Waxaan halkan ku soo gudbinayaa maanso aan kaga hadlaayo tahriibta oo aan curiyey 27/10/2013
 

 



Marka hore waxaan salaamaya dhamaan hawl wadeenada Shabakada Caalamiga ah e e Timacade News Network ,marka xigta waxaan salaamaya dhamaan akhristayaasha sharafta leh meel kastoo ay joogaan.

 

1. Hadimo weeyaan tahriibtu
2. Qurbuu hagardaamo weeye
3. Hadana haliis iyo dhibaato
4. Shacbigu kama hawl yaraysto
5. Dadkaba yurub baa u hiraysa
6. Haadaantana looma jeedo
7. Barbaarteenii huleelee
8. Huleeloo hilinka qaade,
9. Kuwaa marinkii habaabay
10. Habaaboo heedadaabay
11. Ilaa hada laga war haynin
12. Dadkooduna haybinaayay,
13. Kuwaa hanti loo af-duubay
14. Hareeraha layska taagay
15. Hub iyo lala dhacay haraati
16. Intoo laysla hadal siiyay
17. Hormuudkii eheladooda
18. Aduun lagu soo hagaajay
19. Ragii xoolaha u haystay,
20. Kuwaa hoganaaya jeelka
21. Xabsiga hoy looga yeelay
22. Habeen iyo maalin ooman
23. Anfaacada aan haweysan
24. Qareen u hadlaaya haysan,
25. Kuwaa hanfigiyo kulaylka
26. Saxaraha heetin waayay
27. Haraad uu meel ku laayay.
28. Miyaydaan wararka haynin?
29. Miyaan isagoo hubaal ah
30. Miyaan inamadu helaynin
31. Miyaan hoos loogu sheegin
32. Masiibada la holin waayay
33. Hilfaa umadii u qaaday
34. Barbaarteenii haleeshay
35. Haleeshee kala halaysay,
36. Dhibtaa hiyi-kicisay uunka
37. Mid weeyaan sii huraysa
38. Maxay hablo nacab u heertay
39. Maxay halbowlaha nin goysay
40. Maxaa lagu rogay habaaska
41. Maxaa badda doon haligantay
42. Maxaa dhalinyaro ku hoobtay
43. Maxaa hiinraagay neefta
44. Maxaa hana-qaad dabaashay
45. Maxaa haabhaabtay mawjad
46. Biyaa harawaatiyaaya
47. Maxaa heehaabay wiilal
48. Maxay hanad hooyo weyday
49. Maxay hurdo seexan weyday
50. Maxay ilmo hibibiqlaysay.
51. Miyaydaan wararka haynin?
52. Miyaan isagoo hubaal ah
53. Miyaan inamadu helaynin
54. Miyaan hoos loogu sheegin
55. Talyaaniga lagu hungoobay
56. Inaan helsinki dhaamin
57. Stockholm laysku hawlin
58. Denmark lagu soo hiloobin
59. Inaan Norway la haybin
60. Inaan jarmal cidii haweysan
61. Inaan holland layska dhiibin
62 Inaan faransiis la hiigsan
63. Inuu ingiriis la huudmay,
64. Qaxoontiga loo heshiiyay
65. Inay yurub haatan diiday
66. Inaan sharci laga helaynin
67. Qurbii laga soo hayaamay.
68. Miyaydaan wararka haynin?
69. Miyaan isagoo hubaal ah
70. Miyaan inamadu helaynin
71. Miyaan hoos loogu sheegin
72. Inuu hodan yahay dhulkeenu
73. Aduunyada ugu horeeyo
74. Horeeyoo laysku haysto
75. Kheyraad aan cidii helaynin
76. Ilaahay hibo u siiyay
77. Dadweynaha haqabtiraayo,
78. Hadii loo hagar baxaayo
79. Hadii heegada daruurtu
80. Markay hoortay hilaacdo
81. Xareedii la hakinaayo
82. Harada lagu weecinaayo
83. Hog iyo ceel loo qodaayo
84. Wax soo saar horumar keena
85. Bulshadu ay ku hamiyayso,
86. Hadii dhulka ciida hoose
87. Saliida haraaciyaysa
88. Shidaal laga hoorinaayo
89. Dhaqaalena laga helaayo
90. In baahidu ay hadhayso
91. Nimcana lagu hiilanaayo
92. Barwaaqo la haysanaayo
93. Hayeeshee laga habsaamay
94. Imika loo hawl gelaayo.
95. Miyaydaan wararka haynin?
96. Miyaan isagoo hubaal ah
97. Miyaan inamadu helaynin
98. Miyaan hoos loogu sheegin.

 

 

 

Abwaan Aadan Muuse Haybe