Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo dhanbaal tacsiya u diray ehelkii iyo shacabka Somaliland ee dadkii ku geeriyooday shilka baabuur

 


Hargeysa (TNN) : - Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo d hanbaal tacsiya u diray ehelkii iyo shacabka Somaliland ee dadkii  ku dhintay shilkii ka dhacay jidka u dhexeeya degmada  Gabiley iyo Kalabaydh.

Mujaahid Adan Shiine,wuxuu Ilaahay uga baryey inuu marxuumiinta dhammaantoodba janno fardwasa ka waraabiyo,ehelkii,qaraabadii,asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee ay ka baxeena, samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale , waxaa uu Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale ,Mujaahid Adan Shiine u u dadkii ku dhaawacmay shilkaa baabuur ,uu Ilaahay uga bareyey inuu caafimaad sare ecan ah siiyo,xanuunkana ka dul qaado.




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland