ibliis dhega adaygoo
Eryid lagu fogeeyee

*******

Ayaantaasaay Aadmiga
Ibliis is eedsadeenoo
Inuu ambiyo goostoo
Ilaa aminta aakhiro
Waa arrin sugnaadoo
Addoonkii Aflaxaybaa
Ka itaal samaadee
Inta kale Adeegsaye

*******
Inta ay adeecaan
Buu awr u rarayaa
Markay eersadaan berri
Isna wuu inkriyaa
Waa arrin la yaablee
Awoodlow illaahay
Aadamaha dhamaantood
Aragtidood wuu midayn kari

*******

Oo erey qudha ka dhigi kari
Amar Eebbe weeyoo
Imtixaanno adag baa
Axad kasta hor yaallee
Anbiyadii la soo diray
Isku erey bay ahaayeen
Illaah keliyi inuu jiro
Oo Eebbe laga baqo

*******

Bay wada iftiiminaayeen
Iimaanso waxa jira
Amar Eebbe weeyee
Amin go'ane ajali sugan
Aadmi idil iilka wuu geli
Uumiyuhu dhamaantii
Wuu aroori doonaa
Eebbihii Abuuraa

*******

Xisaabtii astaynoo
Ninkastaba Abaalmarin
Afkaarta iyo Aragtidu
Itaalkiyo Aqoonuhu
Ururradiyo Asxaabuhu
Ikhtilaafka Aragtidu
Amakaagid ma laha'oo
Ashqaraar ma keentee

*******
Allahii Abuuraa
U iftiinshey idilkood
Halkay eersanaayaan
Kii iftiinka raaciyiyo
Kii Ambasho doortaa
Abaalkooda way heli
Ayaantaa dambaysee
Ha ilduufin weligaa

 


Aadduunku waa meesha laynaga abuuray ee dhoobadii Aadan laga abuuray taalley,sidoo kale markaynu dhimanno isagaa dib laynoogu celinayaa,ka dib Qiyaamaha dib ayaa laynooga soo saarayaa oo qofkasta xisaabtiisuu la kulmayaa,thou man is dust unto dust thou shall return:


مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى(طه).

Isagaanu(Dhulka)idinka abuurnay,isagaannuna idinku celin doonna a(qabriga) isagaannuna idinka soo saari doonnaa(Qiyaamaha)

Waxa Adduunkani yahay goob lagu jiro imtixaan oo natiijadiisu soo baxayso markuu dhamaado waa Qiyaamaha'e,waxana lagu jirayaa dagaal Shaydaanka lagula jiro oo soconaysa una baahan feejignaan iyo diyaar garaw joogto ah,oo marna aan arrinka la dhayalsan  waa yo Shaydaanku wuu ballan qaaday inuu lumiyo bini'aadanka waana cadow cad oo Alle inoo sheegay oo yidhi ka dhigta cadow oo yaanu idin luminin oo idiin qurxinin Adduunka oo idiinka dhigin goob lagu gaadho degganaansho iyo waarid,Aduunku waa wax kooban  Aak hirose waa meel lagu waarayo oo qofba wuxuu shaqaystay helayo.
Illaahay Jannaynu ka baryaynaa iyo wanaag If iyo Aakhiro Aamiin Aamiin

 

 

Saeed Ibrahim Hussein