Abu Dhabi : Kulan Casho oo kulmiyay Beelaha
Habar Magaado
 

 


 

Kulan Casho ah,oo si heersare loo soo agasimay, ayaa lagu qabtay Abu Dhabi ,dalka Emaar aadka Carabta.Kulankaas oo ka dhacay  Somali Brothers Resturantâ, Mussafah , waxa ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo ka kooban Odayaal, Madax dhaqameedyo, iyo aqoo nyahano.

Kulankaas , oo aan siyaasad ku lug lahayn, waxa lagaga hadlay sidii loo hourumarin lahaa  g uud ahaan Somaliland gaar ahaana Degaanada ay degaan Belaahaasi. Waxa mudnaanta  ko waad la siiyay sidii loo dayac tiri lahaa, loona hagaajin jidadka isku xidha, Hargeisa-BaliG  u badle; Hargeisa Oodwayne-Burco, Gabiilay-Hargeisa,iyo sidii kor loogu qaadi lahaa  adeeg ayadda bulshada .

Waxa la saaray Guddi kooban oo soo qaban qaabisa shir balladhaan oo beelahaasi ku kulmi doonaan Abu Dhabi, sanadka cusub 1st Jan,2010 . Waxa laysku afgartay inaan Siyaasad  l agu soo hadal qaadin shirkaas, ajandahuna ku koobnaado barnaamijyadda horumarinta â €ś Development Programs ” .

Waxa kale oo ay ku boorinayaan beelaha kale ee Reer Somaliland inay ka waantoobaan soo saarista Baaqyo & Go'aamo ku salaysan siyaasad oo khal-khal gelin kara jiritaanka  Somali land, kana soo horjeeda ku dhaqanka dastuurka iyo nidaamka dawladnimo.




Wa Bilaahi Towfeeq

 



Af Hayeenka Beelaha Habar Magaado, Mussafah, Abu Dhabi.
Jama Yusuf Xandule
Jamayusuf36@yahoo.com