Mayorkii hore ee Degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii  dhalin yarada ku qaraqantay  Badda u dhaxaysa Masar & Giriiga
 

 

Birmingham (TNN):- Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,ahna La-Taliyaha Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha,Mujaahid Adan Shiine,ayaa  tacsi tiiraanyo leh u diray dh ammaan eheladii ,qaraabadii,asxaabtii & shacabka Somaliland,ee dhalinyaradii  Doonidu kula qaraqantay, kuna naf waayey Badda u dhaxeysa dalaka Masar & Giriiga.

Mujaahid Adan Shiine,ayaa wuxuu  soo jeediyey in xukuumad & shacabba,gacmaha lays qabsado,talo Qaranna la isugu yimaado ,si looga hor tago,loona xakameeyo,Aafadan Ta hriibka ee dhalinyaradeenii,oo ah mustaqbalkii dalkeenu ay ku leedeen,oo ah buu yidhi  Dhiig bax aan indhaha laga qarsan karin.

Mujaahid Adan Shiine,wuxuu Allaha awooda leh uga baryey inuu dhamaan marxuuminta Janno Fardwsa ka waraabiyo,samir & iimaan innaga siiyo

 

 



Timacade News Desk
Birmingham,UK